Puntland oo sheegtay in Fiiso lagu soo gelaayo deegaanadeeda

0
Wednesday June 19, 2019 - 23:20:44 in Wararka by
  • Visits: 366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo sheegtay in Fiiso lagu soo gelaayo deegaanadeeda

    Dowlad goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay shaaciyay hadal siyaabo kala duwan u qabsaday warbaahinta Soomaalida, kadib markii Wasiir ka tirsan Maamulkaas uu sheegay in deegaanada Puntland Viiso lagu soo gelaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlad goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay shaaciyay hadal siyaabo kala duwan u qabsaday warbaahinta Soomaalida, kadib markii Wasiir ka tirsan Maamulkaas uu sheegay in deegaanada Puntland Viiso lagu soo gelaayo.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ay sheegay in wixii xilligaan ka dambeeya deegaanada Puntland uusan soo galeyn qof Viiso la’aan ah.

Waxa uu sheegay in Puntland ay Sharciga horgeyn doonto cid alaala cidii Viiso la’aan soo gasho deegaanada Puntland,isla markaana Ciidamada amniga fasax ay u qabaan inay qabtaan ruuxii si sharcidaro ah ku soo gala deeganada Maamulkaas

"Dalkan Puntland kaliya waxaa soo geli kara qofkii Viiso wata,xataa qof walba oo tahriib ah oo sharcidarro kusoo gasha puntland waa ay qabaneysaa maxkamad ayaana la tiigsan doonaa ayuu yiri Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Puntland.

Marka laga soo tago hadalka Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga Puntland aya waxaa xusid mudan in deegaanada Puntland ay xilligaan ku sugan yihiin dad ajaanib ah,hayeeshee lama oga sida ay suurtagal ku noqon karto in dadka Soomaaliyeed ay Viiso ku galaan deegaanda Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip