HALKAAN KA KAHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUM TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 13-LKA JUUN 2019-KA

0
Thursday June 13, 2019 - 12:23:52 in Wararka by
  • Visits: 1104
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA KAHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHUM TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 13-LKA JUUN 2019-KA

    FAAH FAAHIN:-AL-SHABAAB OO WEERAR KA GEYSTAY GOBOLKA WAQOOYI BARI Warar dheerad ah aya akasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan u dhow Magalada Gaarisa ee dhulka gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FAAH FAAHIN:-AL-SHABAAB OO WEERAR KA GEYSTAY GOBOLKA WAQOOYI BARI Warar dheerad ah aya akasoo baxaya weerar qaraxyo ah oo Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya lagula eegtay deegaan u dhow Magalada Gaarisa ee dhulka gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi Kenya. Kolonyo ka tirsan Ciidamadaasi Kenya ayaa qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lala egtay xilli ay marayeen inta u dhaxeeysa deegaanada Sedax goosa iyo Amuuma oo u dhow Magalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada qaraxaas,waxaana warar ay ku qoreen Barha ay ku leeyihiin Internet-ka ay ku sheegeen inay gubeen mid ka mid ah Gawaarida Ciidamada Millateriga Kenya,isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay.

Majiraan wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Bari oo ku aadan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas,waxaana uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Kenya ay xirtay Xaduudka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

WARARKII UGU DANBEEYAY EE MAGAALADA BELEDWEYNE IYO IS-MARI-WAAGA SIYAASA DEED EE SABABAY GACAN KA HADALKA

Waxaa isa soo taranaya baaqyo kala duwan oo loo jeedinayo dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka Hiiraan, gaar ah an guddo omiyihii hore ee gobolka Yuu suf Axmed Hagar Da ba-geed oo wali ku adkeysanaya in uu ya hay gudoomiyaha gobolka kadib markii wareegto ka soo ba xday madaxwey naha Hirshabeelle xilkii lo oga qaaday.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhi baanno ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka in ay arrima hooda ku dhameystaan wada hadal, iyaga oo ka digay iska horimaad kale oo ka dha cay magaalada.

Dagaal maalintii Dorraad ka dhacay dee gaanka Kala-Beyr ee dulleedka mag aalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhin tay taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxamed Macow halka sidoo kalana lagu dha cay ku-xigeenkiisii.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Cali Maxamed Caraale ayaa arintaan ku ee deeyay in uu ka danb eeyay Yuusuf Daba-geed oo dhinaciisa wali wax war ah soo saarin.

Guud ahaan marka la eego xaalada ma gaalada Beledweyne iyo deegaankii sha lay dirirtu ka dhacday ayaa degan, wa xaan ilaa Habeen hore soconayay wada hadalo ay qeyb ka ahaayeen waxgaradka magaalada oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisa da siyaasadeed ee ka dhala tay xil ka qaadista guddo omiyihii hore ee gobolka.

CUDURKA EBOLA OO LAGA HELAY DALKA UGANDA

Ilmo shan jir ah oo qaba cudurka Ebola ayaa laga helay gudaha dalka Uganda, si da ay xaqiijisay hay 'adda caafimaadka ad uunka ee WHO.

Sida ay sheegeen saraakisha caafimaa dka Congo, wiilkani 5 jirka ah ayaa u soo talaabay xadka dhanka Uganda Isniintii isaga oo ay weheliyaan 5 ka mid ah xub naha qoyskiisa,iyadoo hay'adaha caafi maadka iyo khubarada ay horey uga di gay in haddii cudurkan uu ka soo talaabo xadka Congo ay arrintaasi tahay mid xaa ladda sii murjinaysa.Qoyska uu ka tirsan yahay ilmaha laga he lay cudurka ayaa markii hore ku noolaa U ganda, balse Congo u aaday si ay u boo qdaan mid ka mid ah qaraabadooda oo la ildarnaa cudurka Ebola.Qoyska oo guud ahaan ka koobnaa 14 xubnood ayaa Isniin tii yimid xuduuda si ay dib u gu soo laab taan Uganda.

12 qof oo ay 7 carruur ah ka mid yihiin 7 a yaa lagu arkay calaamadaha cudurka Ebo la waxaana loo gud biyay xarun lagu karan tiilo oo ku taalla dalka Congo.Balse sida ay sheegen hay'adaha caafimaadka 6 ka mid ah xubnaha qoyskaasi ayaa ka soo baxsaday xaruntaasi iyaga oo lugaynaya islamarkana si dhuu maaleysi ah ku galay dalka Uganda.

Qoyskan ayaa markii dambe lagu baaray isbataal ku yaalla Uganda halkaasi oo wiil ka mid ah la xaqi ijiyay in uu cudurka Ebo la haleelay.Waa kiiskii ugu horreeyay oo cudurka Ebola ah oo la xaqiijiyo dalka Ug anda ee dariska la ah Jamhuuriyada dim uqradiga ee Congo.

Illaa 1,400 oo qof ayaa tan iyo bishii A ugust cudurka Ebola ugu dhintay Congo.

WASIIR CAWAD OO MAREYKANKA UGA QEYB GALAY KULAN SU’AALO LAGU WEEYDIIYAY

Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaa shiga caalamiga ah ee dawladda Federaal ka Soomaaliya Amb. Ahmed Ciise Cawad oo maalmahan ku sugnaa magaalada Min neapolis Gobolka Minnesota ee dalka Mar eykanka ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed, qaybah eeda kala duwan & Madaxda Gobolka Min nesota,wuxuuna.

Mudane Amb. Ahmed Ciise Cawad ayaa ka war-bixiyey xaaladda dalka iyo gu ulaha laga gaaray arrimaha Siyaasadda,G anacsiga iyo xariirka caalamiga ah.

Kullankaan oo ay iskaashadeen hay’ad da Global Minnesota oo ah Hay’ad ay kull ansadeen ganacsatada Gobolka & Jaama cadda Augosburg ayaa waxaa wasiirka Su’aalolaga waydiiyey Xaaladda dalka,I sagoo jawaabo waafi ah ka siiyey dadkii goobta ku sugnaa.

Ugu danbayntii wasiirka ayaa Xusay door ka ay jaaliyadda Soomaaliyeed ku leeda hay dib-u-dhiska Soomaliya,kulana dar-da armay in ay tallo,Toosin & tabarucaad ba uga qayb-qaataan kalin mug & miisaan ba leh

XUUTIYIINTA OO GANTAAL KU WEERARAY GAROON KU YAALLA SACUUDIGA & KHASAARO KA DHASHAY

ebola-case-uganda Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in kooxda xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka yaman ay weerar dhinaca Cirka oo ay gan taal u adeegsadeen ku qaadeen Garoon ka Diyaradaha Alba ee dalkasi Sacudi ga.

Ganatalkaas ayaa Sacuudiga waxaa uu sheegay inay ku dhaawacmeen 26 ruux oo u badnaa Rak aab u dha shay dalal kala du wan,kuwaas oo xilliga Garoonka la wee raray sug ayay inay ka dhoofaan.

Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu sacuu diga hoggaamiyo oo dagaalka ka wada dalka Yaman ayaa sheegay in dadka kha saaraha kasoo gaaray Gantaalka ay ku su gnaayeen Halka Diyaaradaha laga raaco ee garoonka,isla markaana dhaawacyad ooda la geeyay Isbitaalada dalkaas.

Xuutiyiinta dalka Yaman ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan Gudaha dalka Sacuudiga,hayeeshee weerarkaan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa weerarada ay Xuutiyiinta ka geysteen dalka Sacuudig

WASAARADDA AMNIGA XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARTAY XAALADA MAGAALADA BELEDWEYNE

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_69321C-2ED803-B71D42-89DF6A-88DE53-CBF5AA.png&h=210&w=210 Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soo maaliya ayaa War ka soo saartay iska hori maad Dorraad ka dhacay deegaan ka Kala beyr ee Gobolka Hiir aan, kaas oo uu ku geeriyooday Taliy ihii qeybta Boolis ka Gobolka Hiira an Gaashaanle Dhexe Maxam ed Macow Xalane.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdinaasir Saciid Muuse ayaa sheegay in xukuuma dda Soomaaliya ay ka xun tahay da gaalkii ka dhacay duleedka Beledweyne isaga oo ka tacsiyadeeyay dilkii Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan. Waxa uu sheegay Wasiir kuxigeenka in Dowladda Soomaaliya ay Guddi u ,maga caabeyso Shaqaaqadaas,isla markaana baaritaan dhab ah ku sameynaya wixii sa babay dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr.

"Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa magacaabeysaa guddi ka warbixiya waxa keenay Shaqaaqadii ka dhacday duleedka Baladweyne iyo cidii arrintaasi ku lug laheyd,waxana rajeynayaa in guddigaas markii la magacaabo in si dhaqsi ah uu u Shaqa bilaabi doono ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Amniga”.

Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga ee ka holwgalla deegaanada Hir-Shabeelle ayuu ugu baaqay inaysan ka qeyb gelin wax khalqal gelinaya amniga iyo wax dhibaato u keenaya Shacabka Soomaaliyeed meel walba ay joogaan.

DOWLADDA SHIINAHA OO SOOMAALIYA SOO GAARSIISAY DEEQ RAASHIIN

shiinaha Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya Soo gaarsiisay deeq mucaawino gargaar ah , taas oo ay u Wakiilatay Xafiiska hay’ adda Cuntada Adduunka WFP ee Soo maaliya.

Munaasabad ay hay’adda WFP kula wareegtay deeqdan raa shiinka ah ayaa waxa ay Shalayka dhacday Dekedda we yn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda garg aarka iyo maa reynta musiibooyinka, Safiir ka Shiinaha u jooga Soomaaliya,Wei Hon gtain iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Deeqdan oo ka koobnayd, 440 tan oo Bariis ah, 1000 Tan oo Galley laga iibiyay gudaha Dalka ah, 350 Tan oo Saliid ah iyo 115 Tan oo Cunnada nafaqaysan ah, ayaa lagu wareejiyay Saraakii sha hay’ad da WFP Soomaaliya, si ay Dowladda Soomaaliya ula wadaagaan qoondeynta gargaarkan.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wei Hongtain, ayaa sheegay in uu qorsha hoodu in ay Dowladdiisu sida ugu dhaqsi yaha badan uga gudubto howlaha gargaa rka, una tallaabsan doonto ka qeyb qaa dashada dib u dhiska iyo nabadeynta Dal ka.

Mr; Hongtain, ayaa sheegay in ay dii radda saarayaan dhismaha iyo dib uhabe ynta Isbitaalka Bana adir, Garoonka Kubba dda Cagta (Stadium Muqdisho) Waddada dheer ee isku xirta Gobollada Koofurta iyo Waqooyiga Dalka iyo in ay Dowladda Soo maaliya kala shaqeeyaan arrimaha amni ga.

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay Dowl adda Shiinaha kaalmada Bini’aaddannimo ee ay mar walba u fidiso Soomaaliya, wu xuuna sheegay in deeqdan si habsami leh loo gaarsiin doono mee lihii loogu tala ga lay.

Gargaarkan ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo dhamm aan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo goobaha ugu daran ee ay baahiyaha kala duwan ka jiraan ka jirto.

MAXKAMADDA CIIDAMMADA QALABKA SIDA OO LAGU WAREEJIYAY NATIIJADA BAARITAAN ISKA HOR IMAAD KHASAARO GEYSTAY OO KA DHACAY DEGMADA XAMAR WEYNE

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_825789-E24CAC-6289AA-B6BC92-BC3B91-3D5D5E.png&h=210&w=210Taliyaha Ciidammada Asluubta Soomaali yeed, Bashiir Maxam ed Jaamac Goobe a yaa sheegay in maxkamadda ciidam ma da qalabka sida lagu wareejiyay baari ta an uu guddi uu magac aabay madaxwe yn e Farmaajo ay ka sameeyeen iska hor im aad billowgii bishan ka dhacay deg ma da Xamar weyne ee gobolka Banaadir.

Iska horimaadka oo dhacay labadii bi shan June ayaa waxaa ku dhintay qof sha cab ah iyo askari ka tirsan ciidammada xo ogga Soomaaliya , iyadoo oo uu ku dhaa wacmay sarkaal kale iyo qof shacab ah.

Kiiskaasi ayaa Madaxweyne Farmaajo , wuxuu u xilsaaray Guddi Baaris ah oo Guddoomiye looga dhi gay Taliyaha Ciidan ka Asluubta , Bashiir Goobe maxkamadda Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay baaritaanka kiiskaasi laga sameeyay.

"Labadii bishan Xamar weyne waxaa ka dhacay israsaaseyn qof shacab ah ku dhi ntay iyo askari ka tirsan ciidammada Xoog ga, waxaa kale oo ku dhaawacmay askar ka tirsan ciidammada xoogga, Cii danka Booliska iyo Shacab, Madaxwey naha wuxuu wareegto ka soo saaray Gu ddi arrintaas baara oo xaqiiqadeeda ogaa da, Guddigaasi oo aan aniga Guddoomiye u ahay, Muddo dheer aan baaris samey nay kaddib aakhirkii waxaan soo gaarnay gun gaarkii, wax Alle wixii ka soo baxay waxaan ku ware ejinaynaa maxkamadda Ciidamada Qalabka." ayuu yiri Bashiir Goobe.

Iska horimaadkii ka dhacay degmada Xa mar weyne oo ku beegnayd dabaqayaadii bishii Ramadaan, ay aa saraakiisha Boolis ka waxa ay ku sheegeen in lagu dilay rag burcad ahaa oo Ciidanka ka tirsanaa, kuw aasi oo dhac gaysanaayay.

LACAGTA QATAR KAGA BAXAYSA EE DHISM AHA GAROOMADA K/ADDUUNKA OO 17 JEER KU JIBAARMEYSA MIISAANIYADA SOMALIA EE SANNADKAN

garoon Tan iyo markii ay dowlada Qatar bilowd ay inay diyaariso garoomada iyo adeegya da kale ee loo baa han yahay Koobka Ad duunka ee 2022, waxaa si weyn loo xiise ynayay in la ogaado qarashka ku bax aya howshaas baaxada weyn leh.

Isagoo sannadkan ka qeyb galayay shirka dhaqaalaha ee kagu qabtay magaalada St. Petersburg, Hassan Al Thawadi oo u sa reeya gudiga diyaarinta adeegyada Koob ka Adduunka ee Qatar awaxa uu yiri:

"Lacagta ku baxday garoomada iyo adeeg yada kale waxa ay gaareysaa lix bilyan do olar. Waxaa intaas sii dheer inay jiraan mashaariic horumarineed oo laga wado guud ah aan waddanka iyo maalgashi dhis mayaal oo iyagana loo isticmaali doono Koobka Adduunka.

"Hamigeena waa uu ka weyn yahay kali ya Koobka Adduunka. Waxaan dooney naa inaan horumarino dalka, oo aan maal gashi ku sameyno dhismihiisa. Tusaale ah aan, waxaan uga faa’ideysaneynaa dhis maha adeega gadiidka iyo weliba samey nta tareeno casri ah. Faa’idada kale ee uu mashruucaan leeyaay waa fursadaha shaqo ee soo baxaya” ayuu hadalkiisa raa ciyay.

Lix bilyan doolar oo lagu bixiyo diyaar garowga Koobka Adduunka waa lacag aad u badan, haddii si kale loo dhigo waa 17 jibaarka miisaaniyada dowlada Soom aaliya ee sannadkan ay ku shaqeyneyso oo gaareysa 340 Milyan doolar.

El Thawady waxa uu sheegay inay mar walba xiriir la leeyihiin Ruushka si ay khib rad uga helaan madaama Russia ay marti gelisay Koobka Adduunka sannadkii hore.

Ilaa iyo haatan labo garoon aya la dhame ystiray garoomada Koobka Adduunka ee Qatar.

Al Janoub ayaa si rasmi ah loo furay 16 kii bishii May waxaaa lagu ciyaaray Koob ka Amiirka ee Qatar. Garoonka kale ee isna la dhameystiray waa Khalifa Internat ional oo la furay bishii May 2017.

CIIDAMO CUSUB OO LOO DIYAARIYAY DAGAALKA AL-SHABAAB

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda feder aalka, Xasan Cali Khayre, ayaa Xerada Tababarka Gen. Gordan Ku booqday cii damo ka tirsan Xoogga dalka oo loo diyaa rinayo howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab.

ciidamo cusubRa’iisul Wasaaraha oo ciidanka ugu tegay in ku dhiiri geliyo shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo ayaa u sheegay in ciidanku ay hayaan shaqada ugu muhiimsan ee dalka maadaama ay iyagu dhiiggooda dalka u hurayaan.

Ciidanka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu u bal lan qaaday in ay xuquuqdooda si joogta ah u heli doonaan, dowladduna ay si gaar ah xil isaga saartay, baahida qalab ee ay qabaanna loo dhammaystirayo si dalka iyo diinta ay cadawga uga difaacaan.

Dowladda Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsha dalka looga Saaro Al-Sha baab , arrintaas oo qayb wayn ka ah hal beegyada tubta amniga iyo hannaanka cii damada Soomaaliyeed ay ula wareega yaan mas’uuliyadda dalka.

MAREKANKA OO BALLAN-QAADAY INUU XOOJINAYO HOWLGALLADA UU KA FULIYO SOOMAALIYA

http://mogtimes.com/assets/thumb.php?src=/uploads/article/photo/IMG_EE6AAA-06C6B9-F98EFD-A6133B-5E2B5A-9D4B0C.jpg&h=210&w=210 Maraykanka ayaa Talaadadii sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada amni ga ee lagu taagee rayo xasillinta Soomaali ya iyo dagaalka al-Shabaab.

War-saxaafadeed laga soo saa ray ku lan ay Dorraad Muqd isho ku yee sheen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, tali yaha ciida nka xoogga, taliyaha hawlg alladda militari ga Maraykanka ka jooga qaraadda Afrika ee AFRICOM, Jeneral Thomas Waldhau ser iyo Danjiraha Mar aykanka u jooga So oma aliya, Donald Ya mamoto ayaa ballan qaadka lagu sameeyay.

"Taageerada nabadgalyo ee Soomaali ya waxay qeyb muhiim ah ka tahay deda alka uu Marekanka dowladda federaalka iyo dadka Soomaaliyeed lagala shaqey nayo ammaanka iyo nabadda dalkooda." Ayuu yiri Danjiraha Maraykanka u jooga Sooma aliya, Donald Yamamoto.

"Degganaashaha iyo nabadda Soomaa liya micnaheedu waa deganaashaha dhee riga ah ee mandi qadda geeska Afrika iyo inay dadka Soomaalida awoodaan inay dii radda saaraan dhismaha mustaqbal bar waaqo ah." ayuu ku daray Donald Yama moto.

Marekanka ayaa howlgallo uu ku taagee rayo dowladda Soomaaliya ka fuliya deeg aanno ka tirsan dal ka, waxaana inta ba dan howlgallada lagu beegsadaa saldhig yada al-Shabaab iyo Daacish.

DUGSIGA TABABARADDA MACALIMIINTA OO LA DHAGAX DHIGAY

http://mogtimes.com/uploads/article/photo/thumbs/IMG_F14096-75D3E7-D34B0E-3DD975-86AC04-62EFD3.jpg Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabd ullaahi Goodax Barre ayaa Shalay ra smi ah ugu dhagax dhigay dagmada Ba ardheere ee Goba lka gedo machadka tabarka macallimiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada Sooma aliya ayaa safarka uu ku tagay Dagmada Baar dheerewaxaa ku wehliyay Wasiiru dowla ha wasaaradda waxbarashada Cab di rax maan Maxamuud Cabdulle [Jaabir] Agaa simaha guud ee wasaaradda wa xbarasha da iyo masuuliyiin kale.

Dhagax-dhigga machadka laga hirgali nayo Dagmada Baardheere ee go balka Gedo ayaa waxaa ka soo qeyb galay waf di ka socda wasaaradaha waxbarashada Dawlad gobol eedyada Jubaland iyo koon fur galbeed.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarash ada Jubaland ayaa Soo dhaweyay ma chadka tabarka ee laga dhisayo dagmada Baar dheere ee gobalka gedo waxa uuna sheegay in ay tahay talaabo horay loo qaa day waxa uuna ka codsaday wasiirka wax barashada Xukuumadda Soomaaliya in wasaaradu ka caa wiso dhismaha iskuull ada.

Wasiirka waxbarashada xukuumad da Soomaaliya mudane Cabdullaahi Go odax Barre oo ka hadlay dhagax dhiga ma chad ka tababarka macallimiinta Soomaal iyeed ayaa sheegay in bahda wax bara shada muhiimad gaar ah uu u leeyahay machad kaan.

"Waxaan Shalayaniga wafdigii ila socd ayba aan u nimid Dagmada Baardheere ee gobolka Gedo anagoo isigu jirno was aaradii waxbarashada Hiddaha iyo Tacl iin ta sare ee Soomaliya iyo Deeq bixi yaa sha qaarkood muhiimada koobaad ayaa aheyd in aan u kuur galno Arimaha waxba rashada iyo bahda waxbarashada reer Baardheere waxaan sigaar ah ugu ni mid in aan dhagax dhigno machad soo sa ari doono macallimiinta dugsiga hoose dhexe ee labada maamul gobaleed ee Jubal aand iyo koonfur galbeed” ayuu yiri Wasiir Goodax Barre.

Wasiirka waxbarshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay dug siyada ku yaala dagm ada Baardheere ee gobolka Gedo waxana ku soo dhaweyay ardayda dugsiyada Dagmada Baardheere

4 RUUX OO LAGU DILAY DEEGAAN U DHOW MAGALADA DHUUSAMAREEB

Wararka laga helayo gobolka Galgad uud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Habeen hore Saqdii dhexe 4 Ruux lagu dilay deegaan Dule-edka ka ah Maga lada Dhuusamareeb oo ah Xarunta rasmiga ah ee Dowlad Goboleedka Galm udug.

dhagax dhigWariyeyaal ku sugan Dh-uusamareeb ay aa waxaa ay sheegeen in Deega-anka Dhi in-waris oo Dh-anka Koonfur ka Xiga Mag aalada Dhusamareeb lagu dilay Afarta Qof oo ka mid ahaa Shaqaalaha Goob Shi nada Malabka looga dhaliyo.

Wararka qaar ayaa waxaa ay shee gayaan in Afarta qof ee la dilay ay kasoo jeedaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil wallow aysan jirin cid sirasmi ah warkaasi u xaqiijisay.

Meydka Afarta Ruux ayaa la sheegay in loo soo qaaday dhinaca Caasimadda dhu usamareeb, iyada oo Maamulka Galm udug uu wado baritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay dilkaas iyo sababta ka da mbeysa dilkooda.

Majirto cid sirasmi ah u sheegatay mas’ uuiyada dilka Afarta Ruux ee Shacabka ahaa loogu geystay duleedka Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ,waxaana dhacdadaan Shalaysiweyn looga hadal hayaa Magalada Dhuusama reeb.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KULMAY ORODYAHANNO SOMALIYEED OO BILLADO SOO HOOYAY

XIL.DAHABO SUSOOW.jpgSACIIIIID QOORSHEELL.jpgORODYAHANNO QARAN IYO FARMAAJO.jpg Madaxweynaha Jamhuuriyadda Feder aalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cab dullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka munaasabad dhiirrigelin iyo ma amuus ah ugu sameeyey Orodyahanno Soomaaliyeed oo billado ka soo hooyay tartanno heer Gobol iyo heer Caalami ah oo la qabtay bilowga sanadkan.

Munaasabaddan ayaa abaalmarinno lagu guddoonsiiyey Cabdullaahi Jaamac Maxam ed, Cabdisalaam Maxamed Axm ed iyo Cabdi Daa’uud Rooble oo kaal ma ha hore ka galay tartannadii orodka ee Ja buuti iyo kii dalalka Zoonka 5aad ee Bar iga iyo Barta maha Afrika ee lagu qabtay Rwanda.

Madaxweyne Maxamed Cabdulla ahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiima dda ay dalkeenna iyo dadkeenna u lee yihiin guu laha noo can oo kale ah, ma adaama oo ay ka tarjumeyso in dadka Soom aaliyeed oo dhibaato badan soo maray ay Shalayguulo ka soo hoynayaan fagaarayaasha caalamka.

"Qof kasta oo Soomaali ah waa inuu noqdo astaan qaran oo isu arko in uu me talayo Soomaaliya. Marka waa inaan ku dayanno dhallinyaradaas is-xilqaamay oo dadaal badan sameeyay si ay ula tartama an dhiggooda caalamka, una soo celi yaan sharafka, wanaagga iyo sumcadda dalkeenna.”

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku bo gaadiyey Ramla Cali go’aanka wadd aniyadda leh ee ay ku dooratay in ay ciyaaraha feerka adduunka ee ka dhacaya dalka Japan kaga qayb gasho magaca Soom aaliya, isaga oo gabdhaha isu xilqaamay in ay ka qeyb galaan Tartanka Kubadda Koleyga ee Uganda ku ammaanay diyaar garowga xooggan ee ay ugu jiraan sidii ay metalaad wanaagsan ugu noqon lahaay een dalka.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuum adda Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye, Agaasimaha Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade), Guddoonka Guddiga Ciyaaraha Fudud ee heer Qaran, masuuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir, ganacsato iyo hobollo ka mid ah bahda fanka.

SOMALIA

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSI

_______________________



FALKE

OGAYSIIS WAA BIXINAYAA in calaamadda ganacsiga ee kor ku xusan ay tahay calaamad ganacsi:

SUMITOMO RUBBER INDUSTRIES, LTD., oo ah shirkad abaabulan oo sharcigeeda ku hoos jirta shuruucda Japan of 6-9, Wakinohama-cho 3-chome, Chuo-ku Kobe-shi, Hyogo 651-0072, Japan

waxaana loo isticmaalaa iyadoo lala xiriirinayo:

Gawaarida baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada baabuurta; taayirrada basaska; taayirrada baabuurta laba gawaarida ah.

OGAYSIIS WAXAA KA BIXIYAY in dacwad sharci ah laga qaadi doono qof kasta ama shirkad isticmaala calaamada ganacsiga ama wax kasta oo la midabtakooro ama kuwa kale ku xadgudbo xuquuqda shirkaddaas

BAARITAAN LAGU SAMEYNAYO HABKA UU U DHACAY DILKA TALIYIHII BOOLIISKA GOBOLKA HIIRAAN

Waxaa soconaya baaritaan la xiriira habka uu u dhacay dilka taliyihii Booliiska gobolka Hiiraan Maxa med Macow Xalane oo ku dhintay iska horimaad ka dhacay deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan.

Col Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla oo horay u soo noqday taliyaha Booliiska degmada Beleweyne ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira dilka taliyaha, hasse ahaatee waxa uu dhinaca kale sheegay in si hor dhac ah ay u ogaadeen in taliyaha iyo ku-xigeenkiisa si toos ah loo toogtay iyaga oo aan wax ras aas ah ridin.

‘’Waxa aan ognahay ilaa iyo hadda waa in taliyaha iyo ku-xigeenkiisa si toos ah loo bartilmaameesaday iyadoo aysan wax xabad ah ridin ciidamadii la socday, arintaasina waxa ay aheyd xad gudub iyo qalad weyn oo la galay’’ ayuu yiri Col Cali Dhuux.

Laakiin waxaa uu sheegay in baaritaanku intaa ka badan yahay oo wali la raadinayo macluumaad la xiriira sida falku u dhacay.

‘’Dabcan marka goob lagu dagaalamo wa rar kala duwan ayaa ka soo baxay, wali b aaritaanku waa uu socdaa, marka macluu maadka oo dhan la helo ayaan soo band higi doonnaa’’ ayuu hadalkiisa sii raaci yay.

Taliyaha dhintay ayaa dhawaan loo dala csiiyay xilka qeybta Booliiska gobolka Hii raan isaga oo horay u ahaa taliyaha sal dhiga Booliiska magaalada Beledweyne.

AMAR LAGU BIXIYAY IN LA SOO QABTO DAD KII DILAY TALIYIHII QEYBTA BOOLISKA G/HIIRAAN

Kusimaha Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle ahna Madaxweyne kuxi geenka`Maamulkaas ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay dilkii taliyihii qeybta Booli ska Gobolka Hiiraan Gaashaanle Dhexe Maxamed Mocow,kaas oo ku geeriyooday dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr.

Waxa uu sheegay Cali guudlaawe in Oda yaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deeg aanada Hir-Shabelle ka qeyb qaataan xalinta dagaalkii ka dhacay deegaanka Kalabeyr,sidoo kale waxaa uu amray in la soo qabto dadkii dilay taliyihii qeybta Boo liska Gobolka Hiiraan.

"Danbiile dilay sarkaal noo wada muh iim ahaa waxeey Dowlada Hirshabelle bal an qaadaysaa in lala tiigsan doono gar soor cadaalad ah ayuu yiri Cali Guudl aawe Madaxweyne kuxigeenka Maamul ka Hir-Shabeelle”

Marka laga soo tago hadalka Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxig eenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali guud laawe Xuseen ayaa waxaa xusid mudan in taliyaha uu ku geeriyooday dagaalkii deegaanka Kalabeyr ku dhexmaray Ciida mada Booliska Hir-Shabeelle iyo kuwo daacad u ah Yuusuf Dabageed.

Sidoo kale dagaalkaas ayaa waxaa si kulul uga hadlay xubno ka tirsan golaha Wasiirada iyo Baarlama anka Hir-Shab eelle, iyaga oo ku baaqay in wadahadal wax walba lagu dhameeyo

BOGGA CAYAARAHA

XULKA QARANKA GABDHAHA FRANCE OO GUUL KA GAARAY DHIGGOODA NORWAY KULAN KA TIRSAN KOOBKA ADDUUNKA EE DUMARKA..

taliye Xulka qaranka Gabdhaha France ayaa guul muhiim ah 2-1 ka gaaray dhiggooda Norway kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

kulankan ayaa ka tirsanaa group-ka A ee koobka Adduunka Dumarka.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah maadaama ay labada xul ku fashilmeen in wax gool ah ay iska dhaliyaan.

Qeybtii labaad ee ciyaarta marka dib leysugu soo laabtay xulalka gabdhaha France iyo Norway ayaa halkooda ka sii watay bandhigoodii fiicnaa, waxayna labada dhinacba isku dayeen inay abuuraan fursado si ay goolal u dhaliyaan.

D84i2G_WkAAwMwa.jpg Daqiiqadii 46-aad ee qeybta labaad ciyaarta xiddigta lagu magacaabo Valerie Gauvin ayaa hogaanka u dhiibtay xulkeeda France, waxayna ciyaarta ka dhigtay 1-0, kaddib caawin ay ka heshay saaxiibteed Amel Majr.

Laakiin daqiiqadii 54-aad xiddigta reer France ee Wendie Renard ayaa si kam ah gool ay isaga dhalisay waxay waxay ciyaarta ku noqotay barbaro 1-1 ah.

Daqiiqadii 72-aad gabadha lagu magacaabo Eugenie Le Sommer ayaa dhalisay gool rigoore ah, waxayna ciyaarta sidaas ku noqotay 2-1 ay hogaanka kula wareegeen Xulka qaranka Gabdhaha France

Ugu dambeyn kulanka ayaa ku soo dhammaaday 2-1 oo xulka gabdhaha France ay kaga adkaadeen dhiggooda Norway kulan ka tirsan heerka guruubyada Koobka Adduunka ee haweenka 2019.

GUARDIOLA "KALIYA HAL ARIN AYAAN KAGA TAGI DOONAA KOOXDA MANCHESTER CITY”

Macalinka reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa meel ku xiray wararka xanta ah ee ku aadan inuu ku biirayo kooxda reer Talyaani ee Juventus.

Hadalka Pep Guardiola ayaa wuxuu imaanayaa si uu kaga jawaabo kaddib warar ay baahiyeen wargeysyada "Mirror” iyo "The Sun”, ee ku aadanaa in Pep uu qorsheynayo inuu qaato fasax mudo sanad ah, hadii uu xilli ciyaareedka dambe ku guuleysan waayo tartanka Champions League.

Laakiin Pep Guardiola ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska "Mundo Deportivo” ee dalka Spain wuxuu ku sheegay:

"Ma qaadan doono fasax mudo sanad ah, waxa ay sheeganayaan saxaafadu ma ahan wax sax ah”.

"Waxaa ka harsan heshiiskeyga kooxda Manchester City mudo labo sano ah, hadii aysan iga ceyrinin shaqada waan sii joogi doonaa” ayuu hadalkiisa ku soo xiray tababare Pep Guardiola




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip