Qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan K/Galbeed & Khasaaro ka dhashay

0
Sunday June 16, 2019 - 14:57:29 in Wararka by
  • Visits: 409
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo lala eegtay Ciidamo ka tirsan K/Galbeed & Khasaaro ka dhashay

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed lagula eegtay deegaano ka tirsan gobolka Baay,waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro kala duwan. Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in Gaadiid ay la socdeen ciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed lagula eegtay deegaano ka tirsan gobolka Baay,waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro kala duwan. Wararka ayaa waxaa ay sheegayan in Gaadiid ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed qarax miina nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay deegaan duleedka ka ah degmada Khansax-dheere,isla markaana ay ku geeriyoodeen laba askari.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas,waxaana ay sheegeen in qarax labaad ay la eegteen kolonyo u soo gurmatay Ciidamada qaraxa lagula eegtay duleedka degmada Khansax-dheere,isla markaana ay ku dhinteen laba kale oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka qaraxa uu ka dhacay ayaa dhankooda waxa ay sheegeen inay maqlayeen jugta labada qarax,hayeeshee aysan ilaa iyo hadda weli cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee Gobolka Baay iyo maamulka degmada Khansax-dheere weli dhankooda kama hadlin qaraxyadaasi lala eegtay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee ka dhacay duleedka degmada Khansax-dheere ee Gobolka Baay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip