Dhalinyarro Oromiya iyo Canfarta ka kala yimid ayaa lagu soo dhaweeyay Jigjiga

0
Saturday April 27, 2019 - 23:29:45 in Wararka by
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarro Oromiya iyo Canfarta ka kala yimid ayaa lagu soo dhaweeyay Jigjiga

    Waxaa caasimadda Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga soo gaadhay dhalinyaro ka kala timid degaanada Oromiya iyo Canfarta, dhalinyaradan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga, soo dhawaynta ayaa waxaa ka qayb qaatay dhalinyarada degaanka So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa caasimadda Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga soo gaadhay dhalinyaro ka kala timid degaanada Oromiya iyo Canfarta, dhalinyaradan ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga, soo dhawaynta ayaa waxaa ka qayb qaatay dhalinyarada degaanka Soomaalida. Haddaba dhalinyartan degaanka timid ayaa socdaalkoodan ahaa mid Nabad galyo oo lagu midaynayo Soomaalida, Oromada iyo Canfarta, waxayna socdaalkoodani ugu magacdareen dhalinyartani Socdaalkii Nabadda iyo Midnimadda ee ilmo Kushitik, oo la isku yidhaahdo Soomaalida, Oromada iyo Canfarta.

Socdaalkan ay dhalinyartani degaanka ku timid ayaa la filayaa in uu wax badan ka badali doono xidhiidhka qowmiyadahan oo waayadii u dambaysay iska xumaa.

Dadka degaanka u dhashay ayaa siyaabo kala duwan u arka imaatinka dhalinyaradan Oromiya iyo Canfarta ka socda, iyagoo qaarkood ay soo dhawaynayaan oo ay leeyihiin waa tallaabo fiican oo horseedi karta in la isku soo dhawaado, halka kuwa kale ay leeyihiin Soomaalida waa la dagayaa waana damiir xumo in dadkii shalay laayay dadkeena hadana aynu soo dhawayno, waa hadalada la isla dhex marayo Jigjiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip