Muxuu Jurgen Klopp Ka Yiri Kulankii Xalayto Kooxdiisa Liverpool Looga Reebay Koobka Emirates FA Cup?

0
Wednesday February 10, 2016 - 11:52:28 in Sports News by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Jurgen Klopp Ka Yiri Kulankii Xalayto Kooxdiisa Liverpool Looga Reebay Koobka Emirates FA Cup?

    Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay ka qoomameysay fursadihii ay qasaariyeen iyagoo laga saaray koobka FA Cup. West Ham ayaa jabisay qalbiyada Reds iyadoo Angelo Ogbonna uu shabaqa soo taabtay iyadoo ciyaarta ay galeysay waqtigii dh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay ka qoomameysay fursadihii ay qasaariyeen iyagoo laga saaray koobka FA Cup. West Ham ayaa jabisay qalbiyada Reds iyadoo Angelo Ogbonna uu shabaqa soo taabtay iyadoo ciyaarta ay galeysay waqtigii dhimashada ee 30kii daqiiqo oo lagu daray ciyaarta.

Laakiin Liverpool ayaa waxaa soo martay fursado ay ciyaarta ku badin kareen iyadoo Christian Benteke iyo kuwa kale ay qasaariyeen fursado goolal loo fishay.

West-Ham-United-v-Liverpool-The-Emirates-FA-Cup-Fourth-Round-Replay

Daniel Sturridge ayaa ku soo laabtay garoonka qeybtii labaad, laakiin isaga xitaa waxba kuma uusan soo kordhinin weerarka kooxda.

Isagoo u hadlayay BT Sport, Klopp ayaa yiri: "Waa ay adag tahay in la qaato natiijadaan. Waxaan aheyn kooxdii fiicneyd, waxaan abuurnay fursado waxaana ciyaarnay kubad fiican, laakiin kama aanan faa’ideysanin.

"Waxaan ina soo maray fursado laakiin ma aanan dhalinin goolal badan, ciyaar fiican ayaa ka arkay kooxdeyda. Dagaal weyn ayaan galnay, koox ahaan ayaan wax badan oo taatiko fiican ah sameynay, qaab ciyaareedyo lagu riyaaqo. Laakiin natiijada ma ahan mid aan dooneynay.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip