Laba Mar ayaa Koramka Baarlamaanka Buuxami karaa.1: Haddii la yiraa…..=Nasashada Jimcaha. Q- 147aad=

0
Saturday May 11, 2019 - 00:00:46 in Wararka by
  • Visits: 844
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laba Mar ayaa Koramka Baarlamaanka Buuxami karaa.1: Haddii la yiraa…..=Nasashada Jimcaha. Q- 147aad=

    1. Nin Odaya ayaa maalin kasta wuxuu maqalaa Fadhigii Baarlamaanku, Koromkii oo Buuxsami waayay ayuu u Baaqday. Odaygii ayaa yiri: Laba Mar ayaa Koramkiisu Buuxami karaa.1- Hadii la yiraa: Ajanduhu waa in Xildhibaanada loo kordhiyo Mushaarka. 2- Hadd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1. Nin Odaya ayaa maalin kasta wuxuu maqalaa Fadhigii Baarlamaanku, Koromkii oo Buuxsami waayay ayuu u Baaqday. Odaygii ayaa yiri: Laba Mar ayaa Koramkiisu Buuxami karaa.1- Hadii la yiraa: Ajanduhu waa in Xildhibaanada loo kordhiyo Mushaarka. 2- Haddii la yiraa Ajanduhu waa in Soonka 2 Usbuuc dib loo dhigo, inta uu socdo shirka Garowe.( F.S: 1aad)


(Xildhibaanada Meeqaa ka sooto ? Ar, waan is ognahay ee Xildhibaanow Ma la iska soomoo).

2. Sh. Cabdi oo ah Culumada "Salafi Al jadiid”, ayaa ku yiri: Gabar dhigato Jaamacadda Banadir, Gabartey ? Ma maqashay xadiithka " Man Gashanaa faleysa mina” ….Rajabeetadu( Candha celisku) waa xaaraan, Jirkaaga ayaadna been ka sheegee, Badeeco aad Gish ku sameeysay ayaadna wadataa.

Gabadhii ayaa ku tiri: Sheekhow, Jeebkaaga Fiiri, Kaniiniga Vigra waa xaaraan ,Jirkaaga ayaadna been ka sheegee.

Sh. Cabdi Salafi jadiid., ayaa yiri: Maa shaa Allah, Labaduba waa xalaal hadeeyna Caafimaadka wax u dhimeeyn. ( F.S: 2 & 3aad)

( Gabdhaha wax bartay iyo Salafiyada Dhaliil oo dhan Dhumarka dul saartay, maxaa kala heysta)

3. Cumar oo Reer Xaradheere ah ayaa waxa uu maqlay qofkii soomo 30ka Bisha Ramadaan iyo 6 da Maalin ee Wadaca ah waxa ey u la mid tahay isaga oo soomay Sannadka oo dhan.

Waxa uu yiri: Maxaa laga wadaa? Wiil yar ayaa ku yiri: Adeer Xisaabta ma taqaan?. Waxa uu ku yiri: waan garanayaa. Wiilkii ayaa ku yiri: Waxaa laga wadaa qofkii camal suuban la yimaad waa loo 10 jibaaraa, soow Diintu nama dhihin?, soow Bishiiba 30 cisho Maahan? ,ku dhufo 10 waa 300 maalmood, ama Bishiiba waxa ey la ajir tahay 10 bilood. 6da Maalin ee wadaca maalintiiba ku dhufo, 10 Maalin waa 60 Maalmood oo ama Laba bilood. Isku darso Bishii Ramadaan oo la Ajir ah 10 Bilood, iyo 6dii wadaca oo la ajir ah 2 bilood. Wadartu waa 12 bilood, oo ah sannad ,ama 36daa Maalmood oo Soonka ah ajarkoodu waa 360 maalmood. ( F.S: 4aad)

( Adeerow, Bankiga Dahabshiilna muxuu, Lacagta lagu soo Xawilo, u 10 jibaari uga dhigi waayeen? Sow Ajar ma rabaan).

4. Naag ayaa tiri: Soonku waa Bisha iigu daalka badan Maalin iyo Habeen ma nasto, waa bisha aanan ka welwelin Xaqal ciida. Waa bisha 11 bilood wax iga maqnaaya aan helo.


Yaa waa ku kasay, Faadumo Soon qaad ahaa, meherkeeda ku ciidooy. Ma banana yahay, Guur loogu talagay in la isfuro Bil kadib? Sawaajul Mutic?.

( Xilka Mooshin ku moodka ahna ma banaano)

5. Shaqo la taliye sare ah oo ka banaaneed xarunta golaha wasiirada ayaa waxaa soo codsaday, Dawaco, Libaax iyo Dameer.
Waxaa loo xil saaray guddi wasiiro ah oo imtixaanka ka qaadayo, ( interview). shaq doonkii ayaa fadhiyay Qol ey ku sugayeen .

Dawacadii ayaa tiri: Imtixaanka aniga ayaa ku guuleysanayo, sabata oo ah Dowladu waxa ey u baahan tahay ,Caqli badan, iyo Xeelado lagu bedbaadiyo dadka. Dawacadii ayaa looga yeeray Qolkii Imtixaanka ,wax yar kadib ayey soo baxday imtixaankiina waa ku dhacday.

Libaxii ayaa yiri: Anniga ayaa imtixaankan ku Gudbayo sababta oo ah Dowladu sideedaba waxa ey u baahan tahay, Xoog ey wax ku Fuliso iyo Haybad Sare labadana anigaa leh. Libaaxii ayaa imtixaankii galay, kadibna waa soo baxay isaga oo aan faraxsaneyn, Imtixaankiina waa ku dhacay.
Dameerkii ayaa imticaankii galay, waxa uu soo baxay isag oo ku guuleystay, waxaa lagu yiri: sideey ku dhacday. Waxa uu yiri: Kuwa imtixaanka qaadayo 3/4 iyo anigu Isku aragti ayaan nahay, Kooxdeenu isku si ayaan wax u aragnaa, si fudud ayaan is ku fahmi karaan, shuruudaha Yes Man-kana waa buuxin karnaa. ( F.S: 5aad)

(Ha fiirin shaqaalaha shaqada loo diiday oo kaliya ee Fiiri Masuulka u diiday, Caqligiisa iyo waxa uu aamin san yahay, ha dhihin Hebel maxaa dowladu shaqo ugu diiday waana qof aqoon lehee, waxa uu buuxin wayay shuruudihii, waxa uu galay safkii Libaaxa & Dawacada ee shaqa la’aanta ahaa)

6-Oday Mocoow oo Xamar weyne ku leh, Qol yar oo Shaah iyo kaffee lagu iibiyo, ayaa waxaa ku fadhi ku dirira laba oday oo Reer Galmudug ah. Maalin kasta waxa uu ka maqlaa, Najis Najis dhalay, Doofaar doofaar Dhalay.
Oday Mocoow ayaa yiri: Anni waa idinku wareeray ee ii sheega labadiina kee Doofar Doofar dhalay ah iyo kee Nijaas Nijaas dhalay ah. Mid ayaa la soo booday, war annigaa doofaar doofar dhalay ah isaguna waa Najis najis dhalay.( oo uu ula jeedo, ha qabsiga Beeshiisa).
Oday Mocoow ayaa yiri: Aloobeey, 4.5 ayaa wax ku qeybsanee kuwaasina golaha Shacabka ma ku jiraan, waa la hoogay.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip