Hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo heshiis kala saxiixday

0
Friday April 26, 2019 - 08:13:37 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyeyaasha Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi oo heshiis kala saxiixday

    Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa ballan qaaday in ay yeelan doonaan xiriir dhaw, waxyar ka hor inta uusan furmin shir madaxeedki ugu horreeyay abid oo ay labada hoggaamiye yeeshaan. Shirkan aya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un iyo madaxweynaha Russia Vladimir Putin ayaa ballan qaaday in ay yeelan doonaan xiriir dhaw, waxyar ka hor inta uusan furmin shir madaxeedki ugu horreeyay abid oo ay labada hoggaamiye yeeshaan. Shirkan ayaa ka dhacaya magaala xeebeedka Vladivostok ee dhacda dhinaca bariga fog ee Russia.

Kim, oo baadi goob ugu jiro taageero maaliyadeed, kaddib cuna-qabateynta uu Mareykanka saaray, sidoo kalana wadahadallo dhanka niyukleerka ah kula jira Mareykanka, ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo xiriirka uu la sameysanayo Moscow.

Madaxweyne Putin ayaa isna dhankiisa sheegay in uu taageersan yahay xiriirka soo yara hagaagay ee Kuuriyada Waqooyi iyo Mareykanka, isla markaana uu rajeynayo inuu arko calaaqo wanaagsan oo dhexmara Pyongyang iyo Moscow.

Kulanka maanta ee dhaxmarayo madaxda Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa loo xushay inuu ka dhaco magaalada Vladivostok ee dalka Ruushak oo 200 km u jirta xadka Kuuriyada Waqooyi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip