Sheekh Shariif oo ku soo wajahan Muqdisho iyo diyaar garow lagu soo dhoweynayo oo socda

0
Thursday April 25, 2019 - 09:08:09 in Wararka by
  • Visits: 278
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Shariif oo ku soo wajahan Muqdisho iyo diyaar garow lagu soo dhoweynayo oo socda

    Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Magalada Muqdisho uu dib ugu soo laabto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahana Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo waayadaan ku maqnaa dalka dibadiisa. Magalada Muqdisho degmooyi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in Magalada Muqdisho uu dib ugu soo laabto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahana Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo waayadaan ku maqnaa dalka dibadiisa. Magalada Muqdisho degmooyinkeeda kala duwna ayaa maalmahaan waxaa laga dareemayey imaanshaha Sheekh Shariif,waxaana soo dhaweyntiisa u diyaar garoobay Xildhibaano ka tirsan Xisbigiisa iyo Siyaasiyiin miisan culus ku leh Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in u jeedka safarkiisa Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas oo ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahana Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah siyaasi aan siweyn uga hadlin tan iyo markii uu xilka baneeyey sidoo kalena looga adkaaday doorashadii Sanadkii 2017 ka dhacday muqdisho ayaa haatan wada ol olihiisa doorashada soo socota.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip