Muwaadin Soomaali Oo Laga Soo Masaafurin Lahaa Sweden Oo Dib Looga Laabtay

0
Saturday April 27, 2019 - 22:24:42 in Wararka by
  • Visits: 219
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaali Oo Laga Soo Masaafurin Lahaa Sweden Oo Dib Looga Laabtay

    Maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaasi ayaa laashay Go'aan lagu soo masaafurin lahaa Nin Soomaali oo lagu helay fal Kufsi ah, laguna xukumay Xabsi Hal sanno iyo 10-bilood. Hadal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inaysan ji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaasi ayaa laashay Go'aan lagu soo masaafurin lahaa Nin Soomaali oo lagu helay fal Kufsi ah, laguna xukumay Xabsi Hal sanno iyo 10-bilood. Hadal ka soo baxay Maxkamadda Sare ee dalkaasi ayaa lagu sheegay inaysan jirin sababo aan caadi ah oo khasbaysa in Ninkaasi la masaafuriyo marka uu dhamaysto Xukunkiisa.

 
Taasi bedelkeeda, waxay Maxkamadda Sare u kordhisay Eedeysanaha Soomaaliga xukunkii horey loogu xukumay oo ahaa hal sanno iyo 710 bilood, waxaana Xukunkiisa la gaarsiiyey xabsi dhan 2 sanno iyo 2 bilood.

Maxkamaddu waxay kaloo Eedeysanaha ku xukuntay inuu bixiyo kharaj lagu sheegay khasaaraha soo gaaray haweeneyda Dhibanaha oo lagu qiimeeyey 115,000 oo Lacagta Kroner-ka ee dalka Sweden, oo u dhiganta Dollar ahaan 12-kun iyo 70 Cent.

Balse, Haweeneyda dhibanaha ayaa waxay ka hor-timid xukunka Maxkamadda Sare ee dalkaasi, waxayna ku tilmaamtay Go’aan guud ahaan waali ah.

Mar sii horreysay, Labo Maxkamado Heer Hoose ayaa waxay horey ugu xukumeen Eedeysanaha oo oo 33-jir inay waajib tahay in la masaafuriyo marka uu dhamaysto Xabsiga uu ku muteystay Falka Kufsiga

Wargeyska The Local ee ka soo baxa dalka Sweden ayaa qoray in Ninka Soomaaliga markii ugu horreysay ay Maxkamadda Degmadda ee magaalladda Linköping xukun ku riday , kadib, markii lagu soo eedeeyey inuu Kufsaday Haweeney uusan aqoonin.

Eedeysanaha waxa uu qirtay Kiiska lagu soo oogay, iyadoo Haweeneyda Dhibanaha ahayd iyo Milkiilaha Dhismaha ku caddeeyeen inuu kufsaday Haweeneydaasi, waxaana Xeer-beegtida Maxkamadda loo soo bandhigay Caddaymo ku aadan Hiddo-sidaha Eedeysanaha ee (DNA)-da oo laga helay Haweeneyda uu kufsaday.

Sharciga dalka Sweden ayaa waxa uu dhigayaa in Dembiilayaasha lagu helo Dembiyadda Khatarta ah laga masaafurin doono Sweden, oo qeyb ka ah Ciqaabtodoa, haddii uusan Eedeysanuhu haysanin Muwaadinimadda Swedish-ka.

Sidoo kale, Sharciga Sweden waxa uu dhigayaa inay Maxkamaduhu helaan haddii ay jiraan sababo aan caadi ahayn ee lagu amrayo Masaafurinta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip