HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 25-KA ABRIIL 2019-KA

0
Thursday April 25, 2019 - 08:57:55 in Wararka by
  • Visits: 503
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 25-KA ABRIIL 2019-KA

    SHEEKH SHARIIF OO KU SOO WAJAHAN MUQDISHO IYO DIYAAR GAROW LAGU SOO DHOWEYNAYO OO SOCDA Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaain Magalada Muqdisho uu dib ugu soo laabto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahana Hoggaamiy aha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SHEEKH SHARIIF OO KU SOO WAJAHAN MUQDISHO IYO DIYAAR GAROW LAGU SOO DHOWEYNAYO OO SOCDA Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaain Magalada Muqdisho uu dib ugu soo laabto Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahana Hoggaamiy aha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo waayadaan ku maqnaa dalka dibadiisa

 

 

shariif-696x696

Magalada Muqdisho degmooyinkeeda kala duwna ayaa maalmahaan waxaa laga dareemayey imaanshaha Sheekh Shariif,waxaana soo dhaweyntiisa u diyaar garoobay Xildhibaano ka tirsan Xisbigiisa iyo Siyaasiyiin miisan culus ku leh Soomaaliya.

Warraka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in u jeedka safarkiisa Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas oo ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee ka jira dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahana Hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah siyaasi aan siweyn uga hadlin tan iyo markii uu xilka baneeyey sidoo kalena looga adkaaday doorashadii Sanadkii 2017 ka dhacday muqdisho ayaa haatan wada ol olihiisa doorashada soo socota.

DR.CABDI QAASIM SALAAD XASAN OO FARRIIN U DIREY SIYAASIYIINTA MUCAARAD KA

CABDI QAASIN SALAAD XASANMadaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay dhibaatooyinka amnid arro ee ka jira M/Muqd isho, isaga oo sidoo ka le baaq u diray Siya asiyiinta mu caarad ka ku ah dowladda Sooma aliya.

Cabdiqaasim Salad Xa san ayaa muujiyey sida uu uga xunyahay in Soomaaliya wali kusii jirto dhibaato, waxaana uu ka codsaday Siyaasiinta Soomaaliyeed in danahooda gaarka ah ay ka hor mariyaan danta guud ee dalka.

Madaxweyinihii hore Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay Shacabka Soo maaliyeed inay garab istaageen dowlado oda, isagoo mar uu ka hadlayey dhibatoo yinka amnidarro ee jira ayuu ku tilmaam ay mid caqabad ku ah hormar iyo amniga Soomaaliya ka hana qaaday

PUNTLAND OO AMARTAY HIRGELINTA IYO FULINTA XEERKA KUFSIGA

Madaxweyne Kuxigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynha Md. Axm ed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray Hi rgelinta iyo fulinta xeerka kofsiga, iyada oo la tixraacayo go’aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee Khamiistii oo taariikhdu ahayd April, 17, 2019.

Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maaraynti isa ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Cadaaladda, Caafimaadka, Taliyaha Cii danka Booliska Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland, Taliyaha Ciidanka Da nbi Baarista, Guddoomiyaha Guddiga Xu uqda Aadanaha iyo Guddiga Sare ee Gar soorka.

Sidoo kale Madaxweyne Kuxigeen ka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37aad ee lagu aasaasay Guddiga gaarka ah ee fullinta iyo Maraynta arrimaha la xiri ira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharc iga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Amni ga iyo Arrimaha Gudaha.

Ugu dambeyntii Guddigan uu magaca abay Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad da Puntland, Ahna kusimaha Madaxwe ynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Kar aash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobada hoos ku qoron

Hubinta iyo dabagalka fullinta xukuma da kufsiga, Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga, Baarista haddii ay jiraan waxyeelo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqno qoshada ficilka kufsiga ee dilku la socdo,

Dib u eegista iyo ka talo bixinta awooda ha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga.

Tallaabadaan ayaa kusoo maadeysa xilli ay jiraan dad loo qabqabtay falal la xir iira kufsi kuwaas oo ay baaris ku hayaan laamaha amniga Puntland halka qaarko od horay xukun loogu riday.

AKHRISO:HALKA AY KU DAMBEEYAAN QOYSKA CAA’ISHA ILYAAS OO LA SHEEGAY INAY KA GUUREEN GAALKACYO

Saacadihii las oo dhaafay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayey,sidoo kalena lagu daabacayey in qoyska Caa isho ilyaas oo aheyd Gabar lagu kufsaday laguna dilay Gaalkacyo ay u guureen de egaano ka tirsan dowlad deegaanka Soo maalida itoobiya.

Hayeeshee Aabaha dhalay Caaisho ilyaas oo la hadlay Warbaahinada qaar ee ka howlgalla deegaanada Puntland ay aa beeniyey warkaas,waxaana uu sheeg ay in uu ku sugan yahay Garoowe,isla ma rkaana Qoyskiisa ay safar u aadeen deg mada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Aabbaha dhalay Caaisho Ilyaas ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Puntla nd Siciid Cabdu llaahi deni,waxaana isaga oo la hadlayey Idaacadda Voada uu sheegay in uu shaki ka qabo in uu cada alad u helo falkii loo geystay Gabadhiisa.

QAXOOTIGA KU XIRAN LIIBIYA OO SHEEG AY IN SI AAN KALA SOOC LAHAYN AY U DHAAWACEEN…

Qaxooti iyo Muhaajiriin ku go’doons an Xero dadka lagu hayo ee Aagga hore ee Dagaalka ee caasimadda dalka Libya ee Tripoli ayaa la sheegay in Dorraad si aan kala sooc lahayn loo toogtay.

Ciiddanka u daacadda ah Jeneral Khaliifa Xaftar ayaa la sheegay inay geysteen we erarkaasi, iyadoo ugu yaraan 10 qof oo Qaxooti ah si xun loogu dhaawacay Xar unta dadka lagu hayo ee Qasri Bin Qa shiir oo 25 KM dhanka Koonfur kaga toos an magaalladda Tripoli.

Qaxooti u dhashay Eritrea oo Telef ishinka Aljazeera kula xiriiray Shabakad da Whats appka ayaa sheegay inay Cii dd anka Khaliifa Xaftar si toos ah u tooga nayaan Qaxootiga ku xiran Xaruntaas.

Ninkaasi waxa uu sheegay inay u bahaan yihiin Daaweyn, maadaama tiro badan oo Qaxooti ah lagu dhaawacay Toogasha daasi.

Qaxootiga iyo Muhaajiriinta ku go’doo nsa naa Xarunta dadka lagu hayo ee Qas ri Bin Qashiir waxay horey ugu gacansay reen in loo wareejiyo Xarunta lagu hayo Qaxootiga ee ku taalla Degmadda Zintan oo 170KM dhanka K/Galbeed ka ga too san magaalladda Tripoli.

Qaxootigaasi waxy kaloo Aljazeera TV u sheegeen in Dagalayahano ka tirs an kuwa Khaliifa Xaftar ay si xun u garaa ceen 2 ka mid ah Qaxootiga oo doonay say inay ka tagaan Xaruuntaasi, si ay u soo helaan biyo nadiif ah.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay in ay in ka badan 100 haween iyo kudha waad 50 carruur ka mid yihiin 728 Qaxo otiga iyo Muhaajiriinta ee ku xiran Xarunta dadka lagu hayo ee Qasri Bin Qashiir ee dalka Libiya.

Ilaa 6kun oo Qaxooti iyo Muhaajiriin ay aa haatan ku xiran Xarumaha dadka lagu hayo ee ay maa mulaan Waaxda Dowlad da Libiya ugu qaabilsan Kahortagga Muh aajiriinta sharcidarradda ku jooga dalk aasi.

Hay’adda UNHCR waxay sheegtay in ka badan 2,700 ka mid ah Qaxootigaasi ku xiran yihiin Deegaanadda ay ka socda an dagaalka u dhexeeya Ciiddanka Dow ladda Libiya ee ay QM aqoonsan tahay iyo kuwa u daacadda ah Khaliifa Xaftar.

MADAXWEYNE KUXIGEENKA PUNTLAND OO LA KULMAY SAFIIRKA YAMAN EE SOMALIA

Madaxweyne kuxigeenka Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axm ed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qas riga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti ballaaran oo uu hog aaminayo safiirka dalka Yaman ee Soo maaliya Ambassador Fahad Ali Ahmed AlHinaq.

Weftiga Safiirka ayaa waxaa qayb ka ahaa kusimaha Wasiirka Arrimaha Gu daha dalka Yaman Mudane Caarif Maxa med Cali, waxaana kulanka uu Madaxw eynuhu la qaatay weftigani ku wehelina ayey Wasiir Kuxigeennada iyo Agaasima ha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gud aha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha iyo Aga asime Kuxigeeka MadaxtoyadaPuntl and

Dhankiisa safiirka dalka Yaman ee Soom aaliya Ambassador Fahad Ali Ahmed AlHinaq ayaa ka mahadnaqay qaabillaadda wanaagsan ee uu kala kulmay Madaxda Puntland, isaga iyo waftiga ballaadhan ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi, waxaana uu Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ku ammaanay sida ay ugu gurmadeen walaalahood reer Yaman ee dhibaatada ballaaran ay soo wajah aday markii dalkoodu uu galay dagaal ada sokeeye.

Safiirku waxaa uu hoosta ka xariiqay in Puntland ay u fidisay gurmad iyo dib u dejin walaalahooda Yaman, waxaana uu sheegay in Yaman ay tahay garabka Soo maaliya, Soomaaliyana ay tahay Garabka Yaman.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO LAGU SOO DHAWEEYEY DALKA ERITREA

Madaxweynaha JS Md.Maxamed C/hi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo aya a Shalay booqasho aan horay loo sii sha acin waxa ay ku tegeem Magalada Asm ara ee Caasimadda dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa maalmahaan ku sugnaa M/Qaahira ee dalka Masar, halka as oo uu kaga qeyb galay Shir Madaxeed looga hadlayey Xaalaadda Dalka Suuda an, hayeeshee booqasho kedis ah uu ku tegay Eritrea,waxana dalkaasi kusoo dha weeyey Madaxweyne Isias Afewerki.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo oo ay wehlinayaan Xubno uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/hi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha dalkaas Isi as Afewerki.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tira ka dhowr jeer tegay M/Asmara ee Caasimad da dalka Eritrea,, iyada oo uu goobjoog ka ahaa heshiis 3geesood ahaa oo ay wa da yeesheen dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea.

DUQA MUQDISHO OO AMRAY IN LA BANNE EYO MACHADKA BOOSTADA & ISGAARSIINTA

Duqa Muqdisho ahna G/G/Banaadir Md.Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (En g. Yarisow) ayaa Shalay amray in muddo labo asbuuc ah lagu banneeyo Machadka Boostada iyo Isgaarsiinta oo ku yaalla degmada Shibis, si dib loogu dhiso, loog una adeeggo bulshada Soomaal iyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in horey digniino loogu diray dad ka dagan xarunta Machadka, iyadoo la farayo in muddada labada todobaad ah ee loo qabtay lagu banneeyo, maadaama ay Wasaaradda Boostadu u baahan tah ay, looguna shaqeynayo Qaranka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la ga aray waqtigii horumarinta bilicda Caasi madda, bulshadana looga baahan yahay in ay qaataan doorkooda ku aaddan dibudhiska dalka, isagoo xusay in xaruntan ay soo saari jirtay aqoonyahanada Isgaar siinta Soomaaliyeed, xiligan oo dalku dib u soo kabanayana ay lagama maarmaan tahay in dib loo dhiso goobihii xirfadaha kala duwan lagu baran jiray.

"Soomaaliya Shalay waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii barisamaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran dibudhiska xarumaha danta guud, si bul shada loogu adeego, qofna loogu dulqa adan doono in goobihii danta guud uu de egaan gaar u ah ka dhigto”. G/G/Ban aadir oo weheliyo W/Boostada iyo Isgaar siinta ayaa kormeeray xarunta Machadka, wax ana ay sheegeen in dhowaan dib loo dhis ayo xarunta.

HAWEEN KANADIYAAN OO KU XIRNAA HARGEYSA OO LA SII DAAAYEY

Labo haween u dhashay dalka Kanad iyaan oo lagu kala magacaabo Maymuun Cabdi oo 28jir iyo Kariima Watt oo 23jir ah ayaa laga sii daaayey Saldhigga Bol iska ee Koodbuur ee magaalladda Harge ysa oo ay ku xirnaayeen.

Ilowareedyo ayaa sheegay in Hawe enkaasi oo xirnaa tan iyo bishii Janaayo ee sannadkan lagu guuleystay in laga sii daayo xabsiga, kadib, markii ay Dowl adda Kanada galaangal xooggan u gal een sidii loo sii dayn lahaa Haweenkaasi.

Maxkamadda Heerka Degmo ee magaal ada Hargeysa ayaa waxay horey Haween kaasi ku xukuntay min 2 bilood iyo bar oo Xabsi ah, kadib, markii lagu soo oogay inay Qamri cabeen.

Dhinaca kale, Dowladda Kanada wa xay Dorraad oo Talaado ahayd xaqiijisay in labadaas Haween la siii daayey, inkastoo aysan Dowladda Kanada aqoonsaynin Maamulka Somaliland ee sheegta inay ka go’een dalka Somalia

HAWEENEY SOOMAALI OO LAGU SOO OOG AY DILKA WIIL YAR OO AY AYEEYO U AHAYD

Foos Cabdi Xaashi oo 70jir ah ayaa wax aa Jimcihii la soo dhaafay la soo taa gay Maxkamad ku taalla magaalladda San Jose ee Gobalka California ee dalka Maraykanka, iyadoo lagu soo eedeeyey dilkii wiil 3 jir oo ay Ayeeyo u ahayd, waa sida hadalka loo dhigay.

Boliska Degmadda Milpitas ee isla Gobalka California waxay sheegeen inuu falkaasi dhacay maalintii Isniinta ee isb uucii hore, kadib, markii laga so owacay Telefoonks 911, waxayna sheegeen inuu ilmaha yar hal saac kadib ku geeriyooday Isbitaal ku yaallaa Degmadda Milipitas oo ku taalla Koonfurta magaalladda San Faransiisko.

Gabar la dhalatay wiilka geeriyooday oo lagu magacaabi jirey Ayuub waxay u sheegtay Boliska inay daawanaysay mar kii ay Ayeeyada wiilka yar dhulka ku tuur tay. Ayeeyada waxay Boliska u sheegtay inuu wiilka yar hunqaacayey, kadibna uu geeriyooday, markii ay sarriirta seexisay, si uu u nasto.

Shabakadda Wararka ee AB7 News ay aa qortay in Foos Cabi Xaashi lagu soo oogay dilka ilmahaasi oo ah heerka 1aad ee faldembiyeedka dilka. Dacwadooge Luis Ramos waxa uu dhegeysiga Dacad aasi ee Jimcihii la soo dhafaay waxa uu tilmaamay in caddaymaha ay hayaan u muuqdaan inay Ayeeyada ka dambeysay geerida wiilka yar ee la oran jirey Ayuub, waa sida hadalka loo dhigay. Foos Cabdi Xaashi oo uu Turjumaan u fasirayey dac wadaha lagu soo oogay way ka gaabsa tay inay qirato eedeymaha loo haysto. Garsooraha waxa uu dib u dhigay dhege ysiga dacwadaasi oo dib loo qaadi oono bisha soo socota ee May 8da, waxayna muteysan kartaa Xabsi 25sanno, haddii lagu helo dilka wiilka yar ee ay Ayeeyada u ahayd.

DOWLADAHA ITOOBIYA IYO SHIINAHA OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY

Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiyi Axmed oo booqasho ku jooga dalka Shiinaha ay aa waxaa uu kulan miradhal ah la qaatay Madaxda Shirkadda Shidaalka ee dalka shiinaha. Kulanka labada masuul ayaa waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku kacaya 1.8 bilyan oo doolar, kas oo ku sa absan horumarinta bixinta tamarta koran tada iyo qaybinteeda.

Mashruucan ayaa waxaa uu awood u siin doonaa Dowladda Itoobiya ilaa 16 be eraha warshadaha; Addis Ababa ilaa Jid ka Tareenka 2aad iyo magaalooyinka ka la duwan ee dalka,sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa ballanqaa dey wadashaqeyn buuxda inay la yeel ato Shirkadda Shiinaha gaar ahaan in ay awood u yeelato maalgalinta tamarta.

Heshiiskaas waxaa Dowladda Itoobiya u saxiixay oo wafdiga Ra’iisul Wasaare Ab iy Axmed ka mid ah wasiirka Maaliya dda Itoobiya Axmed Shide.

MAREYKANKA OO SHURUUD ADAG KU XIRAY SUUDAAN

Xoghaye kuxigeenka Mareykanka ee Arrimaha Afrika ayaa ka dalbatay Millat eriga dalka Suudaan ina si deg deg ah xukunka ugu wareejiyaan Millateriga dad ka rayidka ah. Xoghaye kuxigeenka Mar eykanka ee Arrimaha Afrika Makila Jam es ayaa Suudan ku xirtay shuruud adag in laga saaro liiska dadka maalgeliya wa xa loogu yeeri argagaxisada ka s oo loo ga dhigay in Dadka rayidka ah xukunka la gu wareejiyey.

Sguruudaaan ayaa timid kadib markii Makila James ay kulan la qaadatay mada xa kumeel gaarka ah ee golaha sare ee militariga Suudaan, Janaraal Cabddel Fat aax Cabdulraxmaan Burhaan, kaas oo la gu dalbanayey in Mareykanka uu liiska dowladaha taageera Argagaxisada ka sa aro dowladda Suudaan.

Waxa ay sheegtay Afrika Makila James in taliyeyaasha militariga inay daacad yih iin isla markaasna ay si wanaagsan uga falceliyeen cosdiga shacabka reer Suud aan.Dorraad, Janaraal Burhaan waxaa uu xaq iijiyay in ciidammada aysan awood xadhdhaaf u adeegsan doonin dibadbxyl


QARAX LAGU WEERARAY GAARI UU LEEYAHAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BARI

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Shalay lala beegsaday Gaari uu lahaa Gudoomiyaha Gobolka Bari Ee Maamulka Puntland Yuusuf Ma xamed Waceys ( Dhedo) xilli uu marayey Bartamaha Magalada Boosaaso.

Gaariga oo ahaa nooca loo yaqaano Toyota Hilux ayaa qaraxa qabsaday xilli uu marayey agagaarka wadada Hotelka Jubba 1 ee Magalada Boosaaso,waxana ku dhaawacmay ilaa Afar askari oo ahaa ilaalada gudoomiyaha.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga magaa lada Boosaaso ayaa warbaahinta u shee gay in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso oo wadada la geliyey, isla markaana ay qaraxday.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in xilliga qaraxa uu dhacayay gudodomiyaha uusan saarneyn gaariga, hayeeshee askarta ku dhaawactay kaliya ay wateen.

Askarta ku dhaawacantay qaraxa ay aa waxaa la geeyey Isbitaalka weyn ee Magalada boosaaso si halkaasi loogu da weeyo,waxaana weli qaraxaasi ka hadlin laamaha amniga DGka Puntland.

MALEESHIYO MARAYKANKA GUDIHIISA UGU "TABABARANAYA KHAARAJINTA OBAMA

Larry Mitchell Hopkins (bidix) oo la hadlaya xubno kamid ah maleeshiyada

Nin la tuhunsan yahy inuu hogaamiyo ko ox maleeshiyo ah oo saldhigeedu ya hay gobolka Nex Mexico ee dalka Maray kanka ayaa la sheegay inuu ku faanay qorshe lagu khaarajinayo madaxweynihii hore, Barack Obama, sida ay shaacisay FBIda.

Larry Mitchell Hopkins oo 69 jir ah iyo kooxdiisa United Constitutional Patriots ayaa sidoo kale qorsheynayay inay barti lmaameedsadaan Hillary Clinton iyo maa lqabeenka George Soros, sida lagu she egay xog ay heshay hay'adaasi dembi ba arista.

Ma cadda goorta uu ninkaasi ku faa nay qorshaha, balse qareenkiisa ayaa be eniy ay eedeymahaasi. "Waxa uu shee gay in warkaasi been yah ay, oo aanu jirin qorshe noocaasi ah," ayuu yiri qareenkii sa Kelly O'Connell oo u warramay telefishinka NBC News.

Mr Hopkins ayaa Isniintii la soo taa gay maxkamad ku taal Las Cruces ee go bolka New Mexico, waxaana lagu eede eyay in isagoo dembiyo hore galay uu haddana hub iyo rasaas haystay.

Ninkaasi ayaa la qabtay Sabtidii, maa lmo kadib markii ay kooxdiisa soo jiidatay indhaha warbaahinta kadib markii ay qabteen muhaajiriin marayay saxaraha u dhow soohdinta uu Maraykanka la leey ahay Mexico..

Larry Mitchell Hopkins, oo 69 jir ah ayaa waxaa xiray FBIda Kooxda ayaa ku doo daysa inay ka caawinayso ciidamada ila alada xuduudaha ee Maraykanka wax ka qabashada muhaa jiriinta tirada badan ee dalkaasi kaga soo qulqulaya xuduuda koo nfureed, balse hay 'adaha xuquuqda aa danaha ayaa dhali ilay falalka ay kooxda kula kacday soogal ootiga.

FBIda oo markii ugu horreysay ka war heshay jiritaanka kooxda United Consti tutional Patriots sanadkii 2017, ayaa she egtay in xilligaasi ay ka koobnaayeen ilaa 20 xubnood oo ku hubaysan qoryaha AK47 iyo hub kale.

Balse qareen O'Connell ayaa su'aal geliyay sababta ay u qaadatay muddo la ba sano ah in dembi lagu soo oogo ninka uu u doodayo. Waxa uu intaa ku daray in FBIda ay sanadkii 2017 baaritaan ku sa maysay guriga Hopkin, balse ay halkaa ka heleen hub uu Mr Hopkin sheegay in ay leedahay xaaskiisa, sidaa awgeedna ay iska dhaafeen. Mr Hopkins ayaa waja haya ilaa toban sano ee xabsi ah iyo gan aax lacageed oo dhan 250,000 oo dollar, sida uu sheegay wargeyska Las Cruces SunNews.

GOOGLE 'OO KA AARGOOSANAYA SHAQAALE KA CABANAYAY TAKOOR LOO GEYSTO HAWEENKA'

Shaqaalaha ayaa ka baxay xafiiska Google ee London bishii November iya goo ka cabanaya qaabka haweenka loola dhaqmo Qabanqaabiyeyaashii shaqojoo jinno taxane ahaa oo looga cabanayay sida ay shirkadda Google ula dhaqanto haween ka ayaa sheegay inay shirkaddu siyaabo kala duwan uga aargoosanayso.

Bishii November, ilaa 20,000 oo shaq aale ah ayaa xafiisyada Google ee ay ka shaqeynayeen isaga tegay iyagoo dalban aya in isbeddello dhowr ah lagu sameeyo sida ay shirkaddu wax uga qabato eedey maha la xiriira tacaddiyada jinsiga.

Labo ka tirsan shaqaalihii ka dambee yay dibadbaxyada, ayaa ku eedeeyay Google inay ka aargoosatay dhowr ka tirs an qaba nqaabiyeyaasha.

Claire Stapleton, oo u doodda xuquuqda shaqaalaha ayaa sheegtay in laga qaa day xilka madaxa suuqgeynta kaddib dib adbaxyada.

"Ninka madaxa ii ahaa wuxuu bilaa bay inuu i inkiro, shaqadeyda dad kale ay aa la siiyay, waxaana la ii sheegay inaan qaato fasax caafimaad, aniga oo aan xa nuunsaneyn," ayay ku tiri email cabasho ah oo ay dirtay. Gabadhan ayaa sheegtay inay qabsatay qareen u dooda, kaddibna ay u suurtoga shay in shaqadeedii loo soo celiyo, balse weli aanan loola dhaq min si wanaagsan. 'Aamusii haweenka'

Meredith Whittaker, oo wax ka saxiix day emailka, ayaa sheegtay in booske edii shaqo laga beddelay.

Emailka ay shaqaalahan qoreen ay ay ku sheegeen: "Sheekooyinkeenna kel iya maaha. Google wuxuu caado u leeya hay aargoosiga, taas oo lagu aamusiin ayo haweenka, dadka madow, iyo kuwa laga tirada badan yahay.

" Haddii aan dooneyno inaan jooji nno takoorka, tacaddiga iyo go`aanqaa dashada aan habbooneyn, waa inaan jooj innaa inaan ka aargoosanno dadka sida furan uga hadla dhibaatooyinkaas."

WASAARADDA BOOSTADA & ISGAARSIINTA OO SOO BANDHIGTAY HALBEEGYADA U QABSOOMAY

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada (WBIT) ayaa soo bandhig tay waxyaabihii uga qabsoomay halbeeg yada Wasaaraddu ku leedahay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha. Wasiirka, Md. Cabdi Cashuur Xasan, oo ka hadlayay ha beegyada ayaa sheeg ay in wasaaraddu leedahay 9 halbeeg oo ah waxyaabaha ugu waaweyn ee mudna anta u leh ee ay ka shaqeyneysay tan iyo 2017dii, kuwaa soo ka baxsan hawlmalmedkeda Wasaro.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in afar ka mid ah sagaalka halbeeg in 100% la dhammeeyay, halka shanta soo hartay hawlo badan ay ka socdaan, qaarkoodna gabogabo ku dhow yihiin.

"Hadduu Alle idmo marka lagu wada guuleysto halbeeygadan waxaan rajeyn eynaa in isbeddel muuqda laga dareemi doono isgaarsiinta iyo teknolojiyada dal ka,”ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeey ay wasiirku.

DOWLADDA SOMALIA OO MUQDISHO KEEN TAY SARKAAL KA TIRSANAA ALSHABAAB

Dorraad ayaa sarkaal ka tir sanaa Uru rka AlShabaab ayaa iskusoo dhiibay Cii damada Dowladda ee ku sug an deg mada Baardheere ee G/Gedo, waxaana sarkaalkaas lagu Magacaa baa Adan Coo be, kaas oo siwayn looga yaqaano deeg aanada Jubbaland.

Sarkaal kaas kasoo goostay AlSha baab ayaa xalay la keenay Magalada caa simadda ah ee Muqdisho,waxaana diyaa rad khaas ah kasoo qaaday degmada Baar dheere ee gobolka Gedo ee Maa mulka Jubbaland.

Bile Hufuud Ibraahim oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soom aaliya ee Gobolka Gedo ayaa macluuma ad dheeraad ah ka bixinaya Sarkaalka ka tirsanaa AlShabaab ee dowladda iskusoo dhiibay ee la keenay M/ Muqdisho.


BOQORTOOYADA SACUUDIGA OO SILAC DISHAY MAXBUUS

Maxbuus Sacuudiga ku xirnaaa ayaa la silac dilay, sida ay ku warrantay warba ahinta qaranka ee Sacuudiga.

Ninkan ayaa ka mid ahaa 37 ruux oo Talaadadii la daldalay iyaga oo loo haysto falal argagixisanimo. Warka ay dawladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in raggan lagu helay "in ay qaateen afkaaro xagjir nimo, in ay abuureen shabakado argagix iso iyo in ay wax u dhimeen ammaanka iyo nabadgalyada bulshada".

Mid ka mid ah dadka dilka lagu fuliy ay ayaa jiray 16 sano oo kali ah markii la soo xirayay, sida ay sheegtay hay'adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International.

Dilalka sacuudiga laga fuliyo ayaa caadiy an dadka qoorta laga jaraa. Balse dadka oo la sii silac dilo waxay u gaar tahay dadka ay masuuliyiintu u arkaan in ay dambiyo waawayn galeen.

Dadka dilka lagu fuliyay Talaadadii ayaa ahaa kuwo lagu eedeeyay in ay weerar een xarumo laamaha ammaanka iyo in ay laayeen askar, sida lagu sheegay waka aladda wararka ee Sacuudiga ee SPA.

Xukunnadan dilalka ah ayaa lagu kala fuliyay goobo kala duwan oo ay ka mid yihiin caasimadda Sacuudiga ee Riyaadh, Maka iyo Madiina.

Dadka xukunka dilka ah lagu fuliyay waxaa ka mid ah 14 ruux oo lagu helay dambiyo ay galeen intii ay ka qaybqaad anayeen mudaaharaadyo dawladda laga ga soo horjeeday, sida ay sheegtay Amn esty.

Sannadkii 2018 nin ayaa lagu silac dilay Sacuudiga ka dib markii lagu helay in uu haweenay toori ku dilay, Waxaa kale oo lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu nin kale dilo iyo in kufsi gaysto, sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg.

Dawladda Sacuudigu si rasmi ah uma shaaciso tirada dadka ay xukunka dilka ah ku fuliso, balse warbaahinta dawladda ayaa si joogto ah u baahisa dilal la ful iyay.

Sida ay ku warramayso Amnesty ugu yaraan 104 ruux ayuu Sacuudigu dil ku fuliyay sannadkan aan ku jirno. Sannadkii horana boqortooyadu waxay dil ku fulisay 149 ruux.

Axaddiina dawladda Sacuudiga ayaa she egatay in ay fashilisay weerar lagu bart ilmaameedsanayay xafiis laamaha am maanku ay leeyihiin oo ku yaalla alZulfi oo ku taalla waqooyiga Riyaadh.

Xigasho:BBC

HAWEENEY 27 SANO KOOMO KU JIRTAY OO SI MUCJISO AH U SOO KACDAY

Muniira waxay Koomo ku jirtay 27 sanoHaweeney u dhalatay dalka Isutagga Ima araadka Carabta, oo sannadkii 1991kii ku dhaawacantay shil gaari ayaa caafima ad mucjiso ah heshay, ka dib markii ay kasoo kacday koomadii ay 27 sano ku jirtay.

Muniira Cabdalla, oo markii ay dhaa wacmeysay 32 sano jir ahayd ayaa la xan uunsaneysay dhaawac halis ah oo ka ga aray maskaxda. Gaarigii ay saarneyd ay aa bas ku dhacay, xilli ay iskuulka kasoo qaadday wiil yar oo ay dhashay.

Cumar Webair, oo markaas 4 sano jir ahaa ayaa hooyadiis la fadhiyay qeybta dambe ee gaariga, balse waxba ma ay san gaarin, maadaama ay hooyadiis laa bta galisay markii uu shilka dhacayay.

Muniira oo uu gaariga ku kaxeynayay dumaashigeed ayaa si xun u dhaawacan tay, balse waxay sannadkii lasoo dhaafay dib miyirkeeda u heshay iyadoo ku jirtay isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka.

Cumar ayaa ka sheekeeyay arrinta shil ka iyo xaaladda soo fiicnaatay ee hooy adiis, oo sannado badan la daaweyna yay, mar uu wareysi siiyay wargeys Imaa raadka kasoo baxa oo lagu magacaabo The National.

'Laabta ayey i galisay si ay ii badbaad iso'"Waligey kama niyad jabin caafima adkeeda, sababtoo ah mar walba waxaa igu jiray dareen ah inay dib usoo kici do onto maalin uun", sidaas ayuu Cumar war geyska ku yidhi maalintii Isniinta ahayd.

"Sababta aan sheekadeeda idiinla wa daagay waa inaan dadka u sheego inay san ka quusanin shakhsiyaadka ay jecel yihiin, ha u arkin inay yihiin dad dhintay marka ay xaaladdaas oo kale ku sugan yihiin", ayuu sii raaciyay hadalkiisa. "Hoo yadey waxay ila fadhisay qeybta dambe ee gaariga. Markii ay aragtay inaan shil galeyno, hab ayey isiisay si ay iiga badba adiso halista".

Isagu marka uu shilka dhacay wax weyn ma uusan gaarin, laakiin hooyadiis ayaa goobta taallay saacado badan, iya doo aan wax daaweyn ah helin.

Sannado daaweyn ah Muniira waxaa ugu dambeyn loo qaaday isbitaal maxalli ah, markii dambena wa xaa loo gudbiyay isbitaal ku yaalla ma gaalada London.

Halkaas markii la geeyay waxaa lagu dhaw aaqay inaysan miyir lahayn, mask axdeedana aysan wax jawaab ah bixine ynin, laakiin xanuunka wey dareemeysay maskaxdu, sida uu qoray wargeyska Nati onal.

Waxaa markaas dib loogu celiyay mag aa lada Al Cayn, oo ku taalla dalka Isutag ga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay in muddo ah taallay. Waxaa loo sameyn jir ay jimicsi, si ay san murqaheeda ugu qal lalin dhaqdhaq aaq la'aan awgeed.

Sannadkii 2017kii ayey hay'ad dowl adda Imaaraadka ka tirsan u suurta gali say in Muniira daweyn loogu qaado dalka Jarmalka. Halkaas ayaa loogu sameeyay tiro qall iinno ah, si loo saxo murqaha gac ma heeda iyo lugaheeda ee gaabtay.

Waxaa sidoo kale la siinayay dawooyin lagu hormarinayo xaaladdeeda caafim aad.

Murankii isbitaalka

Hal sano ka dib, wiilkeeda ayaa muran iyo buuq la galay dad ku jiray qolkii ay isb itaalka ka jiiftay, arrintaas ayaana wax ka baddashay xaaladdeeda.

"Waxaa jirtay isfaham darro ka dhacday qolkii isbitaalka, iyaduna waxay dareentay inaan halis ku jiray, taasina waxay saba btay inay naxdo", ayuu yidhi Cumar.

"Waxaa kasoo baxayay cod layaab leh anigana waxaan u yeerayay dhakhaatiirta si ay xaaladdeeda u eegaan, laakiin wa xay ii sheegeen in wax walba ay caadi yihiin".

"Saddex maalmood kadib, waxaan hurdada uga kacay codka qof magacey ga iigu yeeraya. Qofkaasna wuxuu ahaa hooya deey! waxay iigu yeereysay mag aceyga, aad baan u farxay, muddo san nado ba dan ah arrinta noocaas ah waan ku riy oon jiray, magaceyguna wux uu ahaa era ygii koowaad ee afkeeda kasoo baxa".

Xaaladdeeda way sii fiicnaatay, xanu unka ayey dareemeysay, xoogaana way hadli kartay. Waxaa lagu celiyay magaa lada Abu Dhabi, halkaasoo jimicsi loogu sam eynayo hadda.Xaaladda Muniira waa dhif iyo nadir Waxaa dunida soo mar ay dhowr kiis oo kaliya, oo la mid ah kan Muniira.

Waa dhif iyo naadir in qof sannado Koomo ku jiray uu dib u soo kaco, nol oshana lasoo qabsado.Mararka qaar suurtagal ma aha in qof xaaladdaas oo kale galay uu miyir soo yeesho, sida ay sheegtay xarunta qaran ee caafimaadka UK.

Ciyaaryahankii hore ee tartanka Form ula 1 horyaalka u ahaa, Michael Schuma cherCiyaaryahankii hore ee tartanka For mula 1 horyaalka u ahaa, Michael Schum acher ayuu dhaawac halis ah maskaxda ka gaaray sannadkii 2013kii, xilli uu ku sugnaa dalka Faransiiska.

Waxuxuu Koomo ku jiray 6 bilood, ka hor inta aan loo gudbinin gurigiisa ku yaalla dalka Switzerland, halkaasoo daaweynta ay ugu socoto.

Xigasho:BBC


GARGAAR LA GAARSIIYAY DEGAANADII LAGA QABSADAY SHABAAB

Ciidammada Kummaadoosta Soomaal iya ayaa mar kale gurmad raashiin ah ga arsiiyey shacabka masaakiinta ah ee ku sugan degaannada Sabiid iyo Caanoole.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/Khudaarta-696x392.jpgCiidammada DANAB ee Xoogga Dalka ayaa tagay degaannada Sabiid iyo Caan oole iyagoo gawaaridooda ku soo raray raashiin noocyo kala duwan leh oo ay u gu talo galeen in ay uga jawaabaan dhib aatada dhinaca nolosha ah ee ka jirta dee gaanadii ay dhowaan sida xoogga ah uga saareen Alshabaab.

Taakuleyntaan oo ah tii labaad ayaa ujeedkeedu yahay in la badbaadiyo sha cabka Soomaaliyeed ee u baahan amn iga iyo gurmadka, kuwaas oo sann ado badan aanan helin gargaar sidaan oo ka le ah.

NIN KU QARAABIN JIREY MAGACA SIYAASI CAAN AH OO LAGU XIRAY KENYA

Dembibaarayaasha Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay gacanta ku dhigay Nin iska dhigi jirey Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo aqlabiyad ku dhex leh Barla maanka Kenya. Eedeysanaha la qabtay oo magaciisa lagu sheegay James Om bui Oire waxa uu Barta Facebook u adee gsan jirey mag aca Xildhibaankaasi, isa goo qaar ka mid ah Asxaabta Aadan Ba rre Ducaale ka uru rsaday lacago uu isaga oo iska dhigayey Xildhibaankaasi.

Mar uu Saxaafadda la hadlay Aadan Barre Ducaale waxa uu sheegay inuu Nin kaasi dadka been u sheegi jirey, isagoo adeegsanaya Barta uu ku leeyahay Face bookga.

Eedeysnaha waxa uu haatan ku xir an yahay Saldhigga Dhexe ee Boliska Na irobi, isagoo loo haysta inuu lacago ku he lay isagoo magac been ah ku qaraab an jirey.

Dhacdadan ayaa timid hal bil kadib, markii ay 7 Eedeysane ay lacago ku hele en iyagoo iska dhigayey Madaxweynaha dalkaasi, Uhuru Kenyatta.

Waxaa la sheegay inay iyagoo iska dhigayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay Telefoonka ka waceen Guddoomiyaha Hay’adda Samiir Afrika, Naushad Merali, kana dalbadeen inuu u soo fasaxo lacag dhan 10million oo Shillinka dalkaasi.

Eedeysanayaashaasi waxaa magacyado oda lagu klaa sheegay: Joseph Waswa, Duncan Muchai, Isaac Wajekeche, Will am Simiyu, David Luganya, Gilbert Kiru nja iyo Anthony Wafula.

Eedeysanayaashaasi waxaa loo hays taa inay sameeyeen been abuur ay ku kasbadeen lacago badan, iyagoo iska dhigi jirey Madaxweyne Uhuru iyo Saraa kiil sarsare oo ka hawlgala Aqalka Dow ladda ee dalka Kenya.

SARE U KAC KU YIMID KHUDAARTA SUUQYADA MUQDISHO

Waxaa suuqyda magaalada Muqdisho laga dareemayaa sare u kac xoogan oo ku yimid nuucyada kala duwan ee Khuda arta, taas oo saameyn ku yeelatay nolo sha Qoysas badan, gaar ahaan kuwa dan ta yar.

Qaar ka tirsan ganacsatada Khudaarta oo an kula kulanay Suuqa Xamar Weyne ayaa waxa ay faah faahin ka bixiyeen wa xa keenay sare u kacan.

Waxaana ay u sababeeyeen arrimo ay ka mid tahay xirnaashaha waddooyin ka iyo Lacago looga qaado baraha koont arool ee K/ Soomaaliya.

Inta badan ayaa waxaa xilliyada Jilaal ka la dareemaa isbedal dhinaca qiimaha oo ku yimaada nuucyada Khudaarta lagu iibiyo suuqyada M/Muqdisho.

BOGGA CAYAARAHA

XOG: REKOODHADII & XAQIIQOOYINKII CAJIIBKA AHAA EE LAGA DIWAAN GALIYAY KULANKII MANCHESTER DERBY EE OLD TRAFFORD.

Manchester City ayaa Old Trafford guuldaro xanuun badan ku soo baday Manchester United waxayna kooxda Guardiola fariin cad u dirtay kooxda ay koobka Premier league ku tartamayaan ee Liverpool. Man City ayaa si buuxda uga soo gudubtay imtixaankii ugu adkaa ee ka hor joogay difaacashada koobka Premier League.

Man City ayaa Old Trafford ku soo heshay saddex dhibcood oo suurtogal u noqon kara in ay ay koobka Premier league ku guulaysato xili ciyaareedkii labaad oo xidhiidh ah waxayna City soo burburisay rajadii yarayd ee ay United ka qabtay in ay afarta sare ku dhamaysan karto.

Haddaba waxaanu halkan idiinku haynaa rekoodhadii iyo xaqiiqooyinkii laga diwaan galiyay kulankii Manchester Derby ee Old Trafford halkan ayaanad kaga bogan kartaa.

Manchester United ayaa guuldaraysatay kulankeedii 7 ad ee 9 kii kulan ee ugu danbeeyay tartamada oo dhan waxayna soo guulaysatay laba kulan oo kaliya iyada oo 17 kii kulan ee ugu ka horeeyay ee uu Ole Gunnar Solskjaer soo maamulay Man United ay hal guuldaro oo kaliya soo gaadhay waxayna wax walba isbadaleen markii shaqada si rasmi ah loogu magacaabay.

Man United ayaa rekoodh taariikh madow ku ah ku samaysay Old Trafford waxayna markii taariikhda kooxdeeda ugu horaysay hal xili ciyaareed laga dhaliyay 50 gool oo horyaalka ah, waana markii ugu horaysay ee United ay goolal sidan u badan la kulantay intii ay jirtay.

Manchester City ayaa 157 gool xili ciyaareedkan ka soo dhalisay tartamada oo dhan waana rekoodh u khaas ah kooxda Guardiola maadaama oo ay dhigeen rekoodhkii gool dhalinta ee abid ugu badnaa ee ay koox Ingiriis ahi samaysay hal xili ciyaareed gudihii.

Tababare Guardiola ayaa rekoodh khaas ah ku soo samaystay Old Trafford wuxuuna noqday tababarihii saddexaad oo kaliya ee saddex guulood oo xidhiidh ah oo horyaalka Premier league ah ku soo gaadhay Old Trafford oo uu marti ku yahay waxaana uga horeeyay Gérard Houllier iyo Arsene Wenger oo rekoodhkan hore ugu haystay Old Trafford waxayna la soo gaadheen Liverpool iyo Arsenal sida ay u kala horeeyaan.

City boss Pep Guardiola is the first manager to win three consecutive away Premier League matches at Old Trafford against Man Utd and only the third to win three away matches there, along with Arsène Wenger and Gérard Houllier.

Manchester United ayaa ku soo fashilantay in ay hal kulan shabaqa nadiif ah garoonka kala baxdo 12 kulan oo xidhiidh ah oo tartamada oo dhan ahaa waana heerkii ugu liitay ee ay United soo martay tan iyo August 1971.

Man City ayaa hogaaminta Premier league kala wareegtay Liverpool, waxayna noqotay markii 18 aad ee xili ciyaareedkan hogaanka Premier league lala kala wareegay iyada oo xogtan oo kale la diwaan galiyay xili ciyaareedkii 2001/2002 markaas oo isla 28 jeer hogaanka lala kala wareegtay balse haddii ay Liverpool guul ka gaadho Huddersfield oo ay hogaanka ku soo laabto waxay noqon doontaa markii abid ugu badnayd ee 29 jeer hogaaminta Premier league lala kala wareegay hal xili ciyaareed.

Vincent Kompany ayaa rekoodh xun ku yeeshay kaadhadhka ugu badan ee digniinta ah oo lagu soo siiyay kualnka Manchester debry wuxuuna xalay qaatay kaadhkiisii 10 aad oo digniin ah ee kulankan isaga oo ka mid noqday saddexda ciyaartoy ee kulan derby ah kaadhadhka ugu badan ku qaatay wuxuuna ku biiray Jamie Carragher – Liverpool vs Man Utd & Mark Noble – Spurs vs West Ham oo min 10 kaadh digniin kulamadan ku qaatay.

Manchester City ayaa rekoodh iyaga khaas u ah ku soo dhigay Old Trafford waxayna Sky Blues noqotay kooxdii ugu horaysay ee ay 7 kulan oo ay marti ku tahay Old Trafford guulo ku soo gaadhay horyaalka Premier league mana jirto koox kale oo rekoodhkan hore u gaadhay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip