Xiisaddii ka dhalatay xilka qaadistii Dabageed oo aan wali xal laga gaarin

0
Sunday June 16, 2019 - 20:58:47 in Wararka by
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisaddii ka dhalatay xilka qaadistii Dabageed oo aan wali xal laga gaarin

    Waxaa wali xal buuxa laga gaarin Xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweyne Waare uu ku sameeyay Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Magaalada Beledweyne ayaa wali waxaa ka socda kulamo kala duwan oo u dhaxeeya qaar ka mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa wali xal buuxa laga gaarin Xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Madaxweyne Waare uu ku sameeyay Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed. Magaalada Beledweyne ayaa wali waxaa ka socda kulamo kala duwan oo u dhaxeeya qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada Beledweyne iyo Guddi Wasiiro ah oo uu Madaxweynaha Hirshabeelle u saaray Xaaladda Beledweyne.

Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa Maanta tegay xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle, si ay uga mid noqdaan mas’uuliyinta Baladweyne u tegay inay xaliyaan khilaafka Madaxweyne Waare iyo guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee xilka laga qaaday Yuusub Dabageed.

Xaaladda Magaalada Beledweyne ayaa deganeyd maalmihii ugu dambeeyay, waxaana Magaalada ku sugan Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dowladda jabuuti ee ka howlgalla gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah waxgaradka Magaalada ayaa sheegay in ay doonayaan in ay waan waan ku dhameeyaan Xiisadda ka dhalatay xilka qaadistii Gudoomiyihii gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Waare ayaa 13 Bishaan  dibadbaxayaal careysan iyo Ciidamo daacad u ah Yuusuf Dabageed u diideen in gudaha uu u gala Magaaladda Baladweyne, waxaana uu wali ku sugan yahay Xeradda Ciidanka AMISOM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip