Al-Shabaab oo weeraray saldhig ay leeyihiin Ciidamada Jubbaland

0
Sunday April 28, 2019 - 21:05:20 in Wararka by
  • Visits: 324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo weeraray saldhig ay leeyihiin Ciidamada Jubbaland

    Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ururka Al-Shabaab ay maanta barqadii weerar ku qaadeen saldhig ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baarka ee duleedka Kismaayo. Weerarka kadib ayaa waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ururka Al-Shabaab ay maanta barqadii weerar ku qaadeen saldhig ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Baarka ee duleedka Kismaayo. Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Jubbaland iyo Ururka Al-Shabaab, kaas oo khasaaro ay kasoo gaartay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka kaag yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,hayeeshee weli aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kasoo gaaray dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa Baraha internet-ka waxa ay ku qoreen in deegaanka Baarka Saldhigga Ciidamada Jubbaland ay dhowr jiho ka weerareen,waxaana sidoo kale dadka deegaanka ay sheegeen inay maqlayeen dhawaaqa rasaasta dagaalka labada dhinac.

Wararkii u dambeeyey ee haatan naga soo gaaraya deegaanka Baarka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, iyaga oo isku fidiyey deegaano kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip