Maleeshiyaad la wareegay Saldhig ku yaalla Magalada Gaalkacyo

0
Sunday April 28, 2019 - 22:05:49 in Wararka by
  • Visits: 211
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad la wareegay Saldhig ku yaalla Magalada Gaalkacyo

    Wararka laga helayo Magalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay Maanta la wareegeen saldhig ku yaalla mid ka mid ah Xaafadaha Waqooyi ee Magalada gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka laga helayo Magalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyaad hubeysan ay Maanta la wareegeen saldhig ku yaalla mid ka mid ah Xaafadaha Waqooyi ee Magalada gaalkacyo.

Dad ku sugan Magalada Gaalkacyo ayaa Risaala waxa ay u sheegeen in Maleeshiyaadka oo uu hoggaaminayo Nin Magaciisa lagu soo gaabiyey Dhuuhdan ay la wareegeen Saldhiga bartamaha oo ay ku shaqeeyaan ciidanka ilaalinta canshuuraha dowladda hoose oo ku yaalla Xaafada Garsoor ee Waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in maleshiyaadka Saldhiga la wareegay ay Ganacsatada ka qaadayeen ilaa saakay dadka Ganacsatada ah,isla markaana ay qabanayeen Shaqadii ciidamada ilaalinta canshuura ee dowladda hoose ee Magalada Gaalkacyo.
Sarkaalka ciidanka Hoggaaminaya ee Magaciisa loo soo gaabiyey Dhuuhdan ayaa mar soo noday Madaxa baarista iyo dabagalka dowladda hoose ee degmada Gaalkacyo,hayeeshee waxaa xilkaasi ka qaday gudoomiyihii hore ee Magalada Gaalkacyo Yaasiin Cabdisamad.
Laamaha Amniga ee Gobolka Muudg Puntland iyo Mas’uuliyiinta degmada Gaalkacyo ayaa ila iyo hadda ka hadlin maleeshiyaadka qabsaday Saldhiga bartamaha oo ay ku shaqeeyaan ciidanka ilaalinta canshuuraha dowladda hoose ee Magalada Gaalkacyo.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip