WARBIXIN: Sky Sports Oo Shax Cajiib Ah Ka Samayay Ciyaartoyda Magaca Wayn Leh Ee Uu Heshiiskoodu Dhacayo Dhamaadka Xili Ciyaareedkan, Ibrahimovic,Fernando Torres Iyo John Terry Oo Ka Mid Ah

0
Wednesday February 10, 2016 - 11:56:10 in Sports News by
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARBIXIN: Sky Sports Oo Shax Cajiib Ah Ka Samayay Ciyaartoyda Magaca Wayn Leh Ee Uu Heshiiskoodu Dhacayo Dhamaadka Xili Ciyaareedkan, Ibrahimovic,Fernando Torres Iyo John Terry Oo Ka Mid Ah

    Sky Sports ayaa soo xushay shaxda ugu fiican ee ciyaartoyda uu heshiiska kooxahoodu dhacayo marka uu xili ciyaareedkani dhamaado, waxaana ka soo baxday shax cajiib ah oo ka kooban ciyaartoy khibrad iyo waayo aragnimo wayn u leh kubbada cagta. Shaxda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sky Sports ayaa soo xushay shaxda ugu fiican ee ciyaartoyda uu heshiiska kooxahoodu dhacayo marka uu xili ciyaareedkani dhamaado, waxaana ka soo baxday shax cajiib ah oo ka kooban ciyaartoy khibrad iyo waayo aragnimo wayn u leh kubbada cagta. Shaxda kooxda laga sameeyay ciyaartoyda uu heshiiska kooxahoodu dhacayo dhamaaka xili ciyaareedkan ayaa laga soo doortay horyaalada premier Leaque-ga, La Ligaha, Serie- A , Lique 1 iyo waliba Bundesligaha.

Laakiin liiska ciyaartoydan waxaa ku jira xidigo ku soo guulasytay koobka aduuunka, Champions Leaque-ga, Serie A-da iyo waliba La Ligaha. Haddaba halkan kaga bogo dhamaan xidigaha dhamaadka xili ciyaareedkan ee suuqa xagaaga lagu la wareegi doono sida xorta ah haddii ayna inta ka horaysa heshiisyo cusub saxiixin.Shaxda ayaa ah 4-4-2.ibrahimovic-graphic_3412915

 

Goolhaye: Wojciech Szczesny- ArsenalWojciech Szczesny

Wojciech Szczesny oo Arsenal amaah kaga maqan ayaa hadda ka tirsan kooxda AS Roma, wuxuuna boos ka waayay David Ospina iyo Petr Cech oo ay Arsenal kala soo wareegtay Chelsea. Markii ay Gunners la soo wareegaysay Cech, waxaa daaqa kale ka baxayWojciech Szczesny.HeshiiskaSzczesny ee Arsenal ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan.

Difaaca Midig:Gregory van der Wiel- PSG2

Xidiga xulka qaranka Holland iyo kooxda PSG eeGregory van der Wiel oo ka soo ciyaaray finalkii koobkii aduunka ee 2010 kii ayaa shantii xili ciyaareed ee ugu danbaysay ku soo guulaystay koobabka horyaalada France iyo Holland, laba jeer Ajax ayuu kula soo guulaystay horyaalka Holland halka uu saddex jeer koobka horyaalka France la qaaday kooxdiisa hadda ee PSG, laakiin dhamaadka xili ciyaareedkan waxa uu noqon doonaa mid xor ah oo kooxda uu doono ku biiri kara.

Difaaca dhexe: Joel Matip- Schalke 04Jeol Matip

24 jirkan u ciyaara kooxda Schalke ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan ka mid noqon doona xidigaha sida xorta ah kaga tagi kara kooxahooda, wuxuuna bishii January uu bartilmaameed wayn u ahaa kooxda Liverpool. Matip ayaa lagu qiimeeyaa 1o ka difaaca ee ugu fiican Bundesligaha, wuxuuna sidoo kale khibrad u leeyahay khadka dhexe, waxaana la filayaa in uu xagaaga si xor ah ugu soo biiro Liverpool.

Difaaca dhexe: John Terry-ChelseaTerrywaa mid ka mid ah difaacyadii horyaalka Ingiriiska abid ugu fiicnaa, John Terry ayaa dhawaan si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iskaga huleeli doono Stamford Bridge oo uu waayihiisa ciyaareed oo dhan uu ku soo qaatay kadib markii ay Chelsea ka madax adaygtay in ay heshiiis cusub ka saxiixato kabtankooda. 35 jirkan ayaa xagaaga ama dhamaadka xili ciyaareedkan noqon doona mid xor ah oo go’aansan doona kooxda uu ku biiri karo.Terry ayaa ka mid ah xidigaha Champions Leaque-ga iyo Premier Leaque-ga ku guulaystay ee uu sida xorta ah xagaaga u bixi kara.

Difaaca Bidix: Patrice Evra- JuventusEvra

Waa difaac kale oo khibrad u leh horyaalada France, England iyo Itlay, wuxuuna Evera dhamadka xili ciyaareekan uu noqon doonaa mid si xor ah kaga tagi kara Juventus. Evra ayaa sanadkii 2014 kii ka baxay Old Traffrod halkaas oo uu waayihiisa ciyaareed inta ugu fiican uu ku soo qaatay, wuxuuna ka mid yahay xidigaha Champions leaque-ga iyo premier leauqe-ga ku guulaystay, laakiin bisha June ayuu xor noqon doonaa haddii ayna Old Lady heshiis cusub ka saxiixan.

Dhexda:Sofiane Feghouli- ValenciaFAGH

Xidiga xulka qaranka Algeria ee Feghouli ayaa ka mid ahaa xidigihii xili ciyaareedkii hore ugu muhiimsanaa Valencia wuxuuna door wayn ku lahaa in ay kaalinta afraad ku dhamaystaan oo ay Champions leaque-ga u soo baxeen, laakiin 26 jirkan farsamada badan leh ayaa dhamaadka xili ciyaareedan uu dhacayaa heshiiskiisa Mestalla Stadium, mana jiro ilaa hadda wax heshiis kordhin ah oo uu oglaaday.

Dhexda: Riccardo Montolivo- AC MiLanMontolivo

Kadib markii uu 60 kulan u saftay xulka qaranka Italy isl amarkaana uu ka mid ahaa xidigaha khadka dhexe ee sida wayn loola dhacsan yahay, ayuu Montolivo ragaadiyeen dhaawacyo ku soo noqnoqday. Hadda Montolivo ayaa ah 31 sano jir, laakiin xidigii hore ee Fiorentina ayaan wali aqbalin heshiis cusub oo uu ku sii joogi karo Milan, wuxuuna xagaaga noqon karaa xidig si xor ah ku baxa.

Dhexda: Ever Banega-SevillaBanega2

Mid ka mid ah xidigaha loogu doonista badan yahay isla markaana kooxda Sevilla ka soo caawiyay in ay xili ciyaareedkii hore ku guulaystay koobka Europa leaque, laakiin 27 jirkan ay kooxo badani doonayaan ayaa xagaaga noqon doona mid xor ah oo kooxda uu doono ku biiri kara. AC Milan, Real Madrid iyo kooxo badan ayaa isha ku haya saxiixa Banega.

Dhexda: Ezequiel Lavezzi-PSGlavezzi

Lavezzi ayaa dhawaan la sheegay inuu ku biirayo kooxaha ree China ee wacdaraha ka dhigaya suuqa caalamiga ah ee kubbada cagta, laakiin haddii uu sii joogo PSG dhamaadka xili ciyaareedkan ayuu dhacayaa heshiiskiisa kooxda ree France uu kula jiraa. Chelsea ayaa ka mid ah kooxaha xiisaha u muujiyay Lavezzi. 30 jirkan ayaan cusboonaysiin doonin heshiiska uu PSG kula jiro ee dhamaadka ah.

Weerarka: Zlatan Ibrahimovic -PSGzlatanibrahimovic-cropped_1ca2ltg3ay36k1xsnods7gncmc

Waa mid ka mid ah gool dhaliyaasha taariikhda cajiibka ah ku leh kooxo badan iyo horyaalo badan oo yurub ah, waa joog dheeraha kibirka badan ee Zlatan Ibrahimovic kaas oo ka mid ah xidigaha dhamaadka xili ciyaareedkan iskaga huleeli kara kooxahooda isla markaana xorta noqon kara. 34 jirkan ayaa xili ciyaareedkan PSG horyaalka uga dhaliyay in ka badan 20 gool, taas oo muujinaysa in ayna tayada Ibra wali fari ka qodnayn, laakiin iyada oo qandraaskisa PSG uu dhacayo haddana ilaa hadda ma jiro wax heshiiis cusub ah oo uu saxiixay.

Weerarka: Fernando Torres-Atletico Madridtorres

Feranando Torres ayaa mar ahaa gool dhaliyaha ay horyaalka Ingiriiska iyo Spain ay ka cabsan jireen isla markaana ay awooda u waayi jireen in ay celiyaan, laakiin tan iyo markii uu lacagta qaaliga ahayd ugu biiray Chelsea, waxaa la waayay meel ay martay awoodii iyo burhaantii layaabka lahayd ee El Nino, waxayna saacadadu ka raacday markii uu siibay maaliyada cas ee Liverpool.

Torres ayaa amaah ugu biiray AC Milan ka hor intii aanu markale dib ugu laaban kooxdiisii hore ee Atletio Madrid, laakiin heshiiska Torres ayaa dhacaya dhamaadka xili ciyaareedkan, ma jiro heshiis cusub oo uu u saxiixayo kooxaha uu ka dhexeeyay mudooyinkii ugu danbaysay. Torres ayaa bisha March noqon doona 32,wuxuuna raadsan doona kooxdii uu ka sii ciyaari lahaa.

Halkan kaga bogo shaxda oo dhamaystiran:-Free Agent




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip