Gudoomiyaha maxkamadda Sare oo gudoomiyeyaal maxkamadeed isku bedel ku sameeyey

0
Sunday April 28, 2019 - 22:00:03 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha maxkamadda Sare oo gudoomiyeyaal maxkamadeed isku bedel ku sameeyey

    Gudoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali ayaa maanta isku bedel ku sameeyey maxkamadihii heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Maroodi jeex, waxaanu xilalkii ay hayeen ka bedelay laba gudoomiye Maxkamadeed oo Somaliland caan ka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali ayaa maanta isku bedel ku sameeyey maxkamadihii heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Maroodi jeex, waxaanu xilalkii ay hayeen ka bedelay laba gudoomiye Maxkamadeed oo Somaliland caan ka ah.
 

Gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Maroodi jeex Axmed Dalmar Halac ayaa xilkii uu hayey laga qaaday loona bedelay Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi Jeex, halka gudoomiyaha degamdda Hargeysa Cabdirashiid Beer geel loo bedelay garsoore maxkamadda gobolka Maroodi Jeex.

 

Cabdi Qawdhan Cabdi waxa loo magacaabay gudoomiyaha maxkamadda gobolka maroodi jeex si ku meel gaadh ah, halka Yaxye Xuseen Yuusuf gudoomiyaha maxkamadda degmada Hargeysa si ku meel gaadh ah.

 

Dhinaca kale, gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodi jeex laga bedelay Gasoore Dalmar ayaa sheegay inuu xilkii uu hayey iska casilay, isla markaana arrimo u gaar ah uu shaqadda masuuliyadda iskaga joojiyey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip