Imaanshaha Sheikh Shariif Oo Si Weyn Looga Dareemayo Muqdisho & Qorshaha Villa Soomaaliya

0
Tuesday April 23, 2019 - 23:55:12 in Wararka by
  • Visits: 317
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Imaanshaha Sheikh Shariif Oo Si Weyn Looga Dareemayo Muqdisho & Qorshaha Villa Soomaaliya

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho,iyadoo magaalada si weyn looga dareemayo qaban qaabada soo dhoweyntiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho,iyadoo magaalada si weyn looga dareemayo qaban qaabada soo dhoweyntiisa.

Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa lagu wadaa inuu Maalinta Khamiista ah oo ay taariikhdu tahay 25 April uu soo gaaro Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya

Diyaar garow lagu soo dhoweynayo Shariifka ayaa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo soo dhoweynta uu diyaarinayo Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyaha ka yahay

Imaanshaha Sheikh Shariif oo si weyn looga dareemayo Muqdisho & Qorshaha Villa Soomaaliya

Wararka ayaa sheegaya in ujeedada safarka Sheekh Sharifi ee Muqdisho uu yahay Shirweyne uu Xisbiga Himilo Qaran ku qabanayo Muqdisho, kaasoo lagu dhisayo xubnaha Golaha Fulinta Xisbigaas.

Sheekh Shariif oo looga adkaaday doorashadii 2017 ayaa isu diyaarinaya in markii saddexaad uu diyaar garow xoog leh u galo Tartanka doorashada soo socota ee 2020/21.

Imaanshaha Shariif ee Muqdisho ayaa la rumeysan yahay inuu culeys siyaasadeed ku yahay dowladda Madaxweyne Farmaajo, iyadoo horay Muqdisho ugu sugnaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

Shiikh Shariif ayaa Muqdisho imaanayo xili ay Dowladda Soomaaliya la kulmeyso culeyso siyaasadeed oo kaga imaanayo Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ku kacsan Dowladda uu hoggaamiye Farmaajo.

Sidoo kalana wuxuu kusoo aadayaa Xilli madaxda Maamul Goboleedyada ay ku sugan yihiin Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya halkaas oo ay kulan kula yeesheen Beesha Caalamka iyagoo dacwad ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip