Ilhaan Cumar: Ma ahan wax la fiirsan karo xaaladda gurracan ee Yemen ee ay wadaan Sucuudiga iyo Imaaraatka
Lahaanshaha sawirkaILHAN OMAR/TWITTER Image caption Xildhibaan Ilhaan Cumar
- Warnaahinta Khaliijka ma loollan ayay kula jirtaa Ilhan Cumar?
- Warbahinta Israa'iil oo weerar ku qaadday Ilhaan Cumar
- Ilhaan Cumar oo ka jawaabtay sida loola xiriiriyay weerarkii daaraha mataanaha ee 9/11
Ilhaan waxa ay sheegtay in Koongareeska Mareykanka uu meel mariyay qaraar ku aaddan dagaalka Yemen taas oo ay doonayaan inay ku joojiyaan dhibka ka soconaya dalka Yemen.
Hasayeeshee qaraarkaas waxaa gaashaanka u daruuray madaxweyne Donald Trump kaas oo qaraarkaasi codka diimada qayaxan ku hor istaagay.
Xiriirka aadka u dhaw ee uu madaxwayne Trump la leeyahay boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar ka mid ah xubnaha Koongreska Mareykanka.
Haatanna Ilhaan Cumar waxa ay sheegtay inay ku tala jiraan in ay meesha ka saaraan codkaas qaxayan ee uu adeegsaday Madaxweyne Trump.
Ilhaan waxa ay sheegtay in aanan loo dulqaadan karin in lagu dhaqmo laba wajiilanimo: "Waddankeenna Mareykanka haddii uu ka shaqeynaayo oo uu aaminsan yahay xuquuqda aadanaha, haddii uu yahay waddan aaminsan in dad masaakiin ah inay ku dhimayaan dalka Yemen oo aan taakulo u dirno dagaalka lagu wadana qeyb kuma lahaan karno."
Waxa ay intaasi ku dartay in taasi aanay ahayn go'aan ay Ilhaan kaligeed gaartay ee uu yahay mid ay isku raacsan yihiin inta badan xildhibaannada Aqalka Koongareeska Mareykanka.
'Dagaal xa-darra ah'
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in Sucuudiga iyo Imaaraatka Carabta ay dagaal xaq darra ah ka wadaan waddanka Yemen halkaas oo ay sheegtay in inta badan dadkaasi ay soo wajaheen macaluul ay hormuud ka yihiin labadaasi dal.
"Haddii aad fiirisid dagaalka xaqdarrada ah ee ay ku wadaan dalka Yemen qof Muslim ah oo dhihi karo maanta Imaaraatka iyo Sucuudi Carabiya yaan wax laga sheegin ilama ahan inuu jiro,"
"Sababta kaliya ee ay dadkaasi macaluusha u wajahayaan ayaa ah in labadaas dal ay go'aan ku gaareen in cariiri ay galiyaan nolosha dadkaasi. Marka haddii intaas aadan arki karin haddaba ma tihid qof xaq u shaqeynaya."
Waxa ay sheegtay inuusan jirin qof Muslim oo fiirsan kara waxa ay labadaasi dal wadaan.
- Sacuudiga 'ma dal arxan daran baa'?
- Trump oo ku gacan seyray qaraar ka dhan ahaa boqortooyada Sacuudiga
Dagaalka Ilhaan iyo Sucuudiga iyo Imaaraatka
Hadalka Ilhaan Cumar ayaa imanaya xilli bilihii la soo dhaafay ay qaar ka mid ah warbaahinta Dowladaha Khaliijka la sheegay inay loollan adag kula jiraan haweenka muslimiinta ah ee ku biiray aqalka Koongareeska Mareykanka, kuwaas oo ay ka mid tahay Ilhaan Cumar.
Tan iyo markii ay dhacday doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka, warbaahinta garabka Midig ee dalalkaasi ayaa bartilmaameed ka dhigtay Ilhaan Cumar, oo ah siyaasiyadda xisbiga Dimuqraaddiga ee Soomaaliya ka soo jeedda, isla markaana xijaabka xirata.
Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in ay u taagan tahay sidii cadaalad meel walba loo gaarsiin lahaa sidaas daraadeedna ay iska hor yimaadeen dalalka Sucuudi Carabiya iyo Imaaraatka "Labadaas waddan intay iska hilmaameen cadaalad ka shaqeynteeda ayaa waxa ay bilaabeen inay cadaaladdii ku xadgudbaan." ayey tiri Ilhaan Cumar.
Ilhaan Cumar: Ma ahan wax la fiirsan karo xaaladda gurracan ee Yemen ee ay wadaan Sucuudiga iyo Imaaraatka
Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah xildhibaannada Aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa sheegtay in xaaladda guracan ee ay ku nool yihiin dadka Yemen ay ka dhalatay faragelinta ba'an ee ay dalkaasi ku hayaan Sucuudiga iyo Imaaraatka, qasabna ay