Dhageysiga Dacwada Wariye Coldoon oo ka bilaabatay Magalada Hargeysa

0
Wednesday June 19, 2019 - 23:10:35 in Wararka by
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageysiga Dacwada Wariye Coldoon oo ka bilaabatay Magalada Hargeysa

    Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa ayaa waxaa Maanta ka bilaabatay dhageysga dacwada loo heysto Wariye Cabdi Maalik Sheekh Muuse Coldoon oo weli u xiran Maamulka Soomaaliland. Maalma ka hor ayaa Xeer Ilaalinta Soomaaliland waxaa ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa ayaa waxaa Maanta ka bilaabatay dhageysga dacwada loo heysto Wariye Cabdi Maalik Sheekh Muuse Coldoon oo weli u xiran Maamulka Soomaaliland. Maalma ka hor ayaa Xeer Ilaalinta Soomaaliland waxaa ay soo bandhigtay dacwada loo heysto oo ah in uu Bartiisa Facebook ku qoray hadalo ay ka xumaatay Xukuumadda Muuse Biixi oo ay ka mid ahaayeen" Taliskani_Tubtii_buu_hayaa_talisyadii_hoogey iyo taliska Muuse Biixi waa taliskii Cabdi Iley oo soo koraya.

Sidoo kale eedeymaha loo heysto Wariye Cabdi Maalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa waxaa ka mid ah arrimo la xiriira Dugsiga Abaarso oo  ku yaalla galbeedka magaalada Hargeysa, kuna sheegay in uu yahay mid lagu barto waxyaabo ka baxsan diinta Islaamka sida ay sheegtay Xeer ilaalinta.

Wariye Coldoon oo Ciidamada Soomaaliland ay Magalada Burco kasoo xireen  17/4/ 2019 ayaa la filayaa in Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Magalada Hargeysa ay Go’aan kama dambeysa ah ka gaarto,waxaana dacwadaas horay u diiday in uu qaado Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Togdheer ee Soomaaliland.

Wariye Cabdi Maalik Sheekh Muuse Coldoon  ayaa in ka badan laba bilood xabsiga Hargeysa ku jira,waxana xukuumadii tan ka horeysay ee Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay ku xuntay xarig  lix Bilood ah wallow markii dambe cafis Madaxweyne lagu siidaayay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip