Somalia Oo La Sheegay Inay Kamid Tahay Dalalka Ugu Khatarsan Ee Dadka Mareykanka Lagu Afduuban Karo

0
Saturday April 27, 2019 - 22:39:29 in Wararka by
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia Oo La Sheegay Inay Kamid Tahay Dalalka Ugu Khatarsan Ee Dadka Mareykanka Lagu Afduuban Karo

    Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa dib u soo cusbooneysiisay farriimaha Ammanaka ee dadka Mraaykanka ee dibedaha u safra, waxaana la soo bandhigay dalalka ugu khatarta badan Liiska 35-ka Waddan ee horey loo shaaciyey inay dadka Maraykanka halis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa dib u soo cusbooneysiisay farriimaha Ammanaka ee dadka Mraaykanka ee dibedaha u safra, waxaana la soo bandhigay dalalka ugu khatarta badan Liiska 35-ka Waddan ee horey loo shaaciyey inay dadka Maraykanka halis ugu jiraan in lagu afduubto, lagana qaato lacago madax-furasho ah. Bishan April 9-dii ayey Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ka digtay khatarta ay Muwaadiniinta Maraykanka kala kulmi karaan 35 Waddan oo ku baahsan Qaaradaha Adduunka.

 
Sida laga soo xigtay maanta Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka, waxay Xafiiska Arrimaha Qunsulliyadda waxay si dhow ula shaqeyn doonaan Xafiiska Ergayga Khaaska ee Madaxtooyadda ee Arrimaha La-haystayaasha iyo Wakaalladaha Mraaykanka waxay u shaqeyn doonaan badbaadinta dadka Maraykanka ee ku sugan dalalka ka baxsan Baddaha iyo in la hortego, lana xaliyo kiisaska Afduubka iyo in La-hayste laga dhigto.

Haddaba, qoraalka ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxa uu 4 heer u qeybiyey 35-ka waddan ee Muwaadiniinta lagu afduuban karo, waxayna Waaxda Arrimaha Dibedda ka digtay inaysan kaalmo ka geysan Karin deegaanadda ay khatarta sare ka jirto.

35-ka waddan ee dadka Maraykanka khatarta ugu jiraan in lagu qafaalan karo waxaa la sheegay inay ugu khatarsan yahay Waddamadda lagu xusay Heerarka 4-aad waaxayna kala yihiin Heerarkaasi sidatan:

Dalalka Heerka 4-aad ee ugu khatarsan waa:

Afghanistan

Central African Republic

Haiti

Iran

Iraq

Libya

Mali

Somalia

South Sudan

Syria

Venezuela

Yemen

Dalalka Heerka 3-aad ee Ka-feker booqashadooda:

 

Burkina Faso

Democratic Republic of the Congo

Lebanon

Niger

Nigeria

Pakistan

Sudan

Turkey

Dalalka Heerka 2-aad ee walaaca xooggan ka jiro waa:

Algeria

Bangladesh

Cameroon

Colombia

Ethiopia

Kenya

Mexico

Papua New Guinea

Philippines

Russia

Trinidad and Tobago

Uganda

Ukraine

Dalalka Heerka 2-aad ee uu Ammaanka caadiga ka jiro waa:

Angola

Malaysia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip