Maamulka G/ Banaadir iyo saraakiisha Booliska oo ka shiray Ammaanka Muqdisho

0
Thursday April 25, 2019 - 09:11:46 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka G/ Banaadir iyo saraakiisha Booliska oo ka shiray Ammaanka Muqdisho

    Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir ayaa amray laamaha Dawladda Hoose in ay dardar geliyaan hawllaha Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda maadama la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eg.Yarisow) oo guddoomiyey Shirka Tubta Gobolka Banaadir ayaa amray laamaha Dawladda Hoose in ay dardar geliyaan hawllaha Nadaafadda iyo Bilicda Caasimadda maadama la galay xilli roobaadkii. Eng.Yariisow ayaa ugu baaqay bulshada Caasimadda, gaar ahaan mulkiileyaasha goobaha ganacsiga in ay la shaqeeyaan hawla wadeennada Dawladda Hoose ee habeen iyo maalin u taagan ilaalinta bilicda iyo fayo dhawrka bulshada.


Sidoo kale, Shirka Tubta Gobolka waxaa lagu soo bandhigay dib u eegsita Xeerka Maareynta Qashinka, Looxa hawllaha Halbeegyada Tubta, Dhammeystirka Qalabka Electronic-ga ah ee Gobolka iyo wada shaqeynta Maamullada heer Degmo iyo Laamaha Ammaanka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la xoojinayo isla xisaabtanka dhammaan qeybaha Maamulka, isagoo ugu baaqay in si dhow loola shaqeeyo Hay’adaha ammaanka ee ku howllan ka hortagga falalka argagixisadu u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa isla meel dhigay dardar gelinta ka qeyb qaadashada barnaamijka Isxilqaan ee dalka lagu dhisayo, iyagoona uga mahadceliyey qeybaha bulshada doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dib-u-dhiska, dayactirka iyo biliceynta Gobolka.

Madaxda Heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si dhaw u falaanqeyey miro-dhalka Barnaamijyada muhiimka u ah Adeegyada Asaasiga Bulshada ee laga hirgelinayo Gobolka Banaadir, caqabadaha jira iyo sidii loo sidii loo dardargelin lahaa.

Maamulka gobolka banaadir ayaa wada dhaqdhaqaaqyo ku aadan soo celinta bilicda casmiadda muqdiso iyadoo ammarro badan uu ka soo saaray guddoomiyaha gobolka in meelo badan oo dan guud ah in la banneeyo si hey'adihii ka howlgeli jiray ay dib u dayactirtaan , waxaana shalay uu ammar ka soo saaray in muddo gaan looga guuro dugsiga isgaarsiinta ee degmada shibbis ku yaal in laga guuro taasoo ay soo dalbatay wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta si looga howlgalo soo saarista aqoonyahanno dhinaca ticnoloojiyada 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip