Faah Faahin:-Duqeyn Ka Dhacday Deegaano Ka Tirsan Gobolka Bari

0
Saturday April 27, 2019 - 22:43:30 in Wararka by
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:-Duqeyn Ka Dhacday Deegaano Ka Tirsan Gobolka Bari

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe shalay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Bari. Deegaanada la duqeyay ayaa waxaa kamid ahaa Timirshe iyo Cameeyra oo hoostaga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari,iyadoo hal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeyn diyaaradeed oo gelinkii dambe shalay ka dhacday deegaano ka tirsan Gobolka Bari. Deegaanada la duqeyay ayaa waxaa kamid ahaa Timirshe iyo Cameeyra oo hoostaga degmada Isku-shuban ee Gobolka Bari,iyadoo halkaasi ay Saldhig ku lahaayeen dagaalyahano ka tirsan Daacish,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

 
Sidoo kale waxaa la sheegay in dhowr Gantaal lagu dhuftay Ceel ay biyo ka dhaansanaayeen Dagaalamayaasha Daacish,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.


Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay tilmaameen in duqeyta lagu dilay xubno ka tirsan Daacish oo Caan ka ahaa deegaano ka tirsan Gobolka Bari.

Dadka deegaanka ayaa iyagana xusay inay maqlayeen Jug culus oo dhaceysa,isla markaana ay arkayeen qiiq iyo uuro cirka isku shareertay,hayeeshee ay soo wajahday Cabsi.

Deegaano ka tirsan Gobolka Bari ayaa waxaa Saldhigyo ku leh Dagaalamayaasha Al-shabaab iyo Daacish,waxaana halkaasi dhawaan duqeyn ka dhacday lagu dilay xubni sare oo ka tirsanaa Daacish.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip