Madaxweyne Dani oo qaabilay Wafdi ka socda dowladda UK

0
Saturday April 27, 2019 - 22:31:55 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Dani oo qaabilay Wafdi ka socda dowladda UK

    Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender. Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka muhiim k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wafti balaadhan oo uu hogaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender. Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay safiirka dalka Ingiriiska ee Soomaaliya.

”Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqdey wafti uu hogaaminayo safiirka dalka UK oo ah dal saaxiib dhow la ah Soomaaliya, gaar ahaan Puntland, kana soo qayb-qaatay horumarka iyo dedaalada loogu jiro dib u kabashada Soomaaliya”.

"Mashaariic badan oo wax ku ool u ah Puntland ayay hirgeliyeen, qaarkoodna wadaan, waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maanta halkan ku yeelanay kulan, kaas oo aan uga hadalnay dhinacyada siyaasadda, Amniga iyo horumarinta intaba, waxay ahaayeen waxyaabo wax ku ool ah, dib u milicsiga waxyaabihii qabsoomay sidii loo anba qaadi lahaa marxaladda soo socota, waxay kamid ahaayeen arrimahaasi wixii aan kawada hadalnay”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Safiirka UK ee Soomaaliya Ambassador Ben Fender oo ka mahadnaqay soo dhoweynta heerkeedu sarayso ee uu kala kulmay Puntland ayaa sheegey in ay Madaxweynaha Puntland ka wada-hadleen siyaasadda guud ee Soomaaliya, mashaariicda UK ka fuliso Puntland, sida Caafimaadka, daweynta Xoolaha, hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga, isla markaana safiirka ayaa balan qaaday in UK ay kordhindoonto dhankeeda wada- shaqaynta labada dhinac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip