Kulamadda Siyaasadeed ee ka socda Nairobi oo xoogeystay

0
Saturday April 27, 2019 - 22:12:23 in Wararka by
  • Visits: 249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulamadda Siyaasadeed ee ka socda Nairobi oo xoogeystay

    Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa ka socday maalmihii ugu dambeeyay kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeeday dowladda dhexe ee Soomaaliya , islamarkaana ay waddeen Madaxda maamul goboleedyadda iyo Siyaasiyiinta qaar. Saacaddihii u

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa ka socday maalmihii ugu dambeeyay kulamo siyaasadeed oo looga soo horjeeday dowladda dhexe ee Soomaaliya , islamarkaana ay waddeen Madaxda maamul goboleedyadda iyo Siyaasiyiinta qaar. Saacaddihii ugu dambeeyay Magaalada Nairobi waxaa ka dhacay kulamo u dhaxeeyay Siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray, Madaxda maamul goboleedyadda iyo Beesha Caalamka.

Qaar ka mid ah Madaxda maamul goboleedyadda ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay kasoo horjeedda Nidaamka Federaalka oo beesha Caalamka ay ku bixisay dhaqaallo badan in uu dalka ka hirgalo.

Madaxda maamul goboleedyadda Galmudug, Puntland iyo Jubbaland ayaa Nairobi ku qabtay Kulamadii ugu ballaaran ee ay la qaataan xubnaha taageera Soomaaliya, waxaana qaarkood ay sheegeen in dhaqaallaha loogu tala galay Soomaaliya uusan soo gaarin bilooyinkii ugu dambeeyay.

Caddaadis ballaaran ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ay kala kulmeysa kulmado ka socdo Nairobi xilli horay Siyaasiyiin ku shiray Nairobi ay u sheegeen in dowladda Soomaaliya ee hadda jirtaa ay ku fashilantay Sugitaanka Amniga dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip