Imtixaanka Heey wareerin.
3- Doorashadii Madaweynaha ee Koofur Galbeed. a) waxaa la doortay Madaxweyne. b) waxaa la xulay Madaxweyne. c) waxaa la keensaday Madaxweyne.
4-Somali land xaaladaa ey hadda ku sugan tahay. a) Horey u socotay. b) dib u dhac. c) foos wareer.
5-Wasaaradda Maaliyadda Shaqadeeda ugu muhimsani hadda waa: a) Diyaarinta iyo ku dhaqanka Miisaaniyadda dalka. b) kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka. c) isku maaweelin Deyn cafis aan jirin.
6- waxaa dib loo soo nooleeyay oo ilaa Interpol la geeyay in Maxkamad la keenu dadka dhuxusha ka ganacsado. a) Si loo badbaadiyo Dhirta Somalida. b) in Caalamka la tuso in wadamada deriska ahi ey ku lug leeyihiin. c) in Musharaxiinta Juba Land qaarkood lagu eedeeyo doorashada ka hor, Caalamkana la yiraa soo qabta.
7-Madaxweynaha Punt land, Labadiisii saaxib ee maamul gobaleedyadu markii ey shirka ka tageen, labadii kale ayuu baaq la soo saaray sabab: a) isbaheeysigii hore ayuu ka baxay. b) si uu u badbaadiyo sharafta gogosha oo aan loo dhihin shirkii waxba kama soo bixin. c) Boowe, Punt land wax walba ka filo.
8-Heshiiska kaluumeysi ee Shiinaha lala galay: a) waa mid faa’iido ugu jirto Labada dhinac. b) fal dambiyeed heer qaran ah. c) Aqoon la’aan iyo Lacag jeceyl.
9- Xeer ilaaliyuhu waxa uu amray in Rarka laga yareeyo Dameerah sabab: a) in la dhowro xuquuqda Dameeraha. b) igu sawir iyo awood muujin. C) in rarka Laba mar la kala qaado, si Laba mar canshuuri uga soo xarooto.
10-Imtixaankii suuqa galay Dib ayaa loogu noqonayaa si: a) Khaladkii dhacay loo saxo. b) si mar Labaad kharaj loogu bixiyo, sharuurna looga helo. c) Kuwii la rabay ayaan ku gudbaan imtixaanka kaligoodna ma helin Qishkii, kuwa kale ayaa laga baqay in ey soo baxaan.
Qore: Yahya Amir
Imtixaanka Heey wareerin.
Iska ilaali in aad Qishto imtixaanka, Su'aal kasta waxaa la socda jawaabaha a, b, & c. mid kaliya ayaan sax ka ah. hoos ku qor Numbarka Su'aasha iyo Xaraka saxda ah. 1-Marka loo fiiriyo Baaxada Awooda Guriga looga arimiyo Somalia inta