Sawirro:-RW Kheyre Balan Qaad U Sameeyay Ciidankii Ka Hor Tegay Qaraxii Muqdisho

0
Sunday June 16, 2019 - 14:14:24 in Wararka by
  • Visits: 434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-RW Kheyre Balan Qaad U Sameeyay Ciidankii Ka Hor Tegay Qaraxii Muqdisho

    Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo Al-shabaab ka geysteen gudaha Magaalada Muqdisho. Ra'iis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa booqasho dhiirri gelin ah ugu tegay ciidamada ammaanka ee shalay ka hor tegay laba weerar oo Al-shabaab ka geysteen gudaha Magaalada Muqdisho. Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidamada ugu tegay baraha ay ku sugnaayeen ayaa ku ammaany feejintaanta ay ka qabaan Al-shabaab, waxa uuna kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan si loo baajiyo dhibaatooyin Shabaab.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidanka iyo saraakiishooda u sheegay in madaxda qaranku ay aad uga war qabaan dadaalka wanaagsan ee geesinimada xambaarsan ee ciidamadu ku jiraan, lana abaal marinayo ciidamada amniga ee isku hor gudbay cadawga, dhiigdoodana u huray badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay in ay qayb ka qaataan sugidda amniga, oo ay laamaha amniga la soo wadaagaan xogaha muhiimka u ah adkaynta amniga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip