SAWIRO:-Xal laga gaaray dagaal beeleed ka jiray Gobolka Shabeellaha Hoose

0
Thursday April 25, 2019 - 09:04:31 in Wararka by
  • Visits: 229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRO:-Xal laga gaaray dagaal beeleed ka jiray Gobolka Shabeellaha Hoose

    Xildhibaano Odayayaal dhaqameed iyo mas'u uliyiin kale ayaa ku baxay dagaal beeleed dhawaanahaan ka tjiray degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ay wada dagaalameen Beelo ku sugan degmadaas. Ugaas C/raxmaan ugaas Cabdulk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaano Odayayaal dhaqameed iyo mas'u uliyiin kale ayaa ku baxay dagaal beeleed dhawaanahaan ka tjiray degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose, kadib markii ay wada dagaalameen Beelo ku sugan degmadaas. Ugaas C/raxmaan ugaas Cabdulkaahi, Senator Naciima Ibraahim Yuusuf,Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow iyo saraakiil ciidan ayaa tegay degmada Walaweyn, iyaga oo kulamo la qaatay Odayaasha beelaha halkaasi ku dagaalamay,waxaana ugu dambeyn ay kala dhex dhigeen heshiis.

Xildhibaannada iyo Odayasha Dhaqanka ayaa waxaa heshiisiinta beelaha gacan ka siiyey Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxana mid ka mid ah Odayaasha Dhaqanka uu sheegay in xal buuxa laga gaaray colaadii labada beelood.

Dagaalka ka dhacay degmada Walaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka bilaawday bar koontorool oo ku taalla Galbeedka degmadaas,waxaana dagaalka uu sababay dhimashada 7 Ruux oo laba dhinac ah,iyad aoo sidoo kale ay jirtay dilal gooni gooni ah oo la isku geystay, hayeeshee markii dambe xal laga gaaray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip