Puntland oo Amartay Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga

0
Wednesday April 24, 2019 - 20:39:41 in Wararka by
  • Visits: 257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland oo Amartay Hirgelinta Iyo Fulinta Xeerka Kufsiga

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray Hirgelinta iyo fulinta xeerka kofsiga, iyada oo la tixraacayo go'aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee Khamiistii oo taariikhdu a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa amray Hirgelinta iyo fulinta xeerka kofsiga, iyada oo la tixraacayo go'aankii kasoo baxay shirkii Golaha Xukuumadda ee Khamiistii oo taariikhdu ahayd April, 17, 2019. Xeerka kufsiga fulintiisa iyo maarayntiisa ayaa waxaa horay loogu magacaabay Wasiiradda Wasaaraddaha Haweenka, Cadaaladda, Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland, Taliyaha Ciidanka Danbi Baarista, Guddoomiyaha Guddiga Xuuqda Aadanaha iyo Guddiga Sare ee Garsoorka.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo tixraacaya Qodobka 37-aad ee lagu aas-aasay Guddiga gaarka ah ee fullinta iyo Maraynta arrimaha la xiriira danbiyada kufsiga si waafaqsan sharciga ayaa waxaa guddigaas lagu xoojiyey Madaxtooyada iyo Wasaaraddaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha.

Ugu dambeyntii Guddigan uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa waxaa ay u xilsaaaran yihiin qodobada hoos ku qoron

  1. Hubinta iyo dabagalka fullinta xukumada kufsiga,
  2. Maareynta iyo u kuurgelidda arrimaha ku saabsan kufsiga,
  3. Baarista haddii ay jiraan waxyeelo dhiiri gelinaya ama cid ka danbeysa soo noqnoqoshada ficilka kufsiga ee dilku la socdo,
  4. Dib u eegista iyo ka talo bixinta awoodaha iyo hanaanka shaqo ee Hay’addaha ku shaqada leh arrimaha kufsiga.

Tallaabadaan ayaa kusoo maadeysa xilli ay jiraan dad loo qabqabtay falal la xiriira kufsi kuwaas oo ay baaris ku hayaan laamaha amniga Puntland halka qaarkood horay xukun loogu riday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip