Labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo heshiish ka gaadhay qabsoomida doorashooyinka soo socda

0
Wednesday April 24, 2019 - 00:08:08 in Wararka by
  • Visits: 289
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo heshiish ka gaadhay qabsoomida doorashooyinka soo socda

    Labadda xisbi ee UCID IYO kulmiye ayaa ku heshiiyey inay doorashaddu wakhtigeedii dhacdo, isla markaana guddida doorashooyinka ee hada jiraa sii wadaan shaqadoodda diiwaangalinta codbixiyeyaasha. Sidoo kale, waxa lagu heshiiyey in bisha 8aad ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labadda xisbi ee UCID IYO kulmiye ayaa ku heshiiyey inay doorashaddu wakhtigeedii dhacdo, isla markaana guddida doorashooyinka ee hada jiraa sii wadaan shaqadoodda diiwaangalinta codbixiyeyaasha. Sidoo kale, waxa lagu heshiiyey in bisha 8aad ee sanadkan la soo magacaabo guddida cusub ee doorashooyinka iyagoo qaab tobabar ula sii shaqayn doonna guddida mudadu ka dhamaanayso dhamaadka bisha November ee sanadkan. Qodobadan lagu heshiiyey waxa ka mid ah:

1. Laba xisbi qaran ee UCID iyo kulmiye waxay isku afgarteen in doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilada ee qorshaysan inay qabsoonto 13 december 2019 ay ku qabsoonto wakhtigii loogu tallogalay.

2. In komishanka doorashooyinka qaranka ee hadda jira uu bilaabo hawlaha diiwaangalinta iyo u diyaar garowga doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Wakiilada.

3. Sidoo kale, waxa ay xisbiyada qaranka ee kulmiye iyo UCID isla qaateen in 01 augusta 2019 la soo xulo komishanka doorashooyinka qaranka ee cusub, komishanakas oo tiradiisu tahay 7 xubnood

Komishanka doorashooyinka qaranka ee hada shaqaysanaya ayaa sii waddi doonna hawlaha qaban qaabada doorashooyinka illaa dhamaadka muddo xilleedkooda sida ku cad xeerka doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa lagu heshiiyey in doorashadda soo socota ka dib wax laga bedeli doono tiradda xubnaha guddida doorashooyinka oo laga dhigi doono sagaal xubnood halka ay imika ka tahay toddoba xubnood, waxaana min xubin dheeraad ah la siin doonna labada xisbi mucaarad.

Dhinaca kale, xisbiga WADDANI ayaa isagu ka maqan heshiishkan ay gaadheen labada xisbi

UCID iyo KULMIYE, waxaanay dhawr jeer ku kala kaceen kulamo ay yeesheen, taas xisbiga WADANI biyo diiday, waxaanu ku doodaya in la kala diro komishanka hadda shaqaynaya iyo in la kordhiyo xubnaha komishanka doorashooyinka.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip