HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA MAY 2019-KA

0
Tuesday May 07, 2019 - 08:37:47 in Wararka by
  • Visits: 1188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 7-DA MAY 2019-KA

    MAAMULKA HIRSHABEELLE OO WAR KA SOO SAARAY DAGAALKII DULEEDKA BALCAD Shalay Gelinkii dambe ayay aheyd markii deegaanka Yaaqle oo duleedka ka ah degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAAMULKA HIRSHABEELLE OO WAR KA SOO SAARAY DAGAALKII DULEEDKA BALCAD Shalay Gelinkii dambe ayay aheyd markii deegaanka Yaaqle oo duleedka ka ah degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe uu dagaal culus ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al:Shabaab,waxaana dag aalkaas ka hadlay Maamulka HirShabeelle. Wasiirka Amniga Maamulka HirShabeelle Cabduqaadir Aadan Jeelle ayaa sheegay in Ciidam ada Dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka Yaaqle oo uu sheegay inay ogaadeen inay isku aruur sanayeen rag ka tirsan AlShabaab,isla markaana ay doonayeen inay Ciid amada soo weeraraan. Waxa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay uu hal askari kaga dhintay ilaa 3 kalena ay ku dhaaw acmeen ,sidoo kalena AlShabaab ay gaarsiiyeen khasaaro xoogan,isla markaana ay sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah AlShabaab. Waxa uu soo hadal qaaday sidoo kale in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku guule ysteen inay isku furaan wadada u dhaxeysa Balcad iyto Jowhar oo ay ka go'een inay maraan Mas'uuliyiinta HirShabeelle, kadib markii ay AlShabaab dhowr jeer weeraro ka fuliyeen. Wararka saakay laga helayo deegaanka Yaaqle oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo Tuulada Xawaadley ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihiin deegaanada Qalimow iyo ceelka Geelow.


JEN. HAFTAR OO DIIDDAY INUU JOOJIYO DAG AALKA BISHA RAMADAAN

Ciidammada daacadda u ah Jeneraalka fallaagoobay ee dalka Liibya,Khali ifa Haftar ayaa weerarro cusub ka gey sanaya magaalada xarunta ah ee Tr ipo li,iyadoo hoggaamiyahaan uu diidday dal ab uga yimid Q/M oo la xiriiray dhinacya da isku ha ya colaadda inay wadda gaara an heshiis xabbad joojin ah bisha barakey san ee Ramadaan.

Q/M wuxuu ahaa dalab keeddu in xaa ladda ban’iidanimada la dhowro balse Jen.Haftar ayaa ugu baaqay taageeraya ashiisa inay ballaariyaan go’aankooda iyo damacooda ah inay weerarro kale ku qa adan magaalada Tripoli si ay ula wareega an gacan ku heynta halkaasi. Jen. Haftar oo taageerro ka helaya dal al ay kuwa khaliijka ku yaalla ku jiraan ay aa doonaya inuu buuxiyo awoodda uu ku leeyahay dalka Liibiya, isagoo si gaar ah diirad da u saaraya sidii uu ula wareegi lah aa maamulka Tripoli.

Muddada uu dagaalka ka socday caas im adda Liibiya waxaa la aaminsanyahay 10nnaan kun oo qof inay guryahooda ka qax BOGGA CAYAARAHA

HORDHAC: LIVERPOOL VS BARCELONA- MIYAY RAJADII SOO LAABASHO EE REDS BURBURIN DOONTAA DHAAWACYADA MUSIIBADA AH EE KU HABSATAY?

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawanaysa kooxda Barcelona oo kulankii lugtii kowaad ee UEFA Champions league guul 3-0 ah ku gaadhay Camp Nou waxayna Blaugrana doonaysaa in ay caawa u soo baxdo finalka tartankan.

Rajada ay Liverpool ka qabto inay dhanka kale u rogto natiijadii 3-0 ee looga soo badiyay kulankii lugta hore ee semi-finalka Champions League ee Camp Nou ayaa sii yaraaneysa ka dib dhaawacyos oo wajahay kooxda.

Barcelona ayaa hal lug kula jirto finalka Champions League ka dib guushii weyneyd ee ay isbuuca hore ka soo gaareen kooxda Klopp, waxaana Reds looga baahan inay 4-0 ku badiso si ay 90ka daqiiqo ugu soo gudubto finalka.

Laakiin waxaa Liverpool ka maqan kulanka lugta labaad ee Anfield ka dhacaya xiddigaha weerarka Mohamed Salah iyo Roberto Firmino, waxaa kulankaan sidoo kale seegaya xiddiga khadka dhexe Naby Kieta.

Virgil van Dijk oo ah kan ugu muhuhiimsan daafaca kooxda Liverpool ayaa isna shaki uu ku jiraa taam ahaanshihiisa ka dib uu seegay tababarkii ugu danbeeyay ee Melwood.

Barcelona iyadana kuma fekereyso in shaqadeeda ay soo dhamaatay ka dib natiijadii lugta hore, waana mid ay ka digayaan Lionel Messi iyo tababare Ernesto Valverde.

Blaugrana waxa ay dooneysaa inay gool ku dhaliso Anfield si ay u xaqiijistaan u soo bixitaankooda finalka Champions League ee Madrid lagu qabanayo.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan

Liverpool waxaa ka maqan xiddigahooda muhimka ah Mohamed Salah iyo Roberto Firmino, waxaa sidoo kale ka maqan xiddigaha khadka dhexe Naby Kieta iyo Adam Lallana halka taam ahaanshaha Van Dijk iyo Alex Oxlade-Chamberlain uu shaki ku jiro.

Dhanka kooxda Barcelona waxaa ka maqan weeraryahanka Faransiiska Dembele kaasoo dhaawacmay kulankii ugu danbeeyay ee La Liga halka Rafinha uu isna weli dhaawac jilibka ah ku maqan yahay.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Matip, Van Dijk, Robertson; Milner, Wijnaldum, Fabinho, Hen derson; Mané, Origi

Barcelona: Ter Stegen; Semedo, Piqué, Lenglet, Alba; Roberto, Rakitić, Busquets, Vidal; Suárez, Messi

Kabtan Vincent Kompany Oo Gool Layaableh Dhulka Ku Dhigay Leicester City Iyo Man City Oo Hogaanka Premier league Ku Soo Laabtay.

Manchester City ayaa guul dahabi ah oo ay u dagaalantay waxay Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda Leicester City oo City xaalad adag ku abuurtay. Man City ayaa hogaanka Premier league ku soo laabtay iyada oo hal kulan oo kaliyi uu baaqi u yahay.

Kabtan Vincent Kompany ayaa noqday geesiga Guardiola iyo kooxdiisa Man City xaalad xun ee ay galeen ka soo saaray wuxuuna dhaliyay gool cajiib ah oo koobka Premier league u qalma.

Manchester City ayaa maalinta xili ciyaareedka ugu danbaysa waxay la ciyaari doontaa kooxda in ay heerka labaad u dhacdo ka badbaaday ee Brighton waxayna hadda qarka u saaran tahay in ay koobka Premier league difaacato.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

LEICESTER CITY (4-5-1): Kasper Schmeichel; Ricardo Pereira, Jonny Evans, Harry Maguire, Ben Chilwell; Marc Albrighton, Youri Tielemans, Wilfred Ndidi, Hamza Choudhury, James Maddison; Jamie Vardy.

Kaydka: Wes Morgan, Kelechi Iheanacho, Christian Fuchs, Danny Ward, Nampalys Mendy, Dem arai Gray, Harvey Barnes.

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Kyle Walker, Vincent Kompany, Aymeric Laporte, Oleks andr Zinchenko; David Silva, Ilkay Gundogan, Phil Foden; Bernardo Silva, Raheem Sterling, Sergio Aguero.

Kaydka: Gabriel Jesus, Leroy Sane, Riyad Mahrez, Arijanet Muric, John Stones, Nicolas Otamendi, Danilo.

Manchester City ayaa doonaysay in ay imtixaankii ugu danbeeyay kaga soo gudubto Etihad Stad ium maadaama oo ay Leicester City u arkayeen kooxda kaliya ee u hadhsan ee Premier league ka galaafan kartay.

Laakiin Branden Rodgers ayaa Liecester City u soo dhigay taatiko cajiib ah taas oo ay qaybtii hore ee ciyaarta cadho wayn ugu abuureen Manchester City waxayna Foxes qaybtii hore soo bandhigay ciyaar xoogan oo waliba farsamo sare ku dhisnayd.

Weerarkii daadka ahaa ee Manchester City ayaa qaybtii hore ee kulankan awoodi kari waayay in ay wax goolal ah dhaliyaan iyada oo markasta oo uu waqtigu sii socdaba uu cadaadisku ku sii kordhyay ciyaartoyda Man City.

Daqiiqadii 9 aad Leicester City ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee heshay laba fursadood oo xidhiidh ah oo mid ahaan gool lagu dhalin kari lahaa laakiin Laporte iyo Kompany ayaa sameeyay daboolid cajiib ah si ay kooxdooda goolal uga joojiyaan.

Intaas kadib Man City ayaa bilawday weerar joogto ah kaas oo ay ku raadinaysay goolka furitaanka basle dhibata ugu wayn ayaa ahayd in kubbad kasta oo ay soo dhisto City ay ku burburaysay cidhifka xerada ganaaxa Leicester City.

Difaac danbeeyada Leicester City ee Ben Chilwell iyo Ricardo Pereira ayaa shaqo layaableh qaybtii hore ka qabtay joojinta labada xidig ee xilli ciyaareedkan Man City ugu saamaynta badnaa ee Raheem Sterling iyo Bernardo Silva.

Ciyaarta ayaa noqotay mid laysku daalay isla markaana ay Liecester City difaacasho adag iyo waliba weeraro rogaal celis ah ay fursad ku raadinaysay halka Man City ay wax walba u samaynaysay in ay goolka furitaanka isku dajiso.een.

MADAXWEYNIHII UGU HOREEYEY EE MAAM ULKA GALMUDUG OO GEERIYOODAY

Marxuumka-696x476 Allaha u Naxariis tee waxaa M/Nayro bi ee Caasimadda Dalka Kenya ku ge eriyooday Madax weynihii ugu horre eyey ee Maamulka Galmudug ahaana Aas’aasihii Maamulkaas Amb Maxamed Warsame Cali (Kimiko).

Marxuumka ayaa maalmahaan ku xan uunsanaa Gudaha dalka Kenya,hayee shee xalay Abaara saacadu markii ay ahe yd 04:30 am uu ku geeriyooday M/ Nayro bi ee dalka Kenya sida ay xaq iijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa.

Alle ha u Naxariistee Amb Maxamed Warsame Cali (Kimiko) ayaa ka sokow in uu soo noqday Madaxweynihii ugu horee yey ee Galmudug ayaa waxa uu sidoo ka le soo qabtay xilal ay ka mid yihiin, Safiir ka Soomaaliya u fadhiya QM (Head of Mi ssion) , Lataliye sare ee Madaxweyne Siyaad Barre iyo sidoo kale uu soo kala qabtay safiirka Sooma aliya u fadhiya Wa damada Faransiiska iyo magaalada Wa shington ee dalka Mar eykanka.

Geerida Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maamulka Galmudug Maxamed Wa rsame Cali (Kimiko) ayaa waxaa ka tacsi yadeeyey, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo dad xilal ka haayo dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Guddoo miyaha Gobolka Banaadir Eng, Cabdira xmaan Cumar Cismaan Yariisow.

SHIRKADAHA DIYAARADAHA EE XUJEYDA QA ADA OO TARTAN DAAH FURAN LOO QABANAYO

XASHKA Wasaaradda Awq aafta iyo arrimaha Di inta Soomaa liya ay aa sheegtay in si da ahfuran ay u tartan siineyso shirk daha di yaaradaha ee qaa da dadka Xujeyda So omaaliyeed ee san nadkan 2019 soo gud anaya Acmaa sha Xajka. Tallaabadan ayaa ka dhigan in daabulida Xujeyda aaney ku koobnaaneyn oo kaliya shirkaddo koobaan oo markii hore xujeyda geyn jiray Xajka, waqtiga oo ah xilliga kaliya ay faa’idada ugu badan helaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee diyaaradaha, kuwaasi oo 25­kii sanno ee dalka uu burburka ku jiray aanay jirin dowladda ama nidaam lagu maamu lla.

Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta , ayaa warsaxaafadeed ka soo bax ay lagu sheegay in shirkadaha daneyn aya iney ka faa’ideystaan fursadan ay soo gudbiyaan codsiyadooda ugu dambe yn 9ka bisha, taasoo ay ka baaraan dagi doonaan guddi ka kala socda Wasaar ada, Culimada iyo Bulshada Rayidka.

Xubnaha Guddiga ee loo xil saaray kal a saarida Shirkadaha ayaa kala ah;

Cabdixakiin Xasan Ibraahim Ashkir Wa siiru dowlahha Wasaarada Diinta iyo Awq aafta Soomaaliya. sheekh Cali Maxamu ud Xasan Wajiis (Cali Wajiis) Culumo, Sh. C/qaadir Maxamed SoomoowCulumo,Sheekh Cumar Maxamuud Wa rdheereCulumo Sheekh Cabdi Qani Qorane MaxamedCulumo Maxamed Cabdi Xaliim SheekhoowBulshada Rayid ka ,Xamdi Cabdiraxmaan IsmaaciilBulsh ada Rayidka

Xajka ayaa kamid ah tiirarka ugu waa we yn ee Islaamka, iyadoo uu EBBE ku waa jib yeelay qofka Muslimka ah, gaara aha an inta uu ALLE awood u siiyay inay tag aan Makka, oo soo xajiyaan.

WASAARADDA AWQAAFTA MASAR OO BILO WDAY BOG CUSUB OO FACEBOOK AF SOOMAALI AH

Wasaaradda Awqaafta ee dalkaasi wa xay Dorraad ku dhawaaqday inay bilaabe en 4 Bogag Facebook oo Luqadaha Som ali, Amxaari, Hoosaha iyo Pashto.

Wakaalladda Wararka Bariga Dhexe ee MENA ayaa sheegtay in qorshahaasi lo oga dan leeyahay in lagu faafiyo Farr iim aha Taageeradda Islaamka ee iskudulqaadka, Ladagaalanka Fikrad aha Xagjirnimadda iyo qiimaha Aadm inim adda iyo kobcinta

Kobcinta mabaadii’da wadanoolaansha ha Nabadeed.

Dhinaca kale, Wasaaradda Awqaafta ee dalka Masar waxay horey u furtay bog gag Facebook ee 22 Luqadood oo kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan Luqad aha English, German, French, Turkish, Spanish, Italian, Greek, Swahili, Urdu, Chi nese, Persian,Russian, Indonesian, Thai, Alba nian, Korean, Pashto, Hausa, Amh aric, Somali, Arabic iyo mid ah Luqadaha Astaanta Frata ay dadka Dhagoolaya asha adeegsadaan.

MADAXWEYNE BIIXI OO KA HADLAY DEEG AANADDA GOBOLKA SANAAG EE XAALADDA DEGDEG AH LAGU SOO ROGAY

Madaxweyne Biixi ayaa fariimo u kala direy guud ahaan shacabka Somaliland, deegaanadda xaaladda degdeg ah lagu soo rogay iyo warbaahinta Somaliland.

Madaxweyne Biixi ayaa dadweynaha ugu baaqay inay nabadda ilaaliyaan oo wada jirka umadda ka shaqeeyaan, waxaanu ka hadlay xaaladda ka taagan deegaan adda Garadag, Ceel Afweyn iyo deega anada hoos yimaado oo dhowaan lagu di lay laba sarkaal oo ciidanka ka tirsan, wa xaanu yidhi "Waxan idin xasuusinayaa wa laalayaal inay nabadgelyadu tahay tiir dhexaadka aynnu ku dhisannahay, qof walibana uu halkiisa uga guntado. Sadde xda degmo ee imika dhibaatadu ka jirto oo dad badani si qaldan uga bixiyeen in nabadgelyada la sugo, waxan leeyahay marka ay dhibaato dhacdo waxa waajib saaran yahay qaranka, xukuumadda iyo shacabkaba in nabadgelyada gacmaha oo dhan la isugu geeyo, ciidamada halkaas loo dirayna waxa qudha ee ay qabanayaan waa inay ilaaliyaan nafta iyo hantida ummadda Somaliland iyo amniga guud, dalkana inay wax u taraan mooya ane wax hadimo ah ma wadaan.” Ma daxweynuhu wuxuu sheegay in ciid amada ka hawlgalaya deegaankaasi ay ilaalinayaan xuquuqda iyo xoriyadda dad ka shacabka ah, waxaanu tilmaamay sha qooyinka ay halkaasi ka qaban doonaan "ciidamadu waxa ay nabadgelya da suga yaan iyaga oo xorriyadda iyo xuq uuqda qofka ilaalinaya, qofka dambiilaha ahna gacan adag ku dhigaya oo ka qaba naya ummadda ina anu fidnaynin, sidaas darte ed shac abka waxan ka codsanayaa dha mma antii gaar ahaan degmooyinka as inay si fiican ula hawlgalaan ciidamada qaranka ee ku ha wllan sugidda amniga. Gobolladaas iyo degmooyinkaas dadka deggenna waxan leeyahay walaalayaal wax walba na badda ka horraysee aynnu nabadda u wa da guntanno, nin meel dhe er telefoon ka ga soo hadla oo aan dant aada eegaynin na yaannu fidno ina gelinine nabadda halla xejiyo.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxwey nuhu baaq u diray warbaahinta kala du wan ee dalka ka hawlgasha, waxana uu kula dardaarmay inay bulshada u tebiy aan warar xanaf tiran oo aan bulshada dhex deeda fidno ka dhalinaynin, islamar kaana ay xil iska saaraan sidii ay isugu soo jiidi lahaayeen guud ahaanba shacab ka Somaliland.

QM OO SHACABKA SOOMAALIYEED U RAJEYSAY RAMADAAN NABAD AH

Siihayaha Madaxa Xafiiska Hawl galka Kaalmey nta Q/ Midoobay ee Sooma aliya (UNS OM) ahna Kuxige enka Ergeyga Gaar ka ah ee Xog hayahaGuud ee QM u qaab ilsan Soomaaliya, Raised on Zen enga ay aa salaan diiran u diray dhamm aan dad ka Soomaaliyeed iyadoo ay bilan ayso bi sha barakeysan ee Ra madaan.

"Anigoo ku hadlaya magaca dhamma an bahda Qaramada Midoobay ee Soo maaliya, waxaan dadka Soomaaliye ed ee ku nool dalka iyo adduuka dacalladiisa u rajeynayaa bisha barakeysan ee Rama daan oo nabad ah,” ayuu yiri Md. Zene n ga.

"Kani waa waqti muhim u ah sannadka oo ay qoysaska iyo bulshadu isu yimaa daan, ka fikiraan waxa dhab ahaan mec no u leh nolosha, una duceeyaan oo taag eero u fidiyaan dadka danyarta ah. Sidoo kale waa waqti la heshiiyo la isna cafiyo.”

"Soomaaliya ha hesho farxad, nicmo iyo raynrayn bishan barakeysan ee Ram adaan – Ramadan kareen, Ramada an wanaagsan.”

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA HADLAY GEERIDA AMB. MAXAMED WARSAME CALI KIIMIKO

Madaxweynaha JFSoomaaliya Md .Ma xamed C/hii Farmaajo ayaa ka tacsiyeey ay geerida ku timid Amb. Maxamed War same Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyo odey magaalada Nairobi.

qm Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko waxa uu kamid ah aa aasaasayaashii iyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kalena Danjire ka soo noqday dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Qar amada Midoobey.

"Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dir aaya guud ahaan shacabka Soomaali ye ed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraaba dii uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariis tee Am b. Maxamed Warsame Cali.”

"Amb. Maxamed Warsame Cali waxa uu ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uu qayb wakhtigiisa kamid ah ku qaatay u adee gidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii Maamulka Galmudug. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxa riisto oo hoygiisa ka yeello Jannatul Fird owsa, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

MUSEVENI OO U SHEEGAY MUCAARADKI ISA IN AYSAN UGANDA LA MID AHAYN DEGANAANSHO LA’AANTA KA JIRTA SOMALIA

Madaxweynaha dalka Uganda, Yowe eri Kaputa Museveni waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Dorraad Khudbad ka jeediyey Munaasabad lagu soo band hig ay Buug uu qoray Guddoomiyaha Iimaa myadda dalkaasi, Sheekh Suleymaan Lu beega oo lagu qabtay Degmadda Kas an gati ee dalkaasi.

Waxa uu si kulul u naqdiyey Siyaasiy iinta mucaaradka ku ah Hoggaamintiisa 33jirsatay, isagoo sheegay inay jiraan un ugyo Mucaarad ah oo doonaya inay Dega naansho La’aan ka abuuraan Uganda, iyagoo u maraya qaabab aan sharci ah ayn.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Mucaa radka u oggolaan doono inay qaadaan Hawlgalkooda oo uu ku tilmaamay fal sidii Shaydaanka oo kale.

Museveni oo 75jir ah oo caadiyeystay inuu Somalia u soo qaato Tusaalayaasha u gu xunxun, waxa uu ku booriyey kuwa isaga Mucaaradka ku ah inay aadaan Somalia oo ay deganaansho la’aan ka jirto, waa sida uu hadalka u dhigay.

"Cid kasta oo ka daalay Nolosha iyo Deg anaansho La’aanta Uganda waxay iska khasaarinayaan Waqtiga. Uganda waa deggan tahay, ma aha sida Somalia oo kale, waan qabnaa Fannaaniin. Waxay aadi karaan Somalia oo ay Riwaayado ka dhigi karan halkaasi” ayuu yiri Museveni.

Hadalka Museveni ayaa u muuqda mid uu ku garaacayo Fannaanka Bobi Wine oo ah Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Uganda, mucaaradna ku ah Madaxweyne Museveni iyo Maamulkiisa.

Xildhibaankaasi mucaaradka oo 37jir waxa uu si cad u dhaliilaa Madaxweyne Museveni, taasi oo keentay in dhowr jeer la xiro, iyadoo ay Boliska ka hor joogsa deen 130 Riwaayado oo uu ka dhigi la haa dalkaasi tan iyo sannadkii 2017kii.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ugan da waxa uu si kulul u eedeyey Xildh ibaan adda Barlamaanka dalkiisa oo uu shee gay inay doonayaan in loo kordhiyo Mu shaarka, balse ay gaashaanka ku dhu ft aan Maalgelinta Mashaariicda muhiimka u ah Horumarinta Qaranka. Si kastaba ha ahaatee, hadalka qadaf ka ee uu Yo weri Musveni had iyo jeer wi xii xun Tus aale ahaan u soo qaata dadka Soomaal ida ayaa u muuqda falal aan ga rowshiyo lahayn oo sharafdhac ku ah Sharafta DFS iyo guud ahaan dadka iyo dalka So malia.

R.W KHAYRE OO KULAN LA QAATAY GUDDI GA DHISMAHA GAROONKA KUBADDA CAGTA MIRE AWAARE

Guddiga dhismaha Garoonka kubad da Cagta Mire Awaare ee magaalada Ga roowe ayaa kulan mahad celin ah la qa atay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fed eraalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo dhaqaale lacageed Ku taag eeray dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso Garoonka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda fede ralka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddiga ka dhageystay war bixin ku aadan halka ay marayaan qor shaha iyo dadaallada dhismaha garoonka Mire Awaare ee Magaaladda Garoowe , waxa uuna u muujiyey ahmiyada garoon ku uu u leeyhay dhallinyaradda Soomaal iyeed iyo isdhexgalka Bulshadda ay hormuudka u yihiin dhallinyaraddu.

Guddoomiyaha Guddiga dhismaha garo onka Mire Awaare, Maxamed Cali Ciise ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa uga mahadceliyay tageerada iyo garab ista agga buuxa ee dhismaha garoonka

HAL SABAB OO AYSAN DOWLADDA SOOMAALIYA UGA MAMNUUCEYN DALKA SHIRKADDA DP WORLD?

Xukuumadda Soomaaliya ayaa hal ar rin u sababeysay inan lagu deg degin shir kadda DP World dalka in laga mamnuu co, iyadoo shirkadda ay maamusho dek eddo ku yaalla Berbera iyo Boosaaso.

Ra'iisul wasaare kuxigeenka Soom aaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay sababta uusan madaxweyne Far maajo ugu raacin Baarlamaanka go'aan ka ay dalka uga mamnuuceen shirkadda fadhigeeddu yahay Dubai ee DP World, wuxuu sheegay in xukuumadda iyo mada xtooyadda aysan wax lug ah ku lahayn go'aankaasi oo uu ku tilmaamay mid ay curiyeen xildhibaannada golaha shacab ka.

" Madaxweynuhu wuxuu u saxiixi la'ya hay in aysan sii fogaan walaalaheen So omaaliland iyo in wadahadalka aysan sa ameyn arrintaasi". ayuu u sheegay telef ishinka maxalliga ah ee Goobjoog, isagoo inta raaciyey " Sharcigaasi waa mid uu cu riyey golaha shacabka, ma jirto wax lug oo ay ku leedahay xukuumadda ama mad axweynaha uu wax kala socdo, xitaa sa ldhigga wax xog ah oo aan ka hayno ma jirto".

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii Maaj ee sannadkii hore 2018kii waxa uu dalka ka mamnuucay shirkadda DP World ,iyadoo xildhibaannada ay go'aanka soo saareen markii Sooma aliland, DP World iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis sa ddex geesood ah oo lagu ballaarin ayo marsadda Berbera iyo saldhig halkaasi laga hirgelinayo.

XIGASHOHIIRAAN .COM

WEFTI KA SOCDA DALKA MASAR OO BOOQ ASHO KU YIMID MAGAALADDA HARGEYSA

Wefti uu hogaaminayo wasiir ku xigee nka arrimaha Dibadda Masar Amba ssador Hamdi Loza ayaa Shalay soo ga adhay magaalada Hargeysa, waxaana madaarka ku soo dhoweeyey wasiir ku xigeenka arrimaha Dibada Somaliland Ca bdiqaadir Cumar Jaamac iyo wasiir ku xi geenka caafim aadka Liibaan Yuusuf.

Weftigan reer Masar ayaa dhawr maalmo od joogi doonno, isla markaana kulama la qaadan doonna qaybaha kala duwan ee dawladda.

Safarkan ayaa ka dambeeyey bil ka hor markii ay casuumeen wasaarada Arr imaha Dibada Somaliland oo uu safar ma almo qaatay ku tagay wasiir ku xigeenkii hore ee arrimaha Dibada Soma liland Liib aan Yuusuf, kaasi oo kulamo la soo yee shay madaxda kala duwan ee Masar.

Safarkaasi hore ayaa keenay in ma anta ay yimaadeen weftigan ka socda wa saarada Arrimaha Dibada ee Masar, ma rkay kulamadaasi dhamaadaan ayaa la fil ayaa inay warbaahinta ka hadli doonaan.

GAARI SHIDAAL WADAY OO KU QARXAY NA YJAR IYO KHASAARO KA DHASHAY

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dal kaasi ayaa sheegtay inay 55 qof ku gee riyootay dab ka kacay gaari waday shid aal oo ku qalibmay waddo ay Tareen ada maraan. Dagaal ka dhacay Sh/Dhexe oo lagu dha awacay Abaanduulaha Guutada 2aad ee Ciidamada dowladda

May 6, 2019

Inta badan dadka geeriyooday waxay shidaal ka shubanayen gaariga booyadla ha ee qalibmay. Dhinaca kals,e 35 qof ayaa ku dhaa wacantay shilkaasi, sida uu xaqiijiyey Afh ayeen u hadlay Boliska dal kaasi.

TALISKA BOOLISKA OO DIGNIIN U DIRAY SHACABKA MUQDISHO

Taliska Ciidanka Booliska Somaliya ayaa digniin u diray dadka ku nool M/ Mu qdisho, kadib markii warkaasi ay shee gtay Taliye Ku xigeenka Ciidanka Booli ska Somaliya Zakia Xuseen.Zakia ayaa sheegtay shacabka ku nool Magaalada Muqdisho inay uga digayaan inay iska hubiyaan dadka ay ka kireynayaan gury aha ku yaalla Magaalada gudaheeda.

Waxa ay sheegtay gurigii lagu qabto waxyaabo ka dhan ah amniga Ciidamada inay tallaabo ka qaadi doonaan milkiilaha guriga & dadka kireystay guriga intaba, waxaana ay sheegtay qof kasta oo Mil kiile guri ah in laga doonaayo inuu Deg mada ka diiwaangeliyo dadka guriga uu ka kireynaayo.

"Waxaan rabaa in aan digniin u diro dhamaan muwaadiniinta Gobolka Banaa dir, waxan uga dig ayaa inay iska fiiriyaan dadka guryahooda ka kireynayaan, ha dda kadib gurigii laga helo ama lagu soo qabto argagixiso, waxaa masuuliyadeeda qaadaayo milkiilaha guriga & dalaalka guriga soo daj iyay, fadlan dadka guriga aad ka kireynaysid ka diiwaangeli Deg mada.” Ayeey tiri Taliye Ku xige enka Ciid anka Booliska Somaliya.

Ciidamada Booliska ayaa laba jibaaray qorshaha suggida ammaanka M/ Muqdisho, iyadoo wadooyinka qaar ee Muqdisho la soo dhigay Ciidamo hor leh oo amniga sugaya. Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in Bisha Ramadaan ay ku dadaaleyso xaqii jinta ammaanka Degm ooyinka Gobolka Banaadir.

RAMADAANKU WAA FURSADA 



CUMRIGA

(Dersiga Labaad)

RamadanWaxaa uu illaah (cw) noo sharciyeeyay inaan Soono Bishaan Barakeysan ee Ramadaan asagoo ula jeedada Soonkana ku sheegay in ay tahay inaan ka kororsano Taqwo(alle ka cabsi) iyo aadaabta oo la toosiyo ee ula jeedada Soonku ma aha inaan gaajoono ama haraadno sida dad badan oo cilmi laheyn u heestaan, taasoo keentay in ay ka dhowri waayaan Soonkooda waxyaabihii wax u dhimayay ulajeedadiisa ama in ay ka dhawri waayaan waxyaabihii gebi ahaanba Soonka burinayay, sidaa darteed waxaan soo gudbinayaa gafaf ay haboon tahay inuu ka digtoonaado ruuxa sooman ee doonayo inuu Soonkiisu noqdaa mid maalinta Qiyaame uu ku baxsado oo uu uga

badbaado Cadaabka Naarata hadii illaa u aqbalo, waxaana ka mid ah gafafkaas:-

1-in aysan dadka qaar ku baraarugsaneyn fadliga weyn iyo faaiidooyinka Soonku leeyahay,taasoo aad ka arkeyso sida aysan ugu faraxsaneyn Bilashada Bisha Ramadaan ama sida ay u soo dhaw eynayaan oo ah in ay ku soo dhaweeyaan diyaarinta noocyada Cunada iyo Cabitaanada kala duwan ama in ay ku soo dhaweeyaan abuubulo ku saabsan kubad iyo turub iwm, halkii looga baahnaa in ay ku soo dhaweeyaan dadaal xaga Cibaadada ah sidii uu sameyn jiray Nabigeena (scw) oo ah inuu la yimaado dadaal dheeraad oo uusan la imaan jirin bilaha kasoo hara Ramadaanka.

2-Waxaa ka mid ah gafafka dadka qaar ka dhaca in aysan ku farxin Bilashada Bishaan oo ay ka murgoodaan ayagoo u heesta in ay tahay Ciqaab lagusoo rogay, taasoo keeneysa in ay dhamaadka Bisha ku sugaan Sabar la’aan kuna farxaan inuu ka dhamaaday ee aysan ku faraxsaneyn in ay dhameesteen.

Dadka noocaas ah ma macaansadaan Cibaadaadka ku dhex jira Bishaan mana ka faaiiideystaan maalmaha iyo Saacada bisha Ramadaan taasoo macnaheedu yahay in kuwaaasu ka khadeen nicmooyinkii iyo faaiidooyinkii Bishan xambaarsaneyd ayagoo ay dhici karto in ay ka soomeen Cunadii iyo Cabidii.

3-Waxaa kaloo gafafka ka mid ah dadka qaar ku dhacaan in aysan baranin Axkaamta Bishaan Ramadaan ama aysan su’aalo ka weydiin kuwa Cilmiga leh, taasoo ah in ay Cibaadeestaan ayagoon Cilmi ulaheyn kuna dhacaan gaabis iyo gafaf badan.

Marka waxaa ku waajib ah ruuxa u xilhaya Diinkiisa inuu waxa uu ku Ciabaadeysanayo Cilmi u yeesho si uusan Maalinta Qiyaame ula kulmin wax aan farax galin.

4-Waxaa ka mid ah qaladaadka ku dhex dhaca Bishaan in dadka qaar ayssan ka dhowrsan gafafka

taasoo ka dhigtay soonkoodii mid uun ah ka tagid Cuno iyo Cabid, ee uusan soonka ku xambaarin in ay xumaanta ka tagaan, nabigeena Suuban (scw) waxaa uu sheegay in Soonka aan loo jeediynin ka tagida Cunada iyo Cabida kaliya.

( من لم يدع قول الزور والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه وشرابه ) رواه البخاري .

5-Gafafka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Ramadaan waxaa ka mid ah in ay ka tagaan Sunooyinka qaar sida:-sandaarsiga marka la weyso qaadanayo ayagoo ka baqaayo in ay Biyaha ka galaan Gudaha jirka, laakiin arintaas sax ma aha oo waa la saandaarsadaa lana luqluqdaa marka la sooman yahay hadii aanan lagu xeel dheeraan.

( أسبغ الوضوء، وخلل بين الأصابع، وبالغ في الاستنشاق إلا أن تكون صائماً ) رواه الترمذي وغيره.

Xadiiskaan waxa uu tusayaa in marka la weeso qaadanayo in sanka qeybtiisa hore biyaha lagu nadiifiyo ayadoo aan lagu fogeyneynin gudaha Sanka, waxaana kaas la mid ah ka tagitaanka Cadayga galinka dambe maalmaha Soonka, maxaa yeelay mar walba Cadaygu waa Sunno.

6- Waxaa kaloo ka mid ah gafafka dadka Sooman qaarkood ku dhacaan in ay ka dhowraan afkooda wax Cundhuuf ah in ay ku soo dhacdo ama dhuuntoodaba gaarto taasoo noqoneysa inuu Ciqaabo ruuxaas naftiisa maadaama aysan suuro gal aheyn in laga dhowrsado Candhuufta ama aysan suuro gal aheyn in Candhuuftaas laga dhowro in ay dhuunta gaarto.

7-Waxaa kaloo kamid ah gafafka in aysan Soonka Habeenkii niyada ku qaban taasoo ka hor imaaneynysaa Xadiiskii u Nabiga (scw) ku sheegay inuusan Soomin ruuxii aan habeenkii niyeeysan Soonkiisa.

( من لم يبيت الصيام من الليل فلا صيام له ) رواه النسائي

وفي رواية: ( من لم يبيت الصيام قبل الفجر فلا صيام له

Waxaana iga xasuusin ah in Niyada aysan aheyn mid lagu dhawaaqo sida ay sameeyaan dadka qaar, maadaama uusan Nabiga Niyada la jahrin marka Xajka la joogo maahane.

8-Gafafka dhaca waxaa ka mid ah Cinitaanka cunada marka la Adimo ka dib Aadaanka Fajarka(salaada lagu dkado) ama inta uu socdo Aadaanka.waxaa haboon ruuxa doonaya Saxuurtaa inuu ka tigtoonaado in lagu dul Aadaamo oo uu ka hor ka faro xasho.

9-Waxaa kaloo ka mid ah qaladaadka dadka qaar ku dhacaan Bishaan Barakeysan in ay moodaan hadii ruuxa lagu dul Adimo asagoo Janaabo qaba inuusan soomi Karin maadaama uusan Daahir aheyn, laakiin waa arin qaldan maxaa yeelay Soonka Shuraadihiisa ka mid ma aha in uu Daahir ahaado ruuxa Soomaya, waxaana Nabiga Suuban laga soo sheegay inuu Soomi jiray ayadoo uu waaga u baryay asagoo Janaabadii uu reerkiisa kula kulmay qaba.

10-Waxaa gafafka dadka Sooma qaarkood ku dhacaan Dabeecada oo ka xumaata marka ay Soomaan oo gaajada qabato, taasoo ka hor imaaneysa dantii laga lahaa Soonka oo ah in uu toosiyo Aaadaabta kan sooma uu ku barto Dulqaad, waxaana la amray kan Sooman hadii la aflagaadeeyo ama lala dagaalo inuu yiraahdo waan Soomanahay waan Soomanahay!!

فإذا كان يوم صوم أحدكم فلا يرفث، ولا يصخب، فإن سابه أحد أو شاتمه فليقل: إني صائم رواه البخاري و مسلم .

11-Waxa kaloo gafafka dadka qaar ka dhaca waxaa ka mid ah in ay daadaal badan muujiyaan biloowga Bisha kadibna Caajisaan oo ku dhameestaan hurdo iyo sheeko, laakiin waxaa habooneyd in dadaalka la badiyo maalmaha dhamaadka Bisha lagaaro oo uu qofka Sooman Jibaaro Cibaadada sida uu sameyn jiray Nabiga Suuban(scw) oo kale .

Waxaa Diyaariyay Calinuur Xoogsade

calixoogsade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: calinuur, ramadaan

UNMAS 2018 Image result for unops logo

 

VACANCY ANNOUNCEMENT

 

UNMAS Somalia is looking for qualified and interested candidates for the positions below.

 

VACANCY WITH UNMAS SOMALIA

(Open to Somali Nationals Only)

Position

Project Manager - Humanitarian Explosive Management

Contract Type & Level

Local ICA Specialist - LICA-10 (ICS10)

Duty Station

Mogadishu

Duration

Open-ended contract, subject to organizational requirements, availability of funds and satisfactory performance.

Application Period

29-April-2019 to 12-May-2019

 

 

 

 

 

 

Qualification

Education:

· Advanced university degree (Master’s Degree or equivalent) in business administration, international relations, political/security development studies, project management, project development or related field with five years of relevant experience; OR

· A first-level university degree (Bachelor’s Degree or equivalent) in business administration, international relations, political/security development studies, project management, project development or related field with seven years of relevant experience

Experience:

· Relevant experience is defined as an experience in business administration, - -project management, or project support

· Experience in supporting operations in a humanitarian, conflict, post-conflict or development contexts is required

· Computer literacy is required

Languages:

· Fluency in English (reading, writing and speaking) is required

· Fluency in Somali (reading, writing and speaking) is required

 

Link to the VA

https://jobs.unops.org/Pages/ViewVacancy/VADetails.aspx?id=17792

 

This is local position and is open to Somali nationals only.

 

 

Interested and qualified Somali Women are strongly encouraged to apply to the position and submit online application through VA link provided above before VA closed.


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip