Dhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar dul-dhigay Shacabka Muqdisho

0
Sunday April 28, 2019 - 22:04:10 in Wararka by
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Maamulka Gobolka Banaadir oo Amar dul-dhigay Shacabka Muqdisho

    Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cism,aan Yariisow ayaa waxaa amar culus la dul-dhigay Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir. Amarkaan oo uu Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cism,aan Yariisow ayaa waxaa amar culus la dul-dhigay Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir. Amarkaan oo uu Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku saabsan dib u Habeynta Bulaacadaha Magaalada Muqdisho iyo Naleynta Magaalada si Bilicda dib loogu soo celiyay.

1- In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka kasoo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo istecmaalo mid gaar ahaaneed.

2- In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah.

– Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.

Audio Player



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip