Jose Mourinho Oo Huba Inuu Noqon Doono Tababaraha Cusub Ee Manchester United Xilli Ciyaareedka Danbe.

0
Wednesday February 10, 2016 - 11:54:40 in Sports News by
  • Visits: 632
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Huba Inuu Noqon Doono Tababaraha Cusub Ee Manchester United Xilli Ciyaareedka Danbe.

    Jose Mourinho ayaa u sheegay saaxiibadiisa inuu aaminsan yahay inuu noqon doono tababaraha xiga ee kooxda Manchester United. Ilo ku dhow tababarihii hore ee Chelsea ayaa sheegaya in heshiiska uu ku bedelayo Louis van Gaal xagaaga in inta badan la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa u sheegay saaxiibadiisa inuu aaminsan yahay inuu noqon doono tababaraha xiga ee kooxda Manchester United. Ilo ku dhow tababarihii hore ee Chelsea ayaa sheegaya in heshiiska uu ku bedelayo Louis van Gaal xagaaga in inta badan la dhameeyay.

53 jirka reer Portugal ayaa waxaa ceyrisay Chelsea bishii December ka dib markii uu horyaalkiisii seddexaad ee Premier League uu ku hogaamiyay xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu haatan kalsooni weyn ku qabaa inay Manchester geesaha isku gelin doonaan ninkii hore ee ay La Liga ku xafiiltami jireen ee Pep Guardiola.

Jose-Mourinho-United-main

Madaxa Man United Ed Woodward ayaa mar walba ka cagajiidayay inuu ceyriyo Van Gaal, halka ninka reer Holland uu si carro leh kaga jawaab celiyo mar kale oo shaqadiisa ay halis soo gasho.

Laakiin Red Devils oo haatan booska ugu danbeeya ee loogu soo baxo Champions League ka danbeysa lix dhibcood ayaa waxaa miiska u saaran qorshe ay isaga bedelayaan tababaraha.

Macalinkii hore ee Real Madrid Mourinho oo 12 milyan ginni oo mushahar ah sannadkii ka qaadan jiray Chelsea ayaa xusay inuu doonayo inuu tababare ka noqdo Premier League xilli ciyaareedka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip