Howlgal Lagu Soo Qabtay Burcad-Baddeed Laguna Sii Daayey La-Haystayaal

0
Saturday April 27, 2019 - 22:56:59 in Wararka by
  • Visits: 327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal Lagu Soo Qabtay Burcad-Baddeed Laguna Sii Daayey La-Haystayaal

    Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ka wadaan Xeebaha Somalia ee (Operation Atalanta) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhowr maalmood ka hor ku fashilmay inay qafaashaan Labo Dooni Kalluumeysi oo laga kala la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe ka wadaan Xeebaha Somalia ee (Operation Atalanta) ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Burcad-baddeed Soomaali ah oo dhowr maalmood ka hor ku fashilmay inay qafaashaan Labo Dooni Kalluumeysi oo laga kala lahaa dalalka Spain iyo Koonfurta Kuurya oo marayey meel 280 nautical miles ka baxsan Xeebaha Somalia ee Badweynta Hindiya. Hadal ka soo baxay Hawlgalka Atalanta ayaa lagu sheegay inay dabagal ku sameeyeen Burcad-baddeedaasi oo iyagu afduubka u adeegsaday Dooni ay Kalluumeysato Yemeniyiin lahaayeen. Shilka Burcad-baddeeda oo dhacay muddadii u dhexeysay bishan 21-dii iyo 23-dii April ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee ay Burcad-baddeedka ka geysteen meel ka baxsan Xeebaha Somalia tan iyo bishii October ee sannadkii hore.

 

Markab Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Badda ee EU-da ayaa la sheegay inay dabagal ku sameeyeen Doonida ay Burcad-baddeeda u adeegsadeen weerarkii fashilmay ee ay ku qafaalan lahaayeen labada dooni ee ka baxsaday.

Hawlgalkaasi waxay ciiddanka gacanta ku soo dhigeen 5 Burcad-baddeed Soomaali iyo doonidii ay wateen, oo ay ku haysteen 23 kalluumeysato u dhalatay dalka Yemeen.

Hawlgalka Operation Atalanta waxay sheegeen inay Kalluumeysatada Yemeniyiinta iyo doonidooda sii daayeen, balse, ay Burcad-baddeed ku hayaan mid ka mid ah Maraakiibta Dagaalka ee hawlgalka ka wada Xeebaha Somalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip