Shaqaalaha Isbitaalka Martiini oo eedeyn u jeediyay Wasiirka Caafimaadka

0
Saturday April 27, 2019 - 23:55:26 in Wararka by
  • Visits: 204
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha Isbitaalka Martiini oo eedeyn u jeediyay Wasiirka Caafimaadka

    Shaqaalaha Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay Banaanbax ay kaga cabanayaan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, sida ay sheegeen Dhaqaatiirta Isbitaalka ka shaqeynaysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta dhigay Banaanbax ay kaga cabanayaan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliya, sida ay sheegeen Dhaqaatiirta Isbitaalka ka shaqeynaysay.

Dhaqaatiirta oo gacmaha ku wata warqado ay soo daabaceen oo cabasho ah ayaa waxa ay ku sheegeen inay ka xun yihiin hab dhaqanka ay kula dhaqantay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliya.

C/laahi C/raxmaan Ibraahin oo ka mid ah Shaqaalaha Isbitaalka Martiini ayaa sheegay Cadaalad daro lagula dhaqaaqay awgeed in shaqadii looga soo saaray.

Waxa ay sheegeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Somaliya inay Isbitaalka keensatay Shaqsiyaad gaar ah oo oo Shaqaalihii kale laga wada ceyriyay shaqada.

"Hab Diyaasbareen ah ayaa meesha ka dhacday ninba ninkuu yaqaanay ayaa la keenay iyadoo ay joogaan Dhaqaatiirtii iyo Shaqaalihii, maalin waliba dad ayaa lala kacaayay oo kuwa cusub ayaa la keenaayay, markaan dhahnay maxaa jirana waxaa naloogu jawaabay dowladda idinma aqoonsano, waxaa si gaar ah noo taabatay Dhaqtar Wasiirka ku hayb ah inuu dadkii kala sooco.” Ayuu yiri Dr C/laahi C/raxmaan.

Sidoo kale dhaqaatiirta ayaa waxa ay ka codsadeen Dowladda Federalka Somaliya arrintaan si deg deg ah wax uga qabato oo aysan fiirsan dhibaatada lagu haayo dhalinyarada Dhaqaatiirta ee dalka wax ku bartay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip