Dhageyso:-Madaxweyne Saciid Deni Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dowladda Federaalka

0
Sunday April 28, 2019 - 09:20:07 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:-Madaxweyne Saciid Deni Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Dowladda Federaalka

    Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhaliil u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya,kadib markii xalay uu shir Jaraa'id uu uga hadlayay Safarkisii uu ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka ku qabtay Magaalada Garoowe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhaliil u jeediyay dowladda Federaalka Soomaaliya,kadib markii xalay uu shir Jaraa'id uu uga hadlayay Safarkisii uu ku tegey dalka Isutagga Imaaraadka ku qabtay Magaalada Garoowe.

 

Waxaa uu sheegay Madaxweyne Deni in Puntland ay welwel ka qabto habka wadashaqeynta dowladda federaalka iyo dalka sida loo maamulayo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Deni in Puntland Khataraha ugu badan dareemayso ay kamid tahay in nidaamkii lagu heshiiyay iyo dastuurkii lagu heshiiyey la gacan bidixaynaayo,isla markaana wadadii loo baahnaa uusan ku socon,isagoona xusay inay arrimahaas ay uga muuqato khatar abuuri karta in siyaasada dalka ay gaarto meel xun.



Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa dowladda ku eedeeyay inay ku fashilantay amniga Muqdisho gaar ahaana uu culeys badan ka saaran yahay dhinaca wadada maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.Isaga uu sii hadlaayay ayuu sheegay Saciid Deni in Puntland iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay garowsan yihiin marxalada dalka haatan uu marayo,isla markaana aan la gaarin meeshii ugu sareeysay ee loo baahnaa in lagu maamulo.

 

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne Deni.

Audio Player

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip