Madaxweynaha Tanzania Oo Cafis U Fidiyey Kumanaan Maxaabiis Ah

0
Saturday April 27, 2019 - 23:09:25 in Wararka by
  • Visits: 280
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Tanzania Oo Cafis U Fidiyey Kumanaan Maxaabiis Ah

    Madaxweynaha dalkaasi, John Magufuli waxa uu shalay cafis u fidiyey 3,520 Maxbuus, iyadoo uu dalkaasi u dabaal-degayo 55-guuradii ka soo wareegtay Madax-bannaanidii dalkaasi. Hadal-qoraal oo uu saxiixay Xoghayaha Joogtadda e Wasaaradda Arrimaha Guda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalkaasi, John Magufuli waxa uu shalay cafis u fidiyey 3,520 Maxbuus, iyadoo uu dalkaasi u dabaal-degayo 55-guuradii ka soo wareegtay Madax-bannaanidii dalkaasi. Hadal-qoraal oo uu saxiixay Xoghayaha Joogtadda e Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaaei, jeneral Jacob Kingu ayuu ku sheegay in sida ugu dhaqsaha badan loo sii dayn doono 722 Maxbuus, halka 2,808 kalena dhamaysan xoonaan xukunkooda. Waxa uu intaasi ku daray inay Maxaabiista la sii daayo gacan ka geysan doona daadlak Bulshadda ugu jirto dhismaha dalka iyo inay ka fogaan doonaan inay mar kale dembi galaan, kuna soo laabtaan Xabsiyadda.

 
Maxaabiista ka faa’ideysan doona Cafiskaasi waxaa ku jira kuwa xukunka uu ku dhacay ka hor bishii la soo dhafaay ee March 15-da iyo Maxaabiita la il-daran cudduradda khatarta ee ay ka mid ka yihiin Kansarka, Qaaxadda iyo Cuddur-sidaha HIV/AIDS-ka.

Sidoo kale, cafiskaasi waxaa ka faa’ideysan karaa Maxaabiista ay da’dooda ka sarreyso 70-sanno, haweenka uurka leh iyo kuwa ilmaha yaryar haysta iyo Maxaabiista ka xanuunsan dhimirka.

Maxaabiista aan ka faa’ideysan doonin Cafiskaasi waxaa ka mid ah kuwa dilka geysta, kuwa carruurta fara-xumeeyey iyo kuwa dilay, Tahriibinta Daroogada, Tcadaiyadda iyo kuwa lagu xukumay Xabsi Daa’im.

Si kastaba ha ahaatee, Cafiska uu Madaxweynaha dalka TZ, John Magufuli u fidiyey in ka badan 3,000 oo Maxbuus ayaa la sheegay inuu u cuiskaday Awoodiisa ku xusan Qoddobka 45-aad, farqadiisa 1-aad ee Dastuurka dalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip