Daawo aan leheyn taariikh dhicitaan, ama waqtiga loo kordhin karo, Soomaaliya ugu imaad=Nasashada Jimcaha.Q-148-aad=

0
Saturday May 18, 2019 - 03:20:33 in Wararka by
  • Visits: 872
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo aan leheyn taariikh dhicitaan, ama waqtiga loo kordhin karo, Soomaaliya ugu imaad=Nasashada Jimcaha.Q-148-aad=

    Wax Ganacsato loogu Maahmaahana ma ahee. 1- Nin Ganacsataa ayaa lagu soo eedeeyay in uu Daawa dhacday Dadka ka iibiyo, Markii maxkamada la geeyay ayuu ku dhaartay inuuna Daawa dhacday weligii iibin, Waana la sii daayay. Saaxiibkii ayaa ku yiri: M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax Ganacsato loogu Maahmaahana ma ahee. 1- Nin Ganacsataa ayaa lagu soo eedeeyay in uu Daawa dhacday Dadka ka iibiyo, Markii maxkamada la geeyay ayuu ku dhaartay inuuna Daawa dhacday weligii iibin, Waana la sii daayay. Saaxiibkii ayaa ku yiri: Maxaad beenta ugu dhaaratay, Soow adigii shalay Caruurta ka iibinayay Daawo 9 sanno ka hor aad keentay?. Ganacsadihii ayaa yiri: waad khaldan tahay Saaxib, waxaan ku dhaaratay in aanan daawo dhacday iibin, illeyn iimaba taal, weligeeyna ma keenin Daawo waqti dhicitaan ku qoran yahay, Anigaaba ah Ganacsade dhacay "Expire ah".( F.S: 1 & 2aad)


(Daawo aan leheyn taariikh dhicitaan, ama waqtiga loo kordhin karo, Soomaaliya ugu imaad)

2- Nin Tuulo caano saafi ah keeni jiray, ayaa Maalintii dambe wuxuu Go’aansaday in waxoogaa biyo ah inuu ku daro, halkii uu ka heli jiray 6 Shillin wuxuu ka soo helay 12 Shillin.

Wuxuu yimid ninkii Wabiga agtiisa si uu ugu qubeysto, dharkii ayuu dhigtay, Wabigii ayuuna galay. Daanyeer saaraa Geed Wabiga dhinaciisa ah, ayaa soo degay oo Qandigii Lacagtu ugu jirtay ka dafay. Ninkii ayaa wabigii ka soo baxay oo ku qeeyliyay Daanyeerkii. Daanyeerkii ayaa Qandigii furay oo Ninkii u soo tuuray hal Shillin, Shilin kalena wabiga ku tuuray, sidii ayuu ku celceliyay, Illaa 6 Shilin uu Wabiga ku tuuray 6 Shilin iyo qandigiina uu Ninkii ayuu u tuuray. Waana halka ay ka timid (wixii biyaha ka yimid Biyahaa leh, wixii Caanaha ka yimid, Caanoolaha).

( Mar kasta waxaan maqalnaa Markab u rarnaa Ganacsato Somali ah ayaa Badda ku degay, sidee wax u jiraan Ganacsatooy,haleeysku badnaado. Waa iga talo ). ( F.S: 3 & 4aad)

3- Ganacsade Somali ah oo Bakhiilnimo ku caan ahaa ayaa tagay Dalka Shiinaha, wuxuu u yeeray Taxi-le kuna yiri: Airport meeqo ayaad igu geeynee, Aniga iyo Labadaan Boorso ee aan wato ?” . Taxi-lihii ayaa ugu jawaabay " waa 15 Dollar .

Ganacsadihii ayaa yiri: ka waran haddii laba Boorso oo kale aan soo qaato? Taxi-lihii ayaa ku yiri: "Boorsooyinku waa lacag la’aan”. haddiba qofku bixinayo $15 kiisa lagu qaadayo isaga.

Ganacsadihii ayaa yiri: Marba haddi ay Boorsooyinka lacag la’aan yihiin, waa kheyr ee Boorsooyinka ii sii qaad. Anigu Bus ayaan iska soo raacayaa. Taxi-lihii waa ka Aqbalyay. ( F.S: 5aad)

(weli 4 tii Boors weli waa la la’yahay)

4- Nin waalan ayaa Naag Magalada ku dhex kufsaday Dadkii ayaa u soo gurmaday si ay uga kiciyan. Waxa ey ku tiri: Iska Daaya intuu police-ku ka imanyo, indhahooda haku arkeen police-ku, waxaan ka baqayaa in uu Hadhow idinku inkiro falka xun ee uu ku kacayo.

( Dab Suuqa Bakaaraha ka kacay ayaa Dadkii hantida lahaa oo Daminayo, si ey xoolahooda u badbaadiyaan, ayaa police-kii ku yiri: ka fogaada Dabka ilaa Gaadiidka Dab demiska iyo Media-yuhu ka imaanayaan 4 saac kadib, si aan loo inkirin caawa in dab ka kacay bakaaraha…. Yaa soo inkaaray Ganacsatada Reer Bakaaro… Bal xalaasha ha lagu dedaalo). ( F.S: 6aad)

5- Nin ganacsadaa oo Caajis ah ayaa arkay Qob Moos oo Jidka yaal, intii uu ka qaadi lahaa jidka, ama uu ka leexan lahaa waxa uu u sii socday dhinicii Qobka Mooska, Caajisloogii oo ku fekeraya jugta jirkiisa iyo dhaawaca Madaxiisa ku dhici doonto haduu gaaro halka Qobku yiil, isagii oo aan weli ka leexan ayuu soo gaaray Qobkii kuna istaagay, Dibirtii iyo Daqaradii ku dhacay waa la ogaa.( F.S: 7aad)

( Meeqa Ganacsataa ayaa iyaga oo u jeedo khatarta , Qobka moos( Dambiga), iyaga oo aan weli ka tooba keenin, gaareen ajashii, oo geeridii ku timid, kadibna Dibir iyo daqar Aakhiro ku dhacay waa….. )

6- Nin tuugsada ayaa waxa uu ku yiri, Saaxiibkii ey isla tuugasan jireen: Saaxiiboow, shalay waxaan ka soo Af furay "Hotel Al Jazeera- Mogadishu”. Saaxiibkii ayaa yiri: sidee? yaa kaa dhiibay Lacata?, waxa uu ku yiri: Annigaa iska dhiibay.

Nin Garoonka Adan Cade ka soo degay ayaa 5 Dollar i siiyay, waxaan go,aansaday in aan 5ta Dollar ku cunno Af fur fiican oo aanan weligeey cunin. Waxaan galay Hotel Al Jazeera oo aan ka cunay cuntada Madaxdu cunto oo aanan weligeey cunin, lehna dhadhan iyo nafaqo. Waxaan dalbaday tan ugu qaalisan. Waxaa la ii keenay biilkii oo ahaa, 63 Dollar, waxaan ku iri: Lacag maba heeysto, waxaa loo yeeray Asgar police ah, si uu Saldhiga ii geeyo, intii aan dhax sii soconay ayaan asgarii siiyay 5 Dollar, kadibna waa i sii daayay.( F.S: 8aad)

(Miskiinka iyo Askariguba xaq waa u leeyihiin in Cunta macaan ey cunaan, ee Ganacsatooy ha moogaan haddii kale…..)

FG: Ganacsatooy hadaan wax laga bedellin hal ku dhega derbiga idiinkugu qoran ee "Maanta Deyn male berri haa” haddii qabriga laguugu dhejiyo maanta Qaboow male berri haa iyo in adigana ey kugu dhacdo” Bidix ka dhaw Midig ka dhaw”, ee cashuurtu dhinac walaba kaaga timaad, Mucaarad iyo muxaafadba biilku, ad lee waaye Ganacsatooy, is weydii xageey inkaartu kaaga timid).

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip