Daawadayaasha Sky Sports Oo U Codeeyay Daafaca Ugu Fiican Horyaalka Premier League?

0
Wednesday February 10, 2016 - 11:59:48 in Sports News by
  • Visits: 669
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawadayaasha Sky Sports Oo U Codeeyay Daafaca Ugu Fiican Horyaalka Premier League?

    Idaacada la iska arko ee Sky Sports ayaa shalayto qabatay codbixin ay ku weydiineyso daawadayaasheeda daafaca ilaa iyo haatan ugu fiican horyaalka Premier League, waxaana codbixinta ay ku sameynayeen bogga bulshada ee Twitter.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacada la iska arko ee Sky Sports ayaa shalayto qabatay codbixin ay ku weydiineyso daawadayaasheeda daafaca ilaa iyo haatan ugu fiican horyaalka Premier League, waxaana codbixinta ay ku sameynayeen bogga bulshada ee Twitter.

Codbixintaan ma aheyn mid ay Sky Sports News soo xushay raga sharaxan islamarkaana ay daawadayaasha u kala codeynayeen balse waxa ay aheyd mid taageere kasta uu ku soo bandhigayay daafaca uu isleeyahay waa ugu fiicnaa ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan.

Cay19pyWIAEbxjB

Cododkii la dhiibtay boqolkiiba 36 waxaa helay daafaca kooxda Tottenham Toby Alderweireld kaasoo ay u arkeen inuu yahay daafaca ilaa iyo haatan ugu fiican horyaalka Premier League. Waxaa ku soo xigay daafaca kooxda Arsenal Laurent Koscielny kaasoo helay boqolkiiba 34 cododkii la dhiibtay.

Daafaca kooxda Leicester City Robert Huth ayaa kaalinta seddexaad soo galay isagoo helay codadka la dhiibtay boqolkiiba 25. Seddexdaas daafac ayaana ahaa kuwa cododka ugu badan helay. Iyadoo kaalinta afaraad uu soo galay daafaca Man City Bacary Sagna kaasoo helay kaliya boqolkiiba 5 codadkii la dhiibtay.

Hadaba miyaad ku raacsan tahay natiijada codbixinta Sky Sports? Haddii ay jawaabtaada maya tahay, waa kuma daafaca ilaa iyo haatan ugu fiican horyaalka Premier League? Qeybta hoose ee fekradaha ku soo qor aragtidaada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip