Akhriso:-Qodobada Llooga Hadlayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka Qaranka

0
Wednesday June 19, 2019 - 10:32:16 in Wararka by
  • Visits: 301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:-Qodobada Llooga Hadlayo Kulanka Maanta ee Golaha Shacabka Qaranka

    Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 19/6/2019 waxaa ay Xaruntooda ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa ee Kal-fadhiga Shanaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ku beegan tahay 19/6/2019 waxaa ay Xaruntooda ku yeelanayaan Kulankoodii caadiga ahaa ee Kal-fadhiga Shanaad.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3-aad Hindise Sharciyeedka Maamulka Maaliyadda,waxaaana kulanka Goobjoog ka noqon doona Xubno ka socda Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ka tirsan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyay in uu jiro Maanta kulanka Golaha,isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiraan,waqtigana dhammaantood wada ilaaliyaan.

Kulankii ugu dambeeyay ee Isniintii ay yeesheen Xildhibaannada ayaa Akhrinta koowaad waxa ay marsiiyeen wax ka beddelka Sharciga Iibka Qaranka, iyada oo Xildhibaannada sidoo kale loo qeybiyay Sharciga Dhismaha Guddiga Madaxa Bannaan ee la dagaallanka Musuq Maasuqa.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa inta ay ku guda jiraan Kal-fadhiga 5aad ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo la doonayo inay meel mariyaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip