Maydka haweeneey iyo ilmo yar oo laga helay guri kuyaal Suffolk

0
Sunday April 28, 2019 - 09:47:22 in Wararka by
  • Visits: 213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maydka haweeneey iyo ilmo yar oo laga helay guri kuyaal Suffolk

    Haheeneey 28 jir iyo wiil yar oo afar jir ah ayaa maydkooda laga helay guri kuyaal gobolka Suffolk ee dalka Ingiriiska. Qof dadweynaha ka mid ah ayaa soo gudbiyey warka ku saabsan maydadka oo ku jiray dhisme kuyaal Park Avenue, ee magaalada Newmar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haheeneey 28 jir iyo wiil yar oo afar jir ah ayaa maydkooda laga helay guri kuyaal gobolka Suffolk ee dalka Ingiriiska. Qof dadweynaha ka mid ah ayaa soo gudbiyey warka ku saabsan maydadka oo ku jiray dhisme kuyaal Park Avenue, ee magaalada Newmarket. Qof goob jooge ahaa ayaa wargayska Newmarket u sheegay in haweenaydu ay guriga kasoo baxday ayadoo ooyaysa. Dambi baareyaasha ayaa baadhaya wixii dhaliyey dhimashadaas.

,Lahaanshaha sawirkaAFP Image caption,


Booliiska ayaa codsaday in ciddii wax xog ah ka haysa goobtaas ay lasoo xidhiidhaan.

Afhayeen u hadlay booliiska Suffolk ayaa sheegay in aanay jirin cid ay ku raad joogaan oo ay la xiriirinayaan geerida dadkaas.

,Lahaanshaha sawirkaTERRY HARRIS Image caption,

Mid kamid ah dadka dariska ah, oo kunool meel aan sidaas uga fogayn goobta maydadka laga helay, ayaa yidhi: "Guriga ayaan imid abbaaro 20:00 fiidnimo saacadda Ingiriiska, boliiska ayaana xilligaas meel walba ku sugnaa".

"Habeenkii oo dhan halkan ayay joogeen, dambi baareyaal ayaana halkaan kusoo noqnoqonayey".

,Lahaanshaha sawirkaTERRY HARRIS
Image caption,

Waxa uu sheegay in uu haweenaydaas dusha uun uu ka yaqaannnay balse uu la hadlay hal mar oo kaliya.

Lammaane kale oo kunool xaafadda Park Avenue, ayaa sheegay in ay arkayeen wiilka oo ku ciyaaraya barxadda gawaarida la dhigto oo halkaas ka dhawayd.

"Guryo badan oo kiro ah ayaa kuyaal xaafaddan, sidaas darteed dadku way yimaadaan wayna baxaan," ayay yiraahdeen.

Nin waayeel ah oo halkaas daggan ayaa intaas raaciyey " 60 sano ayaan halkaan dagganaa xaafaddana waxa ay ahayd mid aad u daggan oo wax dhib ah aanu ka jirin.

"Waa wax aad looga naxo, waa musiibo."

Booliiska ayaa xiray jidka xaafaddaas dhex mara.

,
Image caption



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip