Xubno Ka Tirsanaa Golaha Milliteriga Ee Haya Talada Dalka Suudaan Oo Is-Casilay

0
Thursday April 25, 2019 - 09:21:32 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xubno Ka Tirsanaa Golaha Milliteriga Ee Haya Talada Dalka Suudaan Oo Is-Casilay

    Hadal ka soo baxay Golaha Milliteriga ee sida Ku-mel-gaarka u haya Talada dalkaasi ee TMC aya sheegay inay is-casileen 3 xubnood, kadib, markii ay Kooxaha Mucaaradka iyo Dibadbaxayaasha codsadeen in xilka laga qaado. Xubnaha is-casilay ayaan weli la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadal ka soo baxay Golaha Milliteriga ee sida Ku-mel-gaarka u haya Talada dalkaasi ee TMC aya sheegay inay is-casileen 3 xubnood, kadib, markii ay Kooxaha Mucaaradka iyo Dibadbaxayaasha codsadeen in xilka laga qaado. Xubnaha is-casilay ayaan weli laga aqbalin Is-casilaadooda, sida lagu sheegay hadal saqdii dhexe ee xalay ka soo baxay Golahaasi.

 
Warbahainta Dowladda suudaan waxay sheegeen inay is-casileen Jeneral Cumar Zaynul-caabidiin oo ahaa Madixii Guddiga Siyaasadda ee Golaha Milliteriga, Sarreeye Guuto Jalaaludiin Al-sheekh iyo Sarreeye Guuto Al-dayib Babakar Cali Fadiil.

Xubnaha is-casilay ayaa lagu eedeeyey inay aad ugu dhaawaayeen Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Cumar Xsaan Albashiir, isla markaana ay door ku lahaayeen dilkii tobaneeyo qof o oka mid ahaa Dibadbaxayaashii ka hor yimid Dowladdii hore.

Dhinaca kale, Golaha Milliteriga Suudaan ee TMC waxay Kooxda Mucaaradka ee Ururka Xirfadleyda Suudaan ku heshiiyeen in la dhiso Guddi Xaliya Khilaafkooda mabda’ ahaan ku aadan hannaanka Xilliga Kala-guurka iyo Dhismaha Dowladda Rayidka ee dalkaasi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip