Duqa Muqdisho Oo Amar Siiyay Maamulka Wadajir

0
Saturday April 27, 2019 - 21:45:58 in Wararka by
  • Visits: 221
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Muqdisho Oo Amar Siiyay Maamulka Wadajir

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada Degmada Wadajir ayaa sheegay in uu socdo qorshe dhammeystiran oo lagu sii xoojinayo amniga caasimadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo goob fagaare ah kula hadlay bulshada Degmada Wadajir ayaa sheegay in uu socdo qorshe dhammeystiran oo lagu sii xoojinayo amniga caasimadda.

Guddoomiyaha ayaa bogaadiyey hawlgallada joogtada ah ee habeen iyo maalin ay ku guda jiraan geesiyaasha Soomaaliyeed ee sugaya amniga Caasimadda, isagoona adkeeyey muhiimadda ay leedahay doorka ay ka qaadanayaan shacabku sugidda amniga iyo ka hortagga falalka gurracan ee argagixisadu ay u maleegayaan muwaadiniinta.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay bulshada Degmada Wadajir in ay u istaagaan dardar gelinta is-dhexgalka bulshada, deriseynta, nabadeynta iyo horumarka Caasimada Muqdisho,iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir uu xoogga saarayo awood siinta shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa faray Maamulka Cusub ee dhowaan loo soo magacaabay Degmada Wadajir kor u qaadidda bilicda degmada, xaqiijinta qorsheyaasha horumarineed iyo ilaalinta fayo dhowrka.

"Maadaama Degmadu yeelatay Maamul cusub waxaan filayaa in howlihii socday la sii dardargeliyo, gaar ahaan isdhexgalka bulshada, Deriseynta, nabadeynta iyo horumarka Caasimadaā€¯.



Duqa Muqdisho ayaa xusay in 15kii bilood ee la soo dhaafay lagu guuleystay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka, iyadoo la hirgeliyay barnaamijka dariseynta oo qeyb muhiim ah ka qaatay isku xirka shacabka iyo Maamulka, gaar ahaan fulinta adeegyada bulshada, amniga iyo dib-u-dhiska Caasimadda



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip