Ingiriiska oo Ciidamo u tababaraya Soomaaliland

0
Friday April 26, 2019 - 07:50:43 in Wararka by
  • Visits: 277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ingiriiska oo Ciidamo u tababaraya Soomaaliland

    Kadib kulan Magalada Hargeysa ee deegaanada Soomaaliland ku dhexmaray Wafdi ka socday Taliska Ciidanka Ingiriiska ee fadhigoodu yahay Dalka Itoobiy & Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulkaas ayaa lagu go'aamiyey in Ingiriiska uu Ciidamo u taba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib kulan Magalada Hargeysa ee deegaanada Soomaaliland ku dhexmaray Wafdi ka socday Taliska Ciidanka Ingiriiska ee fadhigoodu yahay Dalka Itoobiy & Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulkaas ayaa lagu go'aamiyey in Ingiriiska uu Ciidamo u tababaro Soomaaliland.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Taliyaha Ciidanka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani & Taliyaha Ciidanka Ingiriiska ee saldhiggoodu yahay Itoobiya Matt Murno ayaa isku raacey in Soomaaliland loo tababaro Ciidamo sidoo kalena Shaqaalaha Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka caawiso tayeynta howlahooda.


Sidoo kale inta uu kulankooda socday ayaa waxaa ay labada dhinac ku heshiiyeen inay yeeshaan wadashaqeyn dhab ah taas oo dhexmarta Taliska Ciidanka Ingiriiska ee saldhiggoodu yahay Itoobiya iyo Soomaaliland.

Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay ka mid tahay dowladaha taageera Soomaaliland,isla markaana xiriirka wanaagsan uu kala dhaxeeyo,waxaana xusid mudan in dhowr jeer wafdi ka socda dalkaasi uu tegay Magalada Hargeysa, iyaga oo kulamo la qaatay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip