Ciidamada ammaanka oo hawlgal ku soo qabtay in ka badan 70 ruux

0
Sunday April 28, 2019 - 21:12:09 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada ammaanka oo hawlgal ku soo qabtay in ka badan 70 ruux

    Ciidamada Booliska Somaliya ayaa hawlgallo gaar ah oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay waxa ay ku soo qabteen in ka badan 70 ruux oo dhalinyaro u badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska Somaliya ayaa hawlgallo gaar ah oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho 24-kii saac ee la soo dhaafay waxa ay ku soo qabteen in ka badan 70 ruux oo dhalinyaro u badan.

Hawlgaladan ayaa dadka lagu soo qabtay ayaa ka kala dhacay Degmooyinka Xamar Weyne, Heliwaa iyo Deegaanka Weydow oo ku yaalla Duleedka Magaalada Muqdisho.

Taliye kuxigeenka Booliska Somaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay dadka la soo qabtay inay ku jiraan gacan ku dhiiglayaal ka tirsan Mintidiinta Al Shabaab oo horey dil uga geystay Magaalada Muqdisho.

Waxay sheegtay xogta lagu hawlgalayay inay ka heleen shacabka Somaliyed oo maalmahan dambe kordhiyay wada shaqeynta kala dhaxeysa ciidamada Booliska.

"Waxaan idin sheegayaa hawlgalo ka kala dhacay Muqdisho waqtiyo kala duwan in lagu soo qabtay dad badan oo dambiyo kala duwan ku eedeysan, xogta aan ku hawlgalnay waxaan ka helnay shacabkeena, waxaan diyaar u nahay inaan kordhino dagaalka aan kula jirno argagixisada.” ayay tiri Gen. Zakiya.

Xaalad degaansho oo dhanka ammaanka ah ayaa laga dareemayaa Magaalada Muqdisho, kadib markii ciidanka ammaanka ay kordhiyeen hawlgalada amniga lagu xaqiijinayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip