Sudan: Wadahadallo lagu sheegay kuwo togan oo mucaaradka iyo milatarigu yeesheen

0
Sunday April 28, 2019 - 09:25:34 in Wararka by
  • Visits: 245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sudan: Wadahadallo lagu sheegay kuwo togan oo mucaaradka iyo milatarigu yeesheen

    Wadahadallo lagu tilmaamay kuwo "togan" ayey wakiillo ka socday kooxaha mucaaradka ah ee waawayni la yeesheen golaha ku meel gaadhka ah ee milatariga Sudan. Madani Cabbaas oo ka mid ah gudida wadaxaajoodka u qaabilsan isbahaysiga Baaqa X

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadahadallo lagu tilmaamay kuwo "togan" ayey wakiillo ka socday kooxaha mucaaradka ah ee waawayni la yeesheen golaha ku meel gaadhka ah ee milatariga Sudan. Madani Cabbaas oo ka mid ah gudida wadaxaajoodka u qaabilsan isbahaysiga Baaqa Xorriyada iyo Isbedelka ee mucaaradka ah ayaa BBC-da u sheegay in wadahadalladii lagu doonayey in lagu dhiso gole rayid ah oo dalka hogaamiya laga gaadhay "wax la taaban karo".

.Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES

Sudan: Xubno dowladdii hore ka tirsanaa oo xabsiga loo taxaabay

Waa kuma madaxweynaha Sudan ee la afgambiyay?

Waxaanu carrabka ku dhuftay in ay labada dhinac ba ka muuqatay in ay u heellanyihiin "rabitaanka shacabka", waxaanu intaa ku daray in arinta loo badanyahay tahay in la dhiso gole dalka hogaamiyaha oo labada dhan ku midaysanyihiin.

Waxaanu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in kulankii koobaad ee labada dhinac yeesheen Sabtidii ahaa mid "togan".

Waxa sidoo kale la filayaa in wareegga labaad ee wadahadalladaa uu ka soo baxo qaraar lagu shaacin doono cidda ka mid noqon doonta golahaa la dhisi doono oo la filayo in ay ka mid noqon doonaan xubno milateri iyo rayid isugu jiraa.

Saadiq Al-MahdiLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Image captionSaadiq Al-Mahdi

Dhanka kalena hogaamiyahay xisbiga mucaaradka ah ee Al-Ummah, Saadiq al-Mahdi, ayaa ku baaqay in golaha milatariga lagula dhaqmo si aan "caadifad lahayn".

Waxaanu shir jaraa'id oo uu qabtay ka sheegay in milatarigu u hiiliyey shacabka oo aanu "af-gembi dhigin", waxaanu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in ay ma huraan tahay in si sharciga waafaqsan maxkamad loo soo taago xubnihii rukunnada u ahaa xukuumaddii hore.

Waxa kale oo uu ka digay "inqilaab ay maleegayaan nidaamkii hore" in kasta oo aanu faahfaahin. Al-Mahdi waxa kaloo uu ku baaqay in la sameeyo qodobo dastuuri ah oo ay ku wada shaqeeyaan golaha milatariga ah iyo ururada rayidka ahi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip