Ganacsigu Biya cabaal ma leh!!!.

0
Wednesday May 22, 2019 - 08:56:33 in Wararka by
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsigu Biya cabaal ma leh!!!.

    Maanta waxaan la joogay 4 Ka mid ah Ardaydeeydii oo markii ey Jaamacadda dhameeysteen, Abuurtay Ganacsi, Dukaanna Ka furtay 4 irdoodka Xamar weyne. Waxa ey igu yiraahdeen: Maanta oo kale 15 kii Ramadan Sannadkii hore Dukaankeenu buuq ayuu ahaa, Dad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta waxaan la joogay 4 Ka mid ah Ardaydeeydii oo markii ey Jaamacadda dhameeysteen, Abuurtay Ganacsi, Dukaanna Ka furtay 4 irdoodka Xamar weyne. Waxa ey igu yiraahdeen: Maanta oo kale 15 kii Ramadan Sannadkii hore Dukaankeenu buuq ayuu ahaa, Dad badan ayaa wax Naga gadanayay, kii Ka sii horeyayna 1da Ramadaan ayuu buuq ahaa. Maanta waxaa noo soo galay 2 Ruux oo kaliya, Dukaamo badan ayaana la iska xiray, markii ey kiradii iska bixin waayeen. Waxaa na Soo hormaray Nin Tima jara ah oo Asgari Ka daba qeylinayo, iyo Asgarigii oo Qori Ku taagayo, waxa uu leeyahay Tima jarahu, timaha ayaan u jaray Lacagtiina waa ii diiday.

Waxaan u sheegay Dhalanyaradii, in xalay mooto Bajaaj aan saarnaa, Deg. Cabdicasiis Kala wareeg la yiri, waxaan u tagay Taliyihii, waxa uu igu yiri, Asgarigaa Lacag u tuur, waan Ka diiday, mootadii iska noqo ayaan Ku iri, waan Soo Lugeeyay 100 talaabo kadib dhinaca kale ayaan Bajaaj kale 1$ uga Soo raacay.

intii aan Dukaanka joogay, Waxaan arkayay, Bajaajle Lugaha iska dul saaratay Isteerikii Bajaabka, kadib markuu waayay Cid raacdo.

Waxaan arkayay intii aan dukaanka joogay in ey Soo bateen dadka tuugsanayo, weliba u badan Dadkii Reer magaalka ahaan jiray Shaqaale Dowlo & Hayado kale.

Mogadishu, Ascaartu aad ayey u sareeysaa, Dakhliga Dadkuna inta badan waa hooseeyaa, Awooda wax gadashaduna hoos ayey u dhacday.

Talo:

Waxaan kula talin lahaa in Golaha wasiiradu ey Ka shiraan Saameynta Dhaqaaluhu Ku yeelan Karo Nabadgalyada.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip