Wafdi ka socda Masar oo Kormeeray taliska Ciidanka Xoogga

0
Sunday April 28, 2019 - 22:21:24 in Wararka by
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi ka socda Masar oo Kormeeray taliska Ciidanka Xoogga

    Wafdigaan uu hoggaaminayay Generaal Waxiid Ibraahim Khafaaji oo ah kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdigaan uu hoggaaminayay Generaal Waxiid Ibraahim Khafaaji oo ah kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masar ayaa Kormeeray Isbitaalka Xoogga Dalka,Kuliyadda Jaalla Siyaad iyo Xarunta ciidamada xoogga dalka ee deegaanka Bangalla ee Magaalada Muqdisho. Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xarunta Kuliyadda Jaalla Siyaad ayey Mid mid u kormeereen Wafdigaan ka socday Dalka Masar.

Taliye ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan ayaa sheegay in Dowlada Masar ay diyaar u tahay Taakuleenta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga Dalka Masar General Waxiid Ibraahim Khafaaji ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo Xiriir iskaashi ee dhanka Ciidamada Labada dal ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip