SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo bilaabay la-xisaabtanka Maamulada degmooyinka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa maanta kulan gaar ah oo amniga quseeya la qaatay maamulka degmada Howl-Wadaag isagoo ka wareestay xaalada degmada iyo isbadalka amni ee kajira.
Duqa magaalada Muqdisho mudane Eng Yariisoow ayaa kula dardaarmay maamulka degmada iyo laamaha amniga in la xoojiyo sugida nabadgalyada deegaanka iyo in la horumarinyo isku xirka shacabka iyo hey'adaha amaanka.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa ugu danbeyn kormeeray wadada Ceel Garweyne oo oo dib u dayactir lagu sameeyay.
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo bilaabay la-xisaabtanka Maamulada degmooyinka
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa maanta kulan gaar ah oo amniga quseeya la qaatay maamulka degmada Howl-Wadaag isagoo ka wareestay xaalada degmada iyo isbadalka amni ee