Ninkii Ay Tareenka Paris Ku Cunsuriyeeyeen Jamaahiirta Chelsea Oo Ka Qeybgalaya Kulanka Blues Iyo PSG Ee Champions League.

0
Wednesday February 10, 2016 - 11:48:23 in Sports News by
  • Visits: 666
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii Ay Tareenka Paris Ku Cunsuriyeeyeen Jamaahiirta Chelsea Oo Ka Qeybgalaya Kulanka Blues Iyo PSG Ee Champions League.

    Ninkii ay taageerayaasha Chelsea ku cunsuriyeeyeen tareenka magaalada Paris ayaa soo xaadiri doonta kulanka ay Blues booqan doonto caasimada Faransiiska ee Champions League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ninkii ay taageerayaasha Chelsea ku cunsuriyeeyeen tareenka magaalada Paris ayaa soo xaadiri doonta kulanka ay Blues booqan doonto caasimada Faransiiska ee Champions League.

Souleymane Sylla ayaa laga loo diiday inuu soo galo tareenka iyadoo jamaahiirtii Chelsea ee u safartay kulankii PSG sannadkii hore ay ku heesayeen: "Waxaan nahay cunsuriyiin, waxaan nahay cunsuriyiin, waana sidaas sida aan jecel nahay.”

Haatan Mr Sylla ayaa aqbalay casuumaad ay u sameysay kooxda PSG inuu ku daawado kulanka ay kooxda reer London soo booqaneyso Parc des Princes isbuuca danbe ee lugta hore ee wareega 16ka Champions League.

Chelsea ayaa canbaareysay falkaas, waxaana shan nin oo lagu qabtay falkaas laga ganaaxay garoomada kubada cagta muddo shan sanno ah. Halka inta noloshooda ka dhiman laga mamnuucay inay cagta soo saaraan garoonka Stamford Bridge.

01_09212352_cc8af0_2681808a

Sylla ayaa falkaas ka argagaxay waxaana uu ku qasbanaaday inuu muddo lix bilood ah fasax ka qaato shaqadiisa, waxa uu tareenka dib u isticmaalay markii ugu horeysay tan iyo dhacdadaas jimcihii hore 5tii bishaan Febraayo.

Waxa uu iska diiday casuumaad uu ka helay Chelsea inuu soo xaadiro lugtii labaad ee London ee bishii March 2015 madaama ay dhacdada ugub aheyd. Kooxda ayaana sheegay in casuumaadooda ay tahay mid fursad islamarkaana uu waqtigii uu doono uu aqbali karo.

Laakiin waxa uu qorsheynayaa inuu soo daawado kulanka lugta hore ee wareega 16ka Champions League oo la ciyaarayo 16ka bishaan Febraayo, hal maalin ka hor sannadguuradii dhacdadaas.

Chelsea ayaa kala bar laga dhimay tiradii taageerayaal ee loo ogolaa kulanka isbuuca danbe, markii hore waxa uu qorshaha ahaa in la siiyo 1400 tikidh laakiin waxaa haatan laga dhigay 700 kaliya waxaana taasi ugu wacan sida la sheegay weeraradii Paris laakiin dhacdadii tareenka iyo qalalaasaha ka jira caasimada Faransiiska ayaa iyadana ugu wacan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip