Madaxweynaha Masar Oo Markale Xaqiijiyey Inay Taageerayaan Midnimadda Somalia

0
Tuesday April 23, 2019 - 23:28:49 in Wararka by
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Masar Oo Markale Xaqiijiyey Inay Taageerayaan Midnimadda Somalia

    Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi ayaa u ballan qadaay dhigiisa dalka Somalia mowqifka Dowladda Masar ee ay ku taageerayso Midnimadda dalka Somalia. Labada Madaxweyne waxay Kulan Khaas ah saakayto ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda Masar ee A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Masar, C/fataax Alsisi ayaa u ballan qadaay dhigiisa dalka Somalia mowqifka Dowladda Masar ee ay ku taageerayso Midnimadda dalka Somalia. Labada Madaxweyne waxay Kulan Khaas ah saakayto ku yeesheen Qasriga Madaxtooyadda Masar ee Al-itixaadiyah oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Qaahira.

 
Ambassador Basaam Radhi oo ah Afhayeenka Madaxtooyadda Masar ayaa sheegay muddadii uu socday Kulanka Labada Madaxweyne inuu Mdaaxweyne C/fataax Alsisi sheegay inay ka go’an tahay Taageerida Midnimadda Somalia iyo Deganaanshaha guud ee Somalia.

Dhinaca kale, Labada Madaxweyne waxay ka wada hadleen Xaalladda Guud ee Gobalka, Arrimaha dalka Suudaan iyo sidii looga shaqeyn lahaa Xal-u-helista xiisadaha ka aloosan dalalka Sudan iyo Libya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip