Ha fududeysan Warka Taliyaha Ciidanka Badda ee Itobiya!!!.

0
Saturday April 27, 2019 - 23:52:43 in Wararka by
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ha fududeysan Warka Taliyaha Ciidanka Badda ee Itobiya!!!.

    Taliyaha Ciidanka Badda ee Itobiya, Sareeye Guud (Admiral Guud) Birhaanu Julaa ayaa April 2019 yiri: ((Ma jiri karto Sabab aan bad la'aan u noqon karno hadda)). Waxaan nahay ummad 100 Million oo Shacaba leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Badda ee Itobiya, Sareeye Guud (Admiral Guud) Birhaanu Julaa ayaa April 2019 yiri: ((Ma jiri karto Sabab aan bad la'aan u noqon karno hadda)). Waxaan nahay ummad 100 Million oo Shacaba leh.

Itobiya hadda Bad male, waxa dhinaca Badda Ka xiga Eriteriya, Jabuuti iyo Somaliya. Eriteriya iyo Jabuuti in bad laga qaato hadda ma fududo.

Itobiya waxa ey dhisatay ciidan Bad oo qalab casri ah leh, waxa ey dhisatay Machad lagu barto culuunta badaha iyo kaluumeysiga oo 1000 Arday ey Sannadkii Ka Soo baxdo.

Admiralku ma dhihin, Deriska ayaan dekadahooda kula heshiinay, waxa uu yiri: Waa in bad aan leenahay aan helnaa.

Dunidu ma ahan sidii hore ee sharciyada caalamaga ah la wada dhowri jiray, hadda Dalal ayaa la dumiyaa, la qabsadaa, kadibna wixii la doono ayaa la sharciyeestaa.

Anniga cabsi ayaa i gashay, malaha Anigaa fulay ah, feejignaanto ma xuma ee ha fududeysan hadalka Admiral Ka, Ama dhaxdaada isku mashquul.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip